SSC-Khaatumo halkee bay ka arimisaa, suurtagalse ma tahay inay maamul goboleed noqoto?

Khaatumo

Xigashada Sawirka, .

Hoggaamiyaha cusub ee SSC Khaatumo ayaa xilli uu soo bandhigayay qorshaha ay dooneyso SSC in ay ku shaqeyso ayuu ka dhawajiyay deeggaannada maamulkiisu ka shaqeyn doono, isagoo xusay in SSC ay tahay meel lawada daganyahay.

Mid kamida arrimaha uu xusay Cabdiqaadir Aw-cali Firdhiye ayaa waxaa kamid ahaa in deegaannada SSC lawada degganyahay, balse si loo qeexo halka ay masuulka kayihiin ay qaateen magaca SSC Khaatumo.

Firdhiye ayaa yiri: “Sool, Sanaag iyo Cayn, waa dhul lawada daganyahay, si ayanaan u sheegan dhul ay dad kale nala daganyihiin waxa aan raacinnay SSC Khaatumo. Qorsheheena marka waa in la daadajiyo maamulka oo lawada gaarsiiyo deegaannada aan ku magacaabanahay”.

Tan ayaa dadka qaar ku macnaheeyeen in maamulka uu hugaamiyo Firdhiye uu ka talin doono deegnada Khaatumo, oo ah kuwii horay ugu midaysnaa maamulkii Khaatumo ee ka dhisnaa gobolkaas kaas oo ay dagan yihiin intooda badan mid kamid beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa waxaa haatan ka arrimiya Somaliland.

Maamul goboleed ma noqan kartaa SSC-Khaatumo?

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, laba gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara maamul goboleed, kadib markii ay ku sheshiiyaan inay midoobaan.

Deeganada uu xusay Firdhiye in maamulkiisu ka taliyaan ayaan gaarsiineyn laba gobol, maadaama sida uu sheegay aysan maamul u noqon doonin guud ahaan deeganada labada gobol ee Sool iyo Sanaag oo ah labada gobol ee dawladii Soomaaliya u aqoonsatay inay yihiin gobolo dhamaystiran.

Balse waxaa jira in mid kamid ah dawlad goboleedyada Soomaaliya uusan buuxin shuuradahaas, taas oo is qabqabsi badan ka dhashay bilowgii dhismihiisa. Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan wali shaqeeya isaga oo aan buuxin shuruudaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadalka hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa kusoo beegmay, iyadoo Puntland ay ku jirto xilli kala-guur ah loona diyaar garoobayo doorashada soo socota ee madaxtinimada.

Degaanada SSC Khaatumo waxaa Puntland ku matala 17 xildhibaan, madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal guud.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa mar sii horraysay ugu baaqay SSC Khaatumo in ay wax la qeyb sadaan maamulka Puntland, balse Firdhiye arrinkaas waa uu ka digay.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC- Khaatumo.

Firdhiye wuxuu sheegay qof kaste oo kasoo jeeda SSC, oo xil ka haya maamulada kale in matalaadiisu ay tahay wax isaga ku kooban.

Dhinaca kale hugaamiyaasha siyaasadda ee Somaliland ayaa sheegay inay isku dayeyaan in ay dib gacanta ugu dhigaan deegannadan oo ay horay u maamuli jirtay Somaliland.

Guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Feysal Cali Waraabe oo dhowaan u warramay BBC-da ayaa sheegay in iyagu aaney aqoonsaneyn maamul layiraahdo SSC.

Guddoomiye Waraabe ayaa yiri, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.

Firdhiye

Xigashada Sawirka, Heritage

Qoraalka sawirka, Firdhiye

Firdhiye iyo Kulamadiisa Muqdisho

Kadib safarkii uu ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya hugaamiyaha SSC Khaatumo oo si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ayaa kulamo joogta ah la galay safaarado iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre, iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Cabdillaahi Cali Xirsi ayaa Madaxtooyada ku qaabilay hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw-cali Firdhiye.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka Siiyay Madaxweynaha, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaalka hiigsiga, aragtida iyo qorshaha dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalkii dhowaan halkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Hoggaamiyaha oo dhowaanahan ku sugnaa magaalada caasimadda ah Muqdisho ayaa la sheegay qorshihiisu ahaa in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’daha Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Firdhiye

Xigashada Sawirka, Heritage

Qoraalka sawirka, Firdhiye

Waxa uu khudbado ka jeediyay munaasibado uu kaga qayb galay magaalada Muqdisho, waxa uu shaaciyay qorshaha SSC Khaatumo ay dooneyso in ay hirgeliso muddada loo qorsheeyay maamulkiisa.

Deeganada ay ka arrimin doonaan iyo sida ay maarayn doonaan ayuu dhawr mar ka hadlayaykhudbadihiisa joogtada ah.

Balse arrinta ku saabsan qorshaha maamulkiisa ayuu hoggaamiyaha SSC Khaatumo ka sheegay, isagoo ka qeyb galayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku casuumtay mac’hadka Heritage, kulankaas oo uu kusoo bandhigay qorshaha maamulkiisa.