Gabar caan ka ahayd barta Tiktok oo la toogtay iyadoo toos ula hadleysay taageerayaasheeda

Valeria Marquez

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Valeria Marquez

Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.

Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo dumarka ee ay ku lahayd magaalada Guadalajara, halkaas oo uu "sida la sheegay rasaas kaga riday," sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Jalisco.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse kiiska waxaa hadda loo baarayaa sidii dil dumar oo ku salaysan (femicide) — oo ah marka dumar ama haween loo dilo sabab la xiriirta jinsi ahaan dumarnimadooda, sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.

Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 dumar ama 10 gabdhood la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.

Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda oo ku yaalla deegaanka Zapopan, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda.

Daqiiqado kadib, waxaa la joojiyay muuqaalkeeda kadib markii qof kale uu qaaday taleefankeeda si uu uga baxo tooska ama Live-ka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in la dilay iyadoo nin isaga dhigay inuu hadiyad u sida uu rasaas ku furay.

Booliska ayaa toogashada kadib tagay goobta, waxayna xaqiijiyeen geerida Ms Marquez, sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka.

Xafiiska dacwad-oogaha ma uusan magacaabin eedeysane ama cid uu ku tuhmayo dhacdadaan..

Taageerayaasha Ms Marquez, ay ku lahayd baraha bulshada sida TikTok iyo Instagram, oo gaaraya 200,00,0 ayaa si naxdin leh uga falceliyay geerideeda.

Duqa magaalada Zapopan, Juan José Frangie, ayaa sheegay in xafiiskiisa uusan heyn wax diiwaan ah oo muujinaya in Ms Marquez ay ka dalbatay caawimaad la xiriirta hanjabaado iyo falal amni darro ay dareensaneyd intii ay nooleed, isagoo intaas ku daray: "Dilka dumarka waa shayga ugu xun", sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska dacwad-oogaha gobolka ayaa sheegay in dad khuburo ah ay qayb ka yihiin baarista dilkaan iyo waxa dhab ahaan sababay.

Falkaan ayaa la aaminsanyahay inuu abuuri karo cabsi gaar ah dumarka isticmaala baraha bulshada.

Xadgudubka haweenka loo geysto oo laga cabanayo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah dadka ku nool calamka waxay sameeyeen isu soo baxyo iyagoo dalbanaya in la joojiyo xadgudubka haweenka ay la kulmaan.

Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay dalal ay ka mid yihiin Mexico, Taliyaaniga, Turkiga iyo Sudan.

Isu soo baxyada caalamiga ah waxaa lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee soo afjaridda rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

Qiyaastii, 87,000 oo dumar ah ayaa lagu dilay daafaha caalamka, sannadkii 2017-kii, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qaramada Midoobeey waxay tilmaamtay in xadgudubka ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha yaryar uu ka mid yahay "dhibaatooyiinka baahsan ee loomaara la'yahay, iyo masiibada ku habsatay xuquuqda aadanaha ee dunida maanta".

Xadgudubyadaas badankooda waa la qariyaa sababo la xiriira ciqaab la'aanta qofka geystay iyo faquuqa.

Magaalada Mexico City, dumarka isugu soo baxay jidadka waxay maamulka ka dalbadeen in tallaabooyiin adag la qaado si wax looga qabto tirada sii badaneysa ee dumarka la dilay iyo kuwa kufsiga loo gaysto.