Muxuu yahay hubka 'Mareykanka u gudbi kara' ee uu soo bandhigay Kim Jong-un?

Xigashada Sawirka, Reuters
Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaalladii ugu weynaa abid ee isaga kala goosha qaaradaha ee loo yaqaanno (ICBMs). Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay suurtagalnimada ah in hubkan uu caqabad ku noqon karo gantaallada difaaca ee Mareykanka.
Dhoollatus militeri oo Arbacadii lagu qabtay Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo bandhigay tiro ka mid ah gantaallada riddada dheer.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa la arkayay saqdii dhexe ee xalay isaga oo daawanaya gantaallada xilli ay barbar taagneyd gabadhiisa.
Soo ifbixidda gabadhiisa Kim Ju-ae ayaa sare u qaadday wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in gabadhan ay dhaxli doonto aabbeheed.
Walaac ayaa ka dhashay tirada gantaallada riddada dheer ee lagu soo bandhigay dhoollatuskan. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tiro intaa le'eg oo gantaallo ah - oo aragti ahaan ku dhici kara isla markaana gaari kara Maraykanka - ay suurtogal tahay in ay ka adkaadaan difaaca Nukliyeerka ee Maraykanka haddii gantaal kasta uu qaado madaxyo badan oo hub ah.
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ma aysan bixin faahfaahin ku aaddan hubkan, laakiin waxay sheegeen in hubkan oo kale uu muujinayo "ka-hortagga dagaal xooggan iyo awoodaha ku aadan weerarrada rogaal celiska ah".
Sawirro ay daabacday warbaahinta Kuuriyada Waqooyi saaka ayaa u muuqday in ay muujinayaan in ka badan 12 baabuur oo siday hubkan ICBM ah oo dhex wareegaya fagaaraha dhexe ee ku yaalla bartamaha Pyongyang - oo ay la socdaan ciidamada lugta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaar ka mid ah dadka falaanqeeya siyaasadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in bandhigga hubka ICBM ah uu u muuqaday in qaab cusub loo soo sameeyay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gantaalladan cusub ayaa si xowli ah u jara masaafo dheer waxay ka dheereeyaan gantaallada dareeraha ah, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago.
Si kastaba ha ahaatee, taliska Kim Jong-un waligiis si guul leh uma tijaabin gantaalada matoorka leh ee shidaalka ku shaqeeyo.
"Tani waa mid ka mid ah hadafyada casriyaynta nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi" ayuu yiri Ankit Panda, oo ku takhasusay siyaasadda nukliyeerka kana tirsan macadka ee ka faalooda arrimaha amniga ee Carnegie Endowment for Peace International.
"Bilaha soo socda waxaana ka gili karnaa tijaabinta gantaallada riddada dheer ee matoorka ee ku shaqeeya shidaalka" ayuu u sheegay BBC-da.
Waxa uu intaa ku daray in horumarinta hubka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi uu caqabad ku noqday qorshaha militeri ee Mareykanka isla markaana u horseeday colaad, maadaama ay ku adkaan doonto Maraykanka inuu helo oo uu burburiyo dhammaan gantaallada ICBM Kuuriyda Waqooyi.
Dhoolatuskan ayaa imaanaya kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay jebisay rikoorkii sanadka ee tijaabinta hubka iyadoo jebisay cunaqabateynta dhaqaale ee Qaramada Midoobay waxay arrintan horseeday xiisadaha ka taagan gacanka Kuuriya.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dhoolatuska uu soo bandhigay awoodda waddanku u leeyahay in uu wajaho cadawgiisa gaar ahaan "Nukliyeerka iyo iska horimaadka".
Sawirro la soo bandhigay ayaa muujinayay Mr Kim oo xirnaa jaakad madow iyo koofiyad isagoo eegaya safafka askarta , wuxuuna salaamayay ciidamada iyo cutubyada qaabilsan gantaallada oo halkaas marayey.
Waxaa la arkayay Kim Jong un ay garab taagneyd gabadhiisa Ju-ae-oo la rumeysan yahay inay 10 jir tahay, waana arrintan ay soo hadal qaadayaan falanqeeyeyaasha.
Sawirro ay soo qaadday warbaahinta dawladda ayaa muujinayay iyada oo masraxa fadhida iyadoo ay dhinacyada ka jiraan aabaheed Kim iyo hooyadeed Ri Sol Ju, waxaana goobta ku sugnaa taliyeyaasha militeriga oo dhoolacadeynayay.
Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa in uu dhalay ugu yaraan saddex carruur ah, oo ay ku jiraan wiil weyn iyo labo gabdhood.
Gabadhan yar ayaa markii ugu horreysay goob fagaaro ah saddex bilood ka hor, waxay bishii November xilli aabaheed uu soo bandhigayay hubka ICBM.
Inkasta oo laga yaabo inay tahay qofka dhaxli doono aabaheed "haddana waa xilli hore in lagu dagdago arrintaas" ayuu yiri Martyn Williams oo ka tirsan xarunta Stimson oo ka faaloota arrimaha Kuuriyada Waqooyi.














