Maxay tahay riyada uu wiilkan dhallinyarada ah lahaa ee hadda sababtay inuu baskiilka ku safro?

Cadnaan Cadceed oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargaysa ayaa muddo sannad ah ku safrayay baskiilka, isagoo oo ku dhawaad saddex waddan ku tagay intii uu ku safrayay baskiilka.
Waddamada uu ku tagay waxaa ka mid Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, waxa uu sidoo kale maray guud ahaan Somaliland marka laga reebo gobolka Sool.
Cadceed oo uu qorshahiisu yahay inuu baskiilka ku maro guud ahaan caalamka oo dhan ayaa sheegay inuusan markii hore ku fikrayn inuu baskiil uu ugu kala dhex goosho magaalooyin badan.
Waxa uu BBC-da u sheegay inuu lahaa riyo taas ka weyn oo u hirgeli weysay taas oo ahayd inuu noqdo duuliye.
‘Intii hore waxaan raadinayay inaan duuliye diyaaradeed noqdo, hase yeeshee markaan duuliyenimadii dhowr meelood uga soo fashilmay ayaa waxay noqotay markii aan in badan fikirayay in baaskiil wadidda ay ii noqoto wadadii aan duuliyenimadii ugu dhawaanayay sidaas ayaana baskiilka ku bilaabay.”
Mudadii uu safrayay Cadnaan ayaa wuxuu inoo sheegay inuu la kulmay qisooyin badan oo cajiiib ah.
wuxuu sheegay in qisooyinkaas ay ka mid yihiin in ay meel cidlo ah sahayda uga go’do uu xitaa gaajo iyo oon uu u dhiman gaaray ilaa uu mareex ama meyrax diirtay si uu naftiisa u badbaadiyo.
Sidoo kale waxaa habeen habeennada ka mid ah oo ay xilli saq dhexe ah tahay uu la kulmay wareebe loogana soo badbaadiyay si dirqi ah.
Cadnaan oo marar badan isku dayay inuu ka qayb galo tartamo calami ah oo dhanka baskiiliga ah ayaa sheegay in caqabado ay ka mid yihiin taageero iyo dhaqaalo la’aan aysan u saamixin inuu tartamadaas ka qayb qaato.
Waxa uu BBC-da u sheegay inuu hiigsanayo in maalin un uu tartamada caalamiga ama Olombikada uu safafka ugu horeeyaa ama kaalinta koowaad uu ka geli doono ayna sharaf u noqon doonto dadkayga Soomaaliyeed.
"Runtii inta aan baskiilka wadi karo oo aan kalsooni iyo jacayl u hayo waxaan aaminsanahay inaan tartamada caalamiga ah aan guul wayn ka soo hooyn karo.”

Muxuu dadka Soomaalida kala kulmay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cadnaan ayaa noo sheegay in sidoo kale uu bulshada Soomaalida oo uu muddo ku dhex safrayay uu kala kulmay dhibaatooyin badan.
Dadka qaar ayaa aaminsanaa inuu yahay qof guranaya macdanta iyo khayraadka dhulka oo u shaqeeya dad shisheeya ah ama la soo adeegsaday.
"Qof kasta oo ay dadka deegaanka ah ay garan ayaa waxay u malaynayaan inay u socdaan dana gaar ama ay doonayaan inay macdan qodanayaan oo ay u shaqeeyaan dowlado shisheeye ama hay’ado, ama waxay ku oranayaan qandaraas ayaad nagu soo qaadatay markay ku arkaan," ayuu yiri.
Cadnaan ayaa sheegay in baraha bulshada oo uu ku soo gudbiyo safaradiisa ay ka caawisay inay dad badan oo Soomaali ah ay aqoonsadan ka dibna ay soo dhaweeyaan.
Dadka qaar ayuu sheegay Cadnaan inay u haystaan qof waalan oo wax malaayacni ah ku daalayo iyaga oo xitaa waca teleefoonka qoyskiisa kadibna ku wargelinaya inay qabsadaan oo ay xirtaan wiilkooda intii uu ‘waraabaha bannaanka ku cuni lahaa iyagoo weliba raacinaya in taas uu ku sigtay intaas oo jeer ay ku dhacdo.
"Bulshada qaar ayaa badanaa baskiilka aan wato ciyaar ciyaar ka dhigto waxayna ku tilmaamaan inay waxaan yihiin wax maalayacni ah iyaga oo igu yiraahdo waxaad wadataa baskiilkii carruurta."














