Waa Kuma madaxa maaliyadda Daacish ee Soomaaliya ee hadda cunaqabateynta la saaray?

Sawir hore

Xigashada Sawirka, BBC MONITORING

Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee kooxda Daacisha ee Soomaaliya, kooxdaas oo ka jirta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdiweli Maxamed Yuusuf uu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah agab iyo saanad ciidan isagoo wakiil uga ah Daacish-Soomaaliya oo uu u qaabilsanaa bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.

Cabdiwali ayaa tan iyo sandkii 2019-kii xubin muhiim ah ka ahaa Daacish-Soomaaliya, wuxuuna la kulmay oo warbixinno siiyey madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo uu ku jiro C/qaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo horey Mareykanku uu ugu soo rogay cunnaqabateyn.

Cabdiweli ayaa mas’uul ka ahaa maamulidda qayb wayn oo kamid ah dakhliga ay soo saarto Daacish-Soomaaliya, isagoo fududeeyay isu-gudbka Daacish oo dalal kala duwan ka jirta.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Daacishta-Soomaaliya inta badan dakhligeedu kasoo xarooda lacago si xoog ah loooga qaado dadka , iyagoo si gaar ah u bar-tilmaameedsada bulshada deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Daaciishta Soomaaliya ayaa la sheegay inuu soo galo dhaqaale tiro badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda Daacisha ee gudaha Soomaaliya ayaa warbixintu xustay in ay doonayaan in ay ka faa'iidaystaan tabar-yarida hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka “Cunaqabataynta hadda lagu soo rogay Cabdiwali waxay muujinaysa sida ay uga go’an tahay Maraykanka taageerada saaxiibadooda caalmiga ah oo ay ku jirto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,”.

Waxaa intaas lagu daray “dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah waxay dadaal ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada, xoojinta xasilloonida iyo amniga qaranka iyo gobolka,” ayuu yiri Ku-xigeenka wasaaradda maalyadda Maraykanka ee arimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgalintooda, Brian E. Nelson wuxuuna hadalkaan sheegay kadib kulan Muqdisho uu kula yeeshay madaxda dowladda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tallaabada ayaa daba socota magacyo ay horey u shacaisay OFAC-da Mareykanka bishii Noofambar 2022, oo la xiriiray shabakad caalami ah oo ka ganacsata hubka ISIS-Soomaaliya iyo xubnaha sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada.

Waxa ay sidoo kale daba socotaa falkii ciidamada Mareykanka ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay hogaamiyihii Daacish ee fadhigoodu ahaa Soomaaliya Suhayl Saalim Abd El-Rahman, oo loo yaqaanay Bilaal Al-Sudani.

Bayaanka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ISIS-ta Soomaaliya, waxyaabaha u fududeeyay helista dhaqaalaha ay ka mid yihiin xawaaladaha iyo lacagta Mobile-da taas oo u suurta galisa Khalkhal galinta amniga dalalka Afrika.

Sanadkii 2022, ISIS-Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo saartay ku dhawaad 2 milyan oo doolar iyagoo aruuriyay lacago qaab baad ah looga qaaday ganacsiyada gudaha, gaarahaan alaabada, xoolaha iyo beeraha. 2021, ISIS-Soomaaliya waxay soo xareysay dakhli lagu qiyaasay 2.5 milyan oo doolar.