Sida Falastiiniyiintu ugu ooyeen Madaxweynihii Masar ee Xamaas soo dhoweystay

Dad taageero u muujinayay madaxweyne Maxamed Mursi

Madaxweynihii geeriyooday Maxamed Mursi waxa uu ahaa hoggaamiye hadal adag oo aan gaban kaas oo marka uu meelaha fagaaraha uu ka hadalaya aan fakarkiisa la gaban.

Intii uu Mursi xilka hayay, go’doominta Israa’iil waa la fududeeyay, qaar badana waxaa u suurogashay inay Rafah maraan caqabado la’aan.

Taageerada Mursi halkaas kuma ekayn oo muddadii uu xilka hayay, ganacsiga u dhexeeya Gaza iyo Masar ayaa kordhay, ka dib sannado badan oo diidmo iyo mamnuuc ay ka ahayd.

Dhanka siyaasadda gudaha ee Falastiin intii lagu jiray xilligii Mursi, wadahadal dib-u-heshiisiineed oo u dhexeeya xisbiyada siyaasadda Falastiin ayay saxiixdeen kaas oo noqday heshiis taariikhi ah.

Mursi ayaa soo dhawaystay Xamaas wuxuuna ku dhiiri galiyay kooxda inay si dhab ah u qaataan dalabaadkiisa ku aadan soo afjarida kala qeybsanaanta. Waxaa la sheegay inuu si joogta ah ugula kulmay gudaha Masar.

Waxaa uu aad ugu hadli jiray arrimaha Muslimiinta quseeya gaar ahaan gaar ahaan qadiyadda Falastiin iyo Masjidul Aqsa. Hadalladiisii kuwa aadka loo xusuusto waxaa ka mid ahaa:

Yahuud, Qudus Iyo Mareykan “Wallaahi baan ku dhaartay wajiyadiina sidaan ma sii ahaan doonaa haddii aad gumaadka iyo ciriiriga ka deyn weydaan dadka reer Falastiin,”

“Quddus waa dhul Islaam leeyahay, si walbo oo Yahuuda isku lahaysiiyaan wallaahi ma lahaan doonaan waligood.”

“Gacmaheena iyo quluubteena haddii ay wadajir noqdaan waxaan hubaa in Mareykan iyo xulafadiisa aysan guuleysan doonin, munaafiqiinta dalkooda iibinaya waxaa u sheegayaa inta qof naga mid ah uu adeege u yahay dal shisheeye, guul inooma dhowa, munaafaq waxaa ah qofkii dalkiisa ka iibiya dalal kale. Waa ahlu naar kuwaas. Rasuulka NNKH ayaana ka deyriyay” Maalin ayaad xasuusan Doontaan hadalkaygan. Ha dilina libaaxyada dalkiina si aysan idin cunin eeyaha cadowgiina “Alle ayaan talo saartay, isaga ayaa wax walbo arka”.

Markii uu geeriyooday falastiiniyiintu aad ayay uga naxeen taas oo lagu tilmaamay sida inuu hoggaamiyahahooda geeriyooday. Waxaa Mursi lagu tilmaami jiray saaxibka dhabta ee reer Falastiin.

Maxamed iyo Sheekh Shariif oo ku kulmay Addisababa shirkii Midowga Afika ee 2012

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhanka kale mar uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay xilligii dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu yiri:

“Walaalaheen Soomaliya waxey sagootiyeen 20 sano oo dagaal sokeeye ah. Waxey cagta saareen wadada dib u dhiska dowladnimadooda” “Dalalka carbeed waxaan ugu baaqayaa in Soomaaliya si walaaltinimo ku jirto loo caawiyo xag dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Masar wey garab taagan tahay marwalba shacabka Somalida.”

Markii uu geeriyooday Soomaalida ayaad uga falcelisay geeridiisa iyagoo baraha bulshada ee kala duwan isticmaalaya.

Morsi wuxuu ku dhashay deegaanka Al-Cadwah oo saaran Webiga Nile ee gobolka Sharqiyah, sannadkii 1951. Wuxuu culuumta Injineeriyadda ka bartay jaamacadda Qaahira sannadkii 1970kii.

Ka dib wuxuu shahaadada PhD ka soo bartay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Haddaba kumuu ahaa Maxamed Mursi?

Wiil dhunkanaya sawirka madaxweyne Mursi
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Doorashadii baarlamaan ee ugu horeysay ka dib markii xilka laga tuuray Mubaarak, sannadkii 2011kii, Ikhwaanka waxay sameysteen Xisbi ay ku magacaabeen Xuriyadda iyo Cadaaladda (FJP). Waxay ku guuleysteen kala bar kuraastii baarlamaanka.

Mursi ayey u doorteen inuu hoggaamiye u noqdo xisbigaas siyaasadeed, kaas oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.

Inkastoo uu hogaaminaye ahaa waqti dheer haddana waxaa loo arkay inuu ahaa nin aamusan oo dadka aan soo jiidan karin.

Mursi ayaa u balanqaaday dadka cadaalad iyo horumar iyo inuu Masar oo dhan hoggaaminayo inakstoo natiijada doorashada aad la isugu dhowaa.

Xilligaas ka hor ayaa siyaasadda lagu arkay. Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sannadihii 2000 iyo 2005tii.

Dadka isaga dhalleeceeya waxay sheegeen inuu ku guuldareystay inuu waxqabto sannadkii uu xafiiska hayay.

Waxay sheegeen inuu Islaamiyiinta u ogolaaday in ay siyaasadda galangal ku yeeshaan ayna dhaqaalaha si xun u maareeyaan.

Mursi ayaa noqday madaxweyne ka dib markii Mubaarak xilka laga tuuray

Dad dowladdiisa ka soo horjeeday ayaa sababay isu soo bax malaayiin qof ay ka qeybgaleen, maalintii uu u dabaaldegayay sannadkii uu xafiiska hayay ee 30 June 2013kii.

Habeenkii 3dii Juley ayey ciidammada laaleen dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen dowlad ku meel gaar ah oo dalka doorasho ku hoggaamisa.

Mursi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay afgembi, waxaana lagu xiray xabsi ay militariga leeyihiin.

Maxamed Mursi oo xabsi ku jira

Xigashada Sawirka, Reuters

Ururkii uu ka tirsanaa ee Ikhwaanka wuxuu Masar ka jiray ku dhowaad 90 sano. Maxamed Morsi wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar ee si dimuquraadiyad ah lagu doortay.

Ururka Ikhwaanka oo muddo Masar mamnuuc ka ahaa, markii ugu horeysay ee siyaasadda ay u tartameen waxay ahayd 1980-maadkii.

Waxay ka qeybgaleen doorashooyiinkii 1984 iyo 1987. Sannadkii 2000, waxay noqdeen mucaaradkii ugu weynaa dalka Masar.

Maxamed Mursi oo maxkamad la geeyay ayaa waxaa lagu kala riday xukunno kala duwan, sida xabsi iyo dil.

Maxkamadda sare ee Masar ayaa ka dib go'aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sannadkii 2019-kii ayuu Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Mursi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.