Madaxii hore ee FBI-da oo su'aalo laga weydiiyay gooddin ka dhan ah Trump

Agaasimihii hore ee FBI James Comey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laanta adeegga sirdoonka Maraykanka ayaa wareysi la yeelatay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey , ka dib markii uu tirtiray sawir uu ku qornaa lambar oo uu la wadaagay baraha bulshada, taasi oo dhalisay inay si weyn u faafto, iyada oo Jamhuuriyiintu ay ku eedeeyeen qoraalka uu ahaa kicinta rabshadaha ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Comey ayaa si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay su'aalo weydiinta muddo saacad ah oo ka socotay xarunta hay'adda fulinta sharciga ee Washington DC , mana lagu hayn xabsiga.

Waxa ay u yeerista agaasimihii hore ee FBI ku soo beegantay maalin kadib markii uu barta Instagram-ka soo dhigay sawirka qolof-badeedka uu ku qornaa lambarada "8647".

Lambarka 86 waa erey hal-ku-dhig ah oo qeexitaankiisa uu ka mid yahay "in la diido" ama "laga takhaluso", sida laga soo xigtay qaamuuska Merriam-Webster, taasi oo tilmaamaysa waayadan dambe loo adeegsaday eray ahaan "dil". Trump waa madaxweynihii 47-aad ee Mareykanka.

Sawirka Lambaro Qalfoof-badeed

Xigashada Sawirka, baraha bulshada

Comey waxa uu ku adkaystay in aanu garanayn waxa ay tirooyinkaasi ka dhigan yihiin, balse Trump ayaa taasi kaga soo horjeeda.

Trump ayaa horaantii maalintaas sheegay mar uu wareysi siinayay Fox News in Comey uu ku baaqayay in la dilo., kaasi oo uu shaqada ka ceyriyay isaga oo ahaa agaasimaha FBI-da sanadkii 2017.

"Si sax ah ayuu u ogaa waxa ay taasi ka dhigan tahay," ayuu yiri Trump, oo ka badbaaday laba isku day dil sannadkii hore. "Cunug ayaa garanayaa waxa ay taasi ka dhigan tahay.

"Haddii aad tahay agaasimaha FBI-da oo aadan garanayn waxa ay taasi ka dhigan tahay, taasi waxay ka dhigan tahay dil. Waxaana ay u leedahay si kor iyo cadaan ah."

Trump ayaa sheegay in go'aan kasta oo ku saabsan eedeymo lagu soo oogo Comey ay u taallo Xeer Ilaaliyaha guud Pam Bondi.

Comey ayaa soo dhigay sawirka qoraalka lambarada uu ku qornaa Khamiistii, ka dibna waa uu tirtiray markii ay dhalisay buuq ay ka keeneen xisbiga muxaafidka.

Waxa uu qoray farriin daba socotay oo uu soo dhigay Instagram-ka isaga oo sheegay in uu arkay qolof-badeedka intii uu lugaynayay xeebta, "taas oo aan u qaatay in ay tahay farriin siyaasadeed". Ayuu yiri Comey

"Ma aanan ogeyn in dadka qaar ay tirooyinkaas la xiriirinayaan rabshado, waligey iguma dhicin, laakiin waxaan ka soo horjeedaa rabshadaha nooc kasta oo ay yihiin sidaas darteed waan dajiyay qoraalka."

Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa soo dhigtay barta X fiidnimadii jimcaha in Laanta Adeegga Sirdoonka ay "wareysi ka qaaday Agaasimihii hore ee FBI-da ee ceebeeysan Comey, taas oo la xiriirta qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu ku baaqayo dilka Madaxweyne Trump".

"Waxaan sii wadi doonaa inaan qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo ilaalinta Madaxweynaha Maraykanka Trump," ayay raacisay. "Tani waa baaritaan socda."

Agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka Tulsi Gabbard, oo ah sarkaalka ugu darajada sareeya basaaska Maraykanka, ayaa mar sii horaysay ku baaqday in Comey xabsiga loo dhigo "soo saarista dilka" Trump xilli uu socdaal ku marayay bariga dhexe.