Sababta baarlamaanka Kenya looga mamnuucay labiska uu xirto madaxweynahooda

Madaxweynaha Kenya

Xigashada Sawirka, PRESIDENCY KENYA/X

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka mamnuucay gudaha Xarunta baarlamaanka in lagu xirto labis suut ah, kaasoo loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula ayaa sheegay in suudkan oo uu ku tilmaamay dhar dhaqameed iyo dharka kale ee dhaqanka ka turjumaya aan laga ogolayn xarunta baarlamaanka.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa inta badan xirta Suudkaan uu xilliyada uu ku jiro shaqada easmiga ah .

Suudka oo ah surwaal iyo shaati gacamo gab ah oo isku ek ayaa inta badan la arkaa madaxweynaha Kenya oo xiran marka uu ka qeyb galayo xafladaha iyo munasabadaha kala duwan ee ka dhacay wadanka .

Talaadadii, ayuu gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Wetangula waxa uu sheegay in go'aanka uu ku mamnuucay dharkan ay sabab u tahay is-beddellada moodada ee soo ifbaxaya kuwaas oo khatar gelinaya xeerka labiska ee baarlamaanka Kenya.

Waxa uu xusay in nidaamka labiska habboon ee raggu "yahay jaakad, Surwal Dheer ah iyo koofiyado kuwas oo ah kuwa saxda ah ee raggu qaadan karaan inta lagu jiro xarunta Baralamanka “

Waxaa kale oo xusay in labiska saxda ah ee “haweenka ay la imaan karaan barlaamka uu yahay Goon dhere iyo haaf kuwaas oo an ka hor imaanayna xeerka labiska ee baarlamaanka” .

Suudka hada la mamnuucay ayaa horay loogu ogolaaday baarlamaanka iyadoo xildhibaanada qaar ay caan ku yihiin inay xirtaan marar badan.

Wetangula gudoomiyaha baarlamaanka Kenya waxa uu tilmaamay in suudka waayihii hore qaadashadiisu uu dalka ka ahaa ,mid caadi ah balse hada la joogo waqtigii la joojin lahaa maadama xeerka labiska ee baarlamanka uu sidas dhigayo.

Madaxweynaha oo xiran suudka la mamnuucay

Xigashada Sawirka, PCS

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha oo xiran suudka la mamnuucay

Sidee bulshada Kenya u arkaan mamnuucida labiska

Doodad ku saabsan suudka ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad uga socday baraha bulshada ee dalka Kenya, kadib markii Madaxweyne dalka Kenya Ruto uu bilaabay xirashadiisa xilliyo kala duwan oo munaasabada uu ka qeyb galayay.

Go’aanka ah in suudka baarlaamnka laga mumnuuc ayaa waxaa siyabo kala duwan looga hadlay baraha bulshada.

Dadka qaar ayaa ku jahwareersan sababta baarlamaanka u mamnuucay dharka dhaqanka ee Afrika, halka qaar kalena ay soo dhaweeyne .

Qaar kale oo ka mid ah bulshada Keny ayaa ku jees jeesay mamnuucida Suudkan, ayga oo u arka wax aan sida u weynayn balse ee barlamaanka iska mamnuucay .

"Sida saxda ah waa in aan wax weyn loo arkin wax walba”ayuu yir mid ah dadka isbitmaal baraha bulshada oo qoraal soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray (Twitter).

Baarlamaanka Kenya

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Baarlamaanka Kenya

Waa kuma ninka Suudkan loogu magac daray ee canka ku ahaa uu qaato.

Suudkaan oo si aad ah looga xirto dalka Zambia waxa loogu Magacdaray madaxweynihii ugu horreeyay ee Zambia Kenneth Kaunda.

Waxaa uu safka hore kaga jiray halgankii xorriyadda ay dalkasi ku helaan oo ay la galeen gumeeysigii Ingirkiisa,waxaa uu soo noqaday hogaaminaya xisbiga Zambian African National Congress.

Sannadkii 1973dii, ayaa loo doortay madaxweynihii dalka Zambia kadib rabasho qabiil oo dalkaasi ka dhacay,waxaan lagu tirayaa in uu ahaa mid ah shaqsiyadkii lahaa gancsiga ugu badan ee wadankiisa .

Waxaa uu caan ku ahaa xirshada suudka oo ah Surwal iyo shati isku ayada oo markii danbe isagii loogu magac daray madaxeynaha.

Madaxweynaha Kenya kama usan hadlin ilaa iyo hada go,aanka baarlamaanka ee ay ku mamnuuceen Suudka ,lama oga in uu dhaqan gali doon iyo kale