Wax ka ogow lixda geed ee ugu suntan badan adduunka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo dhir badan oo adduunka ka baxda ay faa'iidooyin caafimaad iyo deegaanba leeyihiin, haddana waxa jira kuwo aad khatar ugu ah nolosha dadka iyo xoolaha. Dhirtani waxay u muuqdaan kuwo caadi ah, mararka qaarkood xitaa soo jiidasho leh, laakiin gudaha waxay wataan sun aad u xoog badan.

Xuska Maalinta Caafimaadka Dhirta (May 12), waxa na xasuusin ah in caafimaadka dhirtu aanu ahayn oo keliya ka hortagga cudurrada, balse sidoo kale in la fahmo khatarta ka iman karta deegaankeenna.

Halkan waxaa ah liiska 7-da dhir ee ay saynisyahannadu u yaqaanaan inay yihiin kuwa ugu sunta badan adduunka, sida laga soo xigtay hay'adaha waaweyn ee caafimaadka iyo cudurrada adduunka sida Royal Botanic Gardens Kew, Xarumaha Xakamaynta Cudurrada (CDC) iyo Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH).

1. Oleander (Nerium oleander)

Inkasta oo ubaxyadeeda casaanka ama caddaanku ay yihiin kuwo soo jiidasho leh, Oleander waa mid ka mid ah dhirta ugu sunta badan adduunka.

Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC), caleemaha, ubaxa, iyo xitaa jilifku waxay ka kooban yihiin kiimikooyin loo yaqaan 'cardiac glycosides', kuwaas oo saameeya wadnaha. Xataa qadar yar oo caleemaha ah oo ay cunaan cunug ama xayawaan yar ayaa sababi kara dhimasho.

Geedkan waxaa laga helaa gobolka Mediterranean-ka laakiin sidoo kale waxaa lagu beeraa sida dhirta qurxinta meelo badan oo adduunka ah, oo ay ku jirto Bariga Afrika.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

2. Geedka Castor Bean (Ricinus communis)

Abuurka geedkan ayaa soo saara saliidda loo yaqaan 'Castor oil', taasoo faa'iido u leh maqaarka iyo habka dheefshiidka, laakiin sidoo kale waxaa ku jira maadada ricin, oo ka mid ah sunta ugu awoodda badan adduunka.

Hay'adda Ilaalinta Deegaanka ee Mareykanka (EPA) ayaa sharaxaadeeda ku sheegtay in xitaa xaddi aad u yar oo(ricin) ah ay dili karto qof weyn dhowr maalmood gudahood, iyadoo carqaladeyneysa shaqada unugyada jirka.

Nasiib darro, geedkan wuxuu ku koraa gobollo diiran, oo ay ku jirto Tansaaniya, waxaana mararka qaarkood lagu arkaa waddooyinka ama beeraha sida cawska.

3. Geedka Water Hemlock (Cicuta spp)

Sida laga soo xigtay Waaxda Beeraha Mareykanka (USDA), geedka Water Hemlock waa geed duur ka baxa oo laga helo meelaha biyuhu ka ag dhow yihiin, wuxuuna ka mid yahay geedaha ugu sunta badan Waqooyiga Ameerika. Suntan geedkan ayaa la yiraahdaa cicutoxin, taasoo weerarta hab-dhiska neerfaha, waxayna keentaa gariir, suuxdin, iyo xitaa dhimasho dhowr saacadood gudahood.

Geedkan wuxuu khatar ku yahay dadka iyo xoolaha, waxaana dhacda in haddii si kama' ah loo calaliyo ama loo liqo, uu keeni karo waxyeello degdeg ah oo aan la sixi karin.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

3. Belladonna (Atropa belladonna)

Sidoo kale loo yaqaan 'Deadly Nightshade', geedkan, oo taariikh ahaan loo isticmaalo sidii isha-dhaqista iyo sunta dagaalka, waxaa ku jira kiimikooyin sida atropine iyo scopolamine. Kiimikooyinkani waxay curyaamiyaan habdhiska neerfaha waxayna kordhiyaan garaaca wadnaha heerar khatar ah.

Sida laga soo xigtay Kew Science, xitaa miraha yaryar, ee uu bixiyo geedkan oo u eg kuwa canabka waxay keeni kartaa dhimasho.

Geedkan waxaa inta badan laga helaa Yurub, laakiin wuxuu ku faafay qaybaha kale ee adduunka iyada oo loo marayo jardiinooyinka dhirta naadir ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

4. Geedka Aconite (Aconitum napellus)

Geedkan waxaa sidoo kale loo yaqaan monkshood ama wolf's bane, waxaana taariikh ahaan loo isticmaalay sidii sun la mariyo fallaaraha si loogu ugaarsado xayawaanka duurjoogta ah.

Sida ay sheegtay British Medical Journal (BMJ), kiimikada lagu magacaabo aconitine oo geedkan ku jirta waxay saameyneysaa neerfaha iyo wadnaha, waxayna dilaa kartaa si degdeg ah marka ay jirka gasho.

Geedkan badanaa wuxuu ka baxaa gobollada qabow ee Yurub iyo Aasiya, hase yeeshee mararka qaar waxaa lagu beertaa beeraha bilic ahaan loo qurxiyo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

5. Geedka Rosary Pea (Abrus precatorius)

Iniinkeeda casaanka iyo madowga ah ayaa loo isticmaalaa in laga sameeyo kuullo, laakiin waxaa ku jirta suntan la yiraahdo abrin oo ah sun ka awood badan xitaa ricin. Sida laga soo xigtay NIH (Mahadyada Caafimaadka Qaranka), abrin, xaddigeeda yar wuxuu si degdeg ah u burburin karaa unugyada jirka.

Geedkani waxa uu ka baxaa gobolada kulul ee aduunka oo ay ku jirto bariga afrika,waxana marka qaar soo gurta oo soo aruursada carruurta si ay ugu ciyaaraan ama quruxin ugu isticmaalaan taasi oo khatarteeda leh.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

6. Geedka Gympie-Gympie (Dendrocnide moroides)

Geedkan waa mid laga helo duurka ama meelaha baadiyaha ah, asal ahaan waxaa uu ka so jeeda Australia, balse magaciisa ayaa dunida oo dhan caan ku noqday sababo la xiriira saameynta daran ee uu leeyahay.

Caleemihiisa waxay leeyihiin timo yaryar oo aad u sun ah, kuwaasoo marka ay maqaarka taabtaan keena xanuun lagu tilmaamo sidii "Gubasho koronto", xanuunkaasna wuxuu socon karaa toddobaadyo ama xitaa bilo.

Sida ay sheegtay Queensland Herbarium, dadkii ay taabteen timaha geedkan waxay ku sifeeyeen inuu yahay mid ka mid ah xanuunnada ugu daran ee ay weligood dareemaan.

Geedka qaar ayaa laga helaa wadamada Bariga afrika.