Maxay waalidiintu ugu kala eexdaan caruurtooda, muxuuse yahay cawaaqibka ka dhasha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bal qiyas qoys ay u joogaan laba caruur oo waawayn, midna qado ahaan loo siiyo mid kamid cuntooyinka badda kuwa ugu qaalisan, halka kan kalana la siinayo cabitaan yar oo baahida uun isku iloowsiiyo.
Megan Gilligan, oo ah bare jaamacadeed oo maadooyinka horimarinta aadanaha iyo sayniska qoyska ka dhiga jaamacadda Missouri aya cilmi la sameeyay laba barafisoor oo la kala yiraahado Jill Suitor iyo Karl Pillemer oo iyaguna ka kala tirsan jaamacadaha at Purdue University iyo Cornell University.
Cilmi baaristaan ayaa waxaa ka qayb qaatay qoysas kala duwan mudo labaatan sano ah, si loo fahmo xiriirka ka dhaxeeya jiilasha. Qayb kamid ah cilmi baaristaan ayaa waxaa su’aalo toos ah lagu waydiiyay hooyooyinka iyo aabooyinka, taas oo ku saabsanayd kala jeclaanshaha caruurta. Kuwa badan waxay u ahayd markii ugu horeysay ee la waydiiyo su’aashaas.
]Su’aasha ayaa u dhignayd: “Midkee caruurtaada ah oo aad dareenta xiriir dhaw idiinaad la leedahay?” Hooyooyin badan oo qiyaastii la dhihi karo 75% ayaa magacaabay mid kamid ah caruurtooda. Inta kale mid kama aysan dooran caruurtooda, waxayna sheegeen in dareen isku mid ah ay hayaan dhamaan caruurta.
Sidoo kale waxaa la waydiiyay cunuga ay inta badan isku dhacaan ee niyadjabka ay kala kulmaan. Jawaabta ay bixiyeen ayaa ah mid saameyn raagta yeelatay, taas oo ah in cunuga ay doorteen ee mar walba dhiba ay isla sida uu ula dhaqmo oo kale ay iyaguna ula dhaqmaan.
Caqabadaha ay u keento marka ay ilmuhu waynaadaan
Saameynta ka dhalata arrintaan ayaa ha mid sii jirta xilliga ay ilmuhu qaangaaraan, tuusale ahaan kala jeclaanshaha caruurta ayaa keenta in ilmuhu ay niyadjab ka qaadaan marka ay waynaadaan.
Balse eexashada waalidka ayaaba ah mararka qaar mid sii jirta xittaa marka ay ilmuhu koraan, oo iyaga oo waawayn ayay sii kala jeclaadaan caruurta.
Sidoo kale u kala eexashada caruurta ayaa sababta in uu dhaawac xun soo kala gaaro caruurta walaalaha ah dhexdooda, mar walbana ay cuqdad iyo uurxumo ku sii siyaado dhexdooda.

Xigashada Sawirka, Getti Images
Maxaysan waalidiintu arrintaan isaga joojin Karin?
Barafisoor Kramer ayaa qaba in inta badan waalidiintu aysan arrintaan usameyn ujeedo, ama xataa aysan mararka qaar ka warqabin waxay sameynayaan. “U kala eexashada caruurta ee waalidku waxay ku timaadaa in caruurta qaar ay dhib yar tahay korintoodu, sidaas darteedna waalidku jeclaado, sidoo kalana ay ku arkaan waxyaabo ay ka siman yihiin iyaga iyo cunugu”. Ayuu yir.
Cilmi barista ayaa sidoo kale muujisay in walidiinta iyo qoysasku aysan jeclayn in laga hadlo mawduucaan, maadaama ay sii adkaynayso xaaladda ama Isfahan laga gaaro arrintaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka digtoonoow tallaabana qaad
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In waalidiinta ay ku bararaugaan arrintaan jiritaankeeda waxay ka caawin kartaa inay iska ilaliyaan oo aysan samayn cadaalad darro caruurta dhexdeeda ah. Arrintani waxay si qaas ah muhiim ugu tahay in caruurta hadda joogta ay bartaan nuucyada iyo qaababka u kala eexashada caruurta, si ay uga digtoonaadaan marka ay waalid noqdaan, una fahmaan sida waalid wanaagsan loo noqdo, xiriirana loola yeeasho ubadka.
“hadii aynaan ku baraarugin oo aynaan tallaabo qaadin si aan arrintaan u xakamayno, dhab ahaantii waxaan ku dambeyn doonaa inaan ku soo celcelino waxyaabo isku mid ah”.
Fikradda ah inaan wax ka barno eex gooni ah oo ay waalidiinteenu sameeyaan ayaa ah mid macno leh. “Hooyadeey waxay sii jrtay walaaleheey cunto aad u badan, iyada oo u arkeysay inay yihiin wiilal koraya”, “Saaxiibkeey ayaa ku baraarugay marka aan cunto siinayo inaan usoo guro in ka badan inta aan anigu gurto, sidii walaalaheey loo samyn jiray ayaan u sameeyay, taas oo ah inaan siiyo wax ka badan waxaan nafteyda siiyo” .













