Itoobiya ma waxay dib ugu laabaneysaa dagaal kale oo ka qarxa gudaheeda?

Taallo muujineysa wiil gacanta ku haya alwaax uu ku qoron yahay Rejo, Mekelle, Ethiopia.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Rejo, sida ay muujinayso taallo ka taagan xero barakacayaal oo ku taal Mekelle, aad ayey gabaabsi uga tahay Tigray
    • Author, Kalkidan Yibeltal
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Cabsida laga qabo in dagaal dib uga qarxo waqooyiga Itoobiya ayaa dad badan ku qasbaya in ay ka baxaan gobolka Tigray, saddex sano kadib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee halkaas ka dhacay intii u dhexeysey 2020 illaa 2022.

"Qofkii awooda wuu duulaa, kii aan awoodinna bas ayuu raacaa," ayuu qof ku sugan magaalada Mekelle u sheegay BBC-da, isagoo intaas ku daray in tiro badan oo dhallinyaro ah ay u jiheysteen dhanka caasimadda Addis Ababa.

Qiimaha badeecooyinka ayaa si xawli ah u kacaya maadaama dadku kaydsanayaan waxyaabaha daruuriga ah, halka bangiyaduna ay xaddideen lacagta lala bixi karo maalin kasta oo ku dhow 2,000 birr ($13) qofkiiba, kadib markii bangiyada lagu qamaamay.

Gabaabsiga lacagta caddaanka ah ayaa dadka dib u xusuusinaysa dagaalkii qaraaraa ee labada sano socdey, kaas oo dhammaaday Noofambar 2022, waxayna dadka doonaya inay sameeyaan lacag wareejin waaweyn badanaa ay ku khasbanaadaan in ay bixiyaan kharash dheeri ah si ay hab danabeysan ugu diraan.

Maxaa ku dhacay heshiiskii nabadda?

Dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sababay dhimashada qiyaastii 600,000 oo qof, sida uu sheegay wakiil ka socday Midowga Afrika (AU), wuxuuna gobolka ku sigtay macluul daran.

Soo dhaweyn iyo farxad weyn ayaa lagu qaabilay heshiiskii uu Midowga Afrika dhex-dhexaadiyey bishii Noofambar 2022.

Kadib markii heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, rasaastii waa la joojiyay, adeegyada aasaasiga ahna waa la soo celiyay, nolosha gobolkuna caadi ayey ku soo noqotay.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maalin walba dadku waxay safaf dheer u galaan bankiyada si ay lacag caddaan ah ula baxaan, cabsi laga qabo in colaad dib ugu soo laabato gobolka awgeed.

Si kastaba ha ahaatee, walaac ayaa markiiba ka dhashay maqnaanshaha laba ka mid ah dhinacyadii dagaalamayey xilligii saxiixa:

• Eritrea, oo Tigray kaga beegan waqooyi, ciidamadeeduna ay ka feer dagaallameen ciidanka Itoobiya si ay u xakameeyaan gobolka.

• Amxaaro, oo Tigray kaga beegan galbeed, dagaalyahannadeeduna ay dhinaca ciidanka Itoobiya ka barbar dagaallameen. Toddobaadyadii hore ee dagaalka waxay la wareegeen dhul ku yaalla galbeedka Tigray oo hodan ku ah beeraha, kaas oo weli muran ka taagan yahay.

Tan iyo markaas, waxaa khilaaf dhex maray dowladda Itoobiya iyo xulafadeedii hore ee Eritrea iyo maleeshiyaadkii hubaysnaa ee Amxaarada. Dowladda ayaa sidoo kale khilaaf kala dhexeeyaa TPLF, maadaama aan weli xal laga gaarin mustaqbalka dhulalka lagu muransan yahay ee Tigray, halkaas oo ay weli haystaan ciidamada Amxaaro.

Arrimahan oo dhan waxay abuureen kalsooni darro baahsan, waxayna keeneen in heshiiskii Pretoria si degdeg ah u wiiqmo.

Sidee haddaba xaaladdu u labo kacleysay?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warar ayaa sheegaya in ciidamo la abaabulayo waqooyiga Itoobiya, halka Qaramada Midoobayna ay ku tilmaantay xaaladda gobolka mid "aad u kacsan".

Dhammaadkii Jannaayo, iska horimaadyo kooban ayaa la soo sheegay in ay dhex mareen ciidamada federaalka iyo dagaalyahannada Tigray, kuwaas oo ku baaqaya in dib loogu soo celiyo dhulalka weli gacanta Amxaaro ku jira.

Duqeymo ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn ayaa ka dhacay gobolka, duulimaadyadii tegi jirey magaalooyinka Tigray-na waa la joojiyey ku dhowaad toddobaad.

Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedaysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha, iyadoo taageeraysa ciidamada Tigray — arrintaas oo ay Eritrea beenisay. Mas'uuliyiinta Addis Ababa-na waxay u arkaan isu soo dhowaanshaha TPLF iyo Asmara mid khatar ku ah ammaankeeda.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warqad u qoray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay Eritrea in ay isbahaysi la sameysay "garabka xagjirka ah ee TPLF" si ay "dagaal ugu qaaddo" Itoobiya.

Toddobaadkii hore, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremicheal ayaa sheegay in dagaal uu "daruur dagaal ay dul hoganeyso" Tigray, ayna dadka "ku khasbanaan doonaan in ay iska caabiyaan gardarro kasta si ay u sii jiraan".

Maxay TPLF ka careysan yihiin?

Jabhadda TPLF waxay doonayaan in dib loogu soo celiyo dhulalkii ay ku waayeen dagaalka, sida galbeedka Tigray.

Ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa ka qaxay aaggaas intii uu socday dagaalku, waxayna ku nool yihiin xeryo ku-meel-gaar ah oo ku yaalla Tigray oo xaaladoodu liidato. Ilaa haddana uma suuragelin in ay dib ugu laabtaan guryahoodii.

Go'aan ay guddiga doorashooyinka qaateen toddobaadkan, oo dhigaya in bisha Juun dhulalka lagu muransan yahay ay si madax-bannaan u codeeyaan — halkii ay ka hoos iman lahaayeen Amxaaro ama Tigray — ayaa sii kiciyay caro badan oo ka jirta Tigray.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Daqarrada dagaalka ayaa weli ka sii muuqda Tigray

TPLF oo intii uu socday dagaalku lagu daray liiska argagixisada, waxay sidoo kale doonaysaa in dib loogu soo celiyo aqoonsigeeda sharci ee xisbi siyaasadeed.

Hase yeeshee, arrintaas waxaa hareeyay khilaafyo, waxaana guddiga doorashooyinka dhawaan kala noqday ruqsaddii TPLF, taas oo ka dhigaysa in aysan ka qayb geli karin doorashooyinka soo socda.

Gudaha TPLF lafteeda ayaa kala qaybsanaan ka dhacday, iyadoo xubno ka mid ahi ay sameysteen xisbi cusub, taas oo sii adkaysay xaaladda horeba u cakirnayd.

Xisbiga TPLF ayaa labaatan sano si weyn ugu talinayay siyaasadda Itoobiya ilaa uu Abiy Ahmed noqday ra'iisul wasaare 2018, kuna dhawaaqay xisbi cusub oo hoggaamiyeyaasha TPLF ay diideen inay ku biiraan.

Taageerayaasha Abiy waxay xubnaha TPLF ku tilmaamaan "garab macangag ah", iyagoo ku eedeynaya in ay ku guuldareysteen fulinta heshiiska nabadda islamarkaana ay isku dhowaadeen Eritrea — taas oo beddeshay oo si weyn xulafadii gobolka marka loo eego xaaladdii 2020.

Maxaa sababay khilaafka Itoobiya iyo Eritrea?

Labada dal ee dariska ah waxay lahaayeen xiriir soo raynaya — mar saaxiibo ah, marna cadow ah.

Eritrea waxay si rasmi ah uga go'day Itoobiya 1993, balse markii dambe waxaa dhex maray dagaal xuduudeed oo dhiig badan ku daatay.

Abiy Axmed ayaa xitaa ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2019, kadib markii uu soo afjaray ismari-waa 20 sano socday oo u dhexeeyay labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirkii wanaagsanaa ee la dhidbay intii uu socday dagaalka Tigray ayaa isu beddelay hadallo kulul oo ku saabsan Badda Cas.

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan dunida ee aan bad lahayn, waxay lumisay dekedihii Badda Cas markii Eritrea xornimada qaadatay, taas oo la tagtay xeeb dhan 1,350km.

Arrintan Abiy wuxuu u arkaa mid halis ku ah jiritaan Itoobiya, wuxuuna kabaha u gashaday sidii Itoobiya u yeelan lahayd dekedda koonfurta Eritrea ku taal ee Cassab — oo qiyaastii 60km u jirta xadka — isagoo xitaa tilmaamay suurtagalnimada in uu xoog ku qaato.

"Badda Cas iyo Itoobiya weligood ma kala go'i karaan," ayuu Abiy ku sheegay khudbad uu dhowaan ka jeediyay baarlamaanka.

Sidee ayuu gobolka Amxaaro ugu lug leeyahay xiisadda?

Kacdoon heerkiisu hooseeyo ayaa ka socdey deegaanka Amxaarada tan iyo 2023, kaas oo la xiriira caro ka dhalatay in kaalintii ay gobolkaasi ku taageereen dowladda intii uu socday dagaalka Tigray balse aan si habboon looga garwaaqsan.

Dabley gaari saaran.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dagaalameyaasha Amxaada ee dowladda ka caawiyey dagaalkii Tigray ayaa aaminsan in lagu abaal dhacay.

Dagaalyahannada halkaas ka jira waxay doonayaan in galbeedka Tigray si rasmi ah loogu daro Amxaarada.

Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedaysay in ay ku lug leedahay kacdoonkaas — arrintaas oo ay Eritrea mar kale beenisay.

Bishii Janaayo, ciidamada amniga federaalka ee gobolka Amxaaro ayaa sheegay in ay qabteen 50,000 oo xabbo oo rasaas ah oo ay ku eedeeyeen in Eritrea u dirtay maleeshiyaad ka soo horjeeda dowladda.

Muxuu dagaal kale uga dhigan yahay gobolka?

Daqarradii iyo xanuunkii dagaalkii hore weli way ka muuqdaan Tigray. Kaabayaashii burburay badankood dib looma dhisin, dhaqaalaha gobolkuna si buuxda uma soo kaban.

Shaqo la'aanta joogtada ah ayaa ku riixaysa dhallinyaro badan in ay maraan waddooyin tahriib oo khatar ah si ay fursado uga raadsadaan Yurub iyo Bariga Dhexe.

Haddii dagaal buuxa uu mar kale ka dhex qarxo ciidanka Itoobiya iyo TPLF, ama Itoobiya iyo Eritrea, Tigray ayaa u badan in ay noqoto goobta ugu weyn ee dagaalka — taas oo mar kale burburin doonta gobolka.

Sidoo kale waxay khalkhal gelin kartaa Geeska Afrika oo dhan.

Suudaan oo dhanka galbeed deris kala ah Itoobiya, ayaa horeyba u wajahaysa rabshado ba'an oo sababay mid ka mid ah qalalaasaha bini'aadantinimo ee ugu xun dunida.

"Dagaal kasta oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea oo ku lug leh Tigray iyo dhinacyo kale oo gudaha Itoobiya ah, aad bay u suurtagal tahay in uu ku xirmo Suudaan. Labada colaadoodna way isku milmi karaan," ayuu yiri Michael Woldemariam oo ah khabiir xiriirka caalamiga ah ee fadhigiisu yahay Maraykanka oo BBC-da u warramay.

Maxaa laga qaban karaa si looga gaashaanto dagaal kale?

Cadaadis diblomaasiyadeed oo badanaa ka imaanayey Maraykanka, ayaa loo arkayey furaha heshiiskii nabadda ee 2022.

Dalalka Khaliijka ayaa hadda si weyn ugu lug leh gobolka, sidaas darteed cadaadis ka yimaada iyaguna wuxuu ka baajin karaa colaado kale oo halis ah.

Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Addis Ababa, halka Sacuudi Carabiya la rumeysan yahay in ay ka dhowdahay Casmara.

Si kastaba ha ahaatee, Michael rajo badan ma qabo.

Wuxuu tilmaamay in markaan "Midowga Afrika uusan haysan awooddii saameynta lahayd", Maraykankuna uu ku mashquulsan yahay arrimo kale, halka dalalka Khaliijkuna ay kala aragti duwan yihiin.