Sida wiilkan Soomaaliyeed ku noqday duuliye caalami ah iyo waxyaabaha ka qabsada Soomaalida

Cali Cumar Gows waxaa uu jeclaa duuliyenimada ilaa carruurnimadiisa. Waa riyo carruureed, oo dhallaanka dunida oo dhan ay la wadaag. Sababtu ma ahan wax kale, waa duuliyenimada oo loo arko xirfad sare, oo xiiso badan, oo dadkeeda u sahasha inay u safraan meel qurux badan, oo dhul bartaan – taas oo ay wehliso mushaarkeeda oo la filayo in uu badan yahay.
Waxay ahayd riyo uu la barbaabaaray, oo ay adag tahay in la gaaro. Waa sababta badi riyadeenna carruurnimo ee noqoshada duuliyenimada ay ugu dhammaato xirfad kale – Weriyenimo ilaa askarinimo iyo inta u dhexeysa. Laakiin Cali taas wax baa u dheeraa. Waa in ayba koobneyd inta jeer uu diyaarad raacay, iyo in uusan xitaa arkin qof Soomaali ah oo duuliye ah, ama xitaa qof Soomaali ah oo yaqaan duuliye kale, inta aanan laga gaarin sida loo barto iyo halka lagu barto. Hadda, Cali oo loo garan og yahay Pilot Jeex waxa uu ka mid yahay Soomaalida tirada yar ee duuliye diyaaradaha Mareykanka, isaga oo safar dheer iyo xrifad shaqo oo kala duwan kadib rumeeyay riyadiisii carruurnimo.
‘Sida uu ku bartay duuliyenimada iyo waxa ay ku qaadatay’
Cali ‘Pilot Jeex’ oo ku dhashay Kenya sanadkii 1992dii mar buu hilmaamay riyadiisii carruurnimo ilaa dugsiga hoose, isaga oo u bedeshay xirfad kale. Waa dembi-baarenimo, waa xirfad kale oo ay ku yar yihiin Soomaalida, si gaar ah reer Mareykan. Waa xirfad la la shaqeeyo hay’adaha dembi-baarista ee dowladda, iyo hay’addo kale oo madaxbanaan oo dhanka amniga iyo baarista ka shaqeeya. Isla markii u dhammeeyay dugsiga sare ayuu ku biiray jaamacadda Ohio State University, halkaas oo uu afar sano ka baranayay culuumta dembibaarista. Laakiin waa xirfada u horseeday in uu dembi u xasuusto riyadii carruurnimo, iyo in uu awooddo in uu barto duuliyenimada sababtoo ah waxay xirfadaas u noqotay il dhaqaale oo uu ku kabo qarashka kaga baxay barashada duuliyenimada.
“Ma ahan arrin sahlan in adiga oo shaqeynaya oo xirfad leh aad dib ugu noqotid waxbarashada, weliba iyada oo aysan meel kuu oolin qarashkii aad u baahneyd oo dhan,” ayuu yiri Pilot Jeex oo BBC u sharxayay go’aankiisa dib ugu noqoshada riyadiisii carruurnimo.
Laakiin duuliyenimada waxaa mid ka mid ah xirfadaha barashadoodu ay ugu qaalisan tahay dunida, oo dhan. Waxaa lagu qiyaasaa in tababarka duuliyenimada gudaha Mareykanka uu ku kici karo lacag ka badan boqol kun oo doolar, oo taas oo aysan ku dhammeyn shahaado walba oo uu u baahan karo duuliyeha kahor inta uusan kicin diyaarad. Sidaas oo ay tahay, Mareykanku waxa uu ka mid yahay meelaha ugu qiimo jaban ee lagu barto duuliyenimada. Waana sababta ka dhigtay dalkan Mareykanka in uu noqdo halka ay kusoo qulqulaan ardayda reer Yurub iyo kuwa ka yimid qaaradaha kale ee barta duuliyenimada. Yurub iyo Ingiriisku waxay ka qaalisan yihiin Mareykanka konton boqolkiiba dhanka barashada duuliyenimada – Sidaas oo ay tahay qaar ka mid ah dalal Yurub ka mid ah laga ma wada helo shahaadaha iyo tababarka ay u baahan yihiin duuliyeyaasha oo ay ka mid tahay.
Waa sababta dad badan ugu arkaan xirfadda duuliyenimada inay tahay mid ay bartaan carruurta qoysaska maalqabeenadda oo keliya, laakiin sidaas ma ahan xaqiiqada, sida uu sheegayo Duuliye Cali Jeex. “Waxa uu ahaa qofka keliya ee Soomaali ah ee fasalka duuliyenimada fadhiyay. Waxaan wax la baranayay dad waalidkood, ama ehelkooda kale ay horey u bartaan ama ugu shaqeeyeen duuliyenimada,” ayuu yiri Jeex oo ku barbaaray Mareykanka. “Waxaan ahaa qofka aragtida ugu kooban ka heysta howshan. Weligeyna horey ula ma kulmin qof Soomaali oo duuliye ah,” ayuu raaciyay.
Halkaas ayay caqabadihii ugu horreeyay uga bilaabatay Kabtan Cali Jeex, oo jeebkiisa oo keliya ku tiirsanaa intii uu baranayay duuliyenimo, isaga oo saacadaha qaar ku shaqeynayay xirfaddii uu horey u bartay ee dembi-baarista.
“Dhaqaalaha iyo lacagta ayaa culeys weyn ku qabay maadaama aanan ku tiirsaneen kaalmo doweled iyo mid qoys ba. Wax walba oo aad weydiisid macalinka, ama qof aqoon u leh duuliyenimada waa lacag dheeraad ah,” ayuu yiri Kabtan Jeex, oo intaas ku daray in mararka qaar uu dhib ku qabi jiray in uu helo qarashka tababarka dheeraadka ah ee halkii saac ba gaaraya labo boqol oo doolar.

Xigashada Sawirka, bbc
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afar sano oo waxbarasho ah kadib, waxa uu Kabtan Jeex qalinjebiyay sanadkii 2014kii laakiin waxay ku qaadatay in uu sugo sanado kale si diyaarad dad rakaab ah saran yihiin uu u duuliye. Sababtu ma ahan wax kale, ee xeerka duulimaadyada Mareykanka oo ku qasbaya arday qalinjebisa inay tababar ahaan duuliyaan diyaarad Kun iyo Shan boqol oo saacadood kahor inta aanan si rasmi ah loogu oggolaan inay noqdaan duuliye rasmi ah oo kiciya diyaaradaha rakaabka.
Si uu shuruudaas u buuxiyo, waxa uu tababare ka noqday isla jaamacadii uu ka qalibjebiyay, isaga oo saacadaha qaar ah si madaxbanaan oo gaar ah u tababarayay dadkale. Waxaa dadkaas ka mid ah Cadow Cali Gees, oo ah ganacsade dhowr jeer u tartamay madaxweynenimada Soomaaliya, oo muddo dheer na ahaa xildhibaan. “Waxaan u tababaray in uu diyaar duulin karo isaga oo aan dugsiga tegin, iyo in uu ka gudbo imtixaanka oo dhan,” ayuu yiri Kabtan Jeex oo sidoo kale ku caawiyay mudanahan in uu iibsado diyaarad u gaar ah oo uu ku tababarto. Xildhibaan ayaa ka mid ah dad kooban oo taageero u fidiyay kabtanka intii u uku jiray waxbarashada.
Waxa uu qaatay darajada Kabtanimada, oo ah tan ugu sarreysa ee xirfada duuliyenimada, sanadkii 2021kii, isaga oo la shaqeynaya diyaarada United Express ee Mareykanka laga leeyahay. “Carruurnimadeydii ayaa marar badan nafteyda u sheegay in aan noqonayo duuliye iyo kabtan. Laakiin si dhab ah iigama dhaadhicin in aan noqon karo duuliye ilaa maalinkii aan duuliyay diyaarada United Express,” ayuu yiri Kabtan Cali.
‘Su’aalaha yaabka leh ee Soomaalidu weydiiso’
Duuliye Jeex waxa uu marwalba oo uu safar ku jiro la kulmaa Soomaali badan, kuwa ku safraya diyaarada uu duulinayo, iyo kuwa diyaarado kale sugaya oo uu kula kulmo garoomada, laakiin dhammaantood waxay cajab gelisaa inay arkaan Soomaali duuliye ah, iyaga oo su’aalo ku booba. Su’aalahaas ayaa ku dhaliyay in uu kusoo biro baraha bulshada, halkaas oo uu uga jawaabo su’aalaha dadweynaha la xiriira diyaarada iyo shaqadiisa xilliyada uu fasaxa yahay.
“Waxay I yidhaahdaan ‘Oo kaalaay ma diyaarad aan cidi wadin ayaad wadaa’, oo horta cirka ma jidad baa ku yaal, iyo waxyaabo kale oo kaa qoslinaya,” ayuu yiri Duuliye Jeex.
Waxa uu intaa raaciyay in qaarkood inay kalsoondi darro u muujiyaan oo ay duraan xirfadiisa, iyaga oo u sheegaya in aysan soo raaci lahayn diyaarada haddii ay ogaan lahaayeen in duuliyahu yahay Soomaali.
‘’Qaarkood waxay dhahaan intay dhaartaan wallaahi billaahi kuma raaceen, oo waxaad mararka qaar isweeydiineysaa inay qofka Soomaaliga ah uga kalsooni badan yihiin dadka cadaanka amaba ajaanibta kale,”ayuu yiri Duuliye Jeex. “Se hadaladaasi ima niyad jabiyaan,” ayuu yiri Duuliye Jeex oo hadda u shaqeeya shirkada diyaaradaha ee United Airlines oo ah tan ugu weyn, ugu na balaaran Mareykanka.
‘Horta cirka ma jidad baa ku yaal, oo maxay se ku socotaa diyaaradu?’
Tani waa mid ka mid ah weydiinta uu sida joogtada ah uu kala kulmo Soomaalida. Wuxuu se marwalba uga jawaabaa ‘Haa, oo marka ay diyaaradu hawada mareyso waxay ku socotaa wadooyin lagu hago ama xariiq taasi oo qalabka casriya GPS- ka lagu la hago’.
‘Sidee duuliyeyaashu ula xiriiraan dad dhulka jooga?’
Waxaa diyaarada haga dadka fadhiya raadaarka ku yaal garoonka, oo ay toos u wada xiriiraan duuliyeyaasha. Haddii qalabkaas laga maqli waayo, waxaa haga Kombuyuutarka, ayuu yiri Duuliye Jeex.
‘Waxaa la ogol yahay in diyaaraduhu isu jiraan afar daqiiqo haddii ay isla wado adeegsanayaan. Marka ay cilad timaado oo la arko in diyaarad ku soo jirto wax ku siman hal daqiiqo waxaa lagu dhahayaa kor u kac am hoos u deg,” ayuu raaciyay duuliyaha oo ka jawaabaya su’aalaha Soomaalida.
‘Ma ahan shaqo fudud, iyo mid raaco’
Dad badan waxay duuliyenimada u arkaan shaqo iska fudud, oo raaco leh, laakiin duuliyeyaasha oo dhan dhib ayay sheegtaan, si gaar ah kuwa duuliyeha safarada dhaadheer ee dalalka iyo qaaradaha isaga kala gudbo. Waxa uu Duuliye Jeex ku tilmaamay shaqadan mid dadka dhigta hurdo la’aan waayo saacado badan ayaad shaqeyneysaa oo aad hawada ku jirtaa, iyada oo laga yaabo in aad u seexatod habeen dhaaf iyo saacado qaldan. Sidaas oo ay tahay, sagaal bi loo kasta waxaa lagu noqdaa tababar hor leh, oo haddii uu duuliyahu ku dhaco laga joojinayo shaqada. Waa in yar oo ka mid ah waxyaabaha ka niyadjebiya oo nacsiiya shaqada duuliyenimada.
Laakiin waxa uu xusay inay jiraan waxyaabo kale oo lagu jecleysto shaqada duuliyenimada oo ay ka mid tahay inay tahay mid leh xoriyad iyo jidwal. “Waxaa dhici karta in sanad dhan aadan arkin qof kula hadlaya oo ku heysta. Waxkasta oo aad qabaneyso waad haystaa, qof kula hadlaya ma jirto - maamul iyo cidkasto oo ay shaqadani quseyso. ”
Wax kale oo jecleysiinaya shaqadan waa fursad uu u heysta in dunida oo dhan uu si bilaash ah ugu safro inta uu shaqadan ku jiro, iyo in qoyskiisa iyo asxaabta u diiwaangashan ay si bilaash ah ugu socdaali karaan diyaarada uu duulinayo.
‘Mushaarka Duuliyaha’
Laakiin marwalba oo duuliyahu ka tago diyaarad uu ka shaqeynayay, una wareego shirkad cusub, waxa uu mushaarka ka bilaabayaa halka ugu hooseysa oo saacadii lagu qiyaaso boqol doolar. Laakiin labo ilaa saddex sano kadib waxa uu duuliyahu u dalacaa kabtan isaga oo ku shaqeeya qiyaastii labo boqol iyo kontan ilaa saddex boqol oo doolar saacaddii. Kabtanada ugu lacagta badan waxaa lagu qiyaasaa inay sanadkii qaataan lacag dhan lix boqol oo kun oo doolar. Lacagtaas waxaa ka dheeri ah lacagaha loo siiyo cuntada, dharka iyo waxyaabaha soo raaca.
“Waa xirfad la jecleysto oo la baran karo. Waxaan ku dhiirogelinayaa Soomaalida inay bartaan,” ayuu yiri Duuliye Jeex oo tababaray dhowr qof oo duuliyeyaal Soomaali ah intii uu shaqadan ku jiray.
Soomaalida Safarta na waxa uu kula taliyay inay deg deg joojiyaan, oo ay dhowraan safafka dadka socdaalaya, iyo inay sugaan in dadka ka horreeya inay koraan ama ay ka degaan diyaaradda. “Badi Soomaalida markaan arko waxay fadhiyaan kursiga dhexe. Fadhiista kuwa koonaha ah,” ayuu tiri Duuliye Cali Jeex oo u tilmaamaya Soomaalida halka ugu habboon ee laga fadhiisto diyaarada.













