Dal ciidamadiisa ay raalligelin ka bixiyeen markii ay ku guuldarreysteen inay iska difaacaan cadowgooda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Milatariga Kuuriyada Koofureed ayaa raalligelin ka bixiyay in ay ku guuldarreysteen in ay soo ridaan shan diyaaradood oo ahaa kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay laheyd Kuuriyada Waqooyi kuwasoo Isniintii dul heehaabayay hawad xadka ay wadaagaan labada waddan.
Xukuumadda Seoul ayaa rasaas digniin ah hawada ku ridday, waxayna xadka u dirtay diyaaradaha dagaalka iyo kuwa khumaatiga u kaca si ay usoo rdidaan, mid kamid ah diyaaradahaas Dones-ka ah ayaa soo gaaray meel u dhaw caasimadda.
Inkasta oo ay muddo shan saacadood ah baacsanayeen diyaaradahaas, haddana diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegay in dhammaantood ay dib ugu laabteen Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso in 'aysan sameyn diyaargarow militeri' oo ku aaddan arrintaas. Madaxa ciidamada Kuuriyada Koonfureed, ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku qiray guuldaradda wuxuu sheegay ' inkasta oo milatariga uu ka hortagi karo "weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee halista ah", isla markaana ay xaddidan tahay awoodda ay u leeyihiin inay wax ku ogaadaan si ay u qabtaan diyaaradah yar yar ee wax basaasa.
"Diyaargarow la'aanta ciidankeena ayaa walaac badan ku abuurtay dadka," ayuu yiri sarkaal sare, oo lagu magacaabo Kang Shin-chul.
Waxa uu intaa ku daray in milatariga "si firfircoon u adeegsan doonaan qalabka baaritaanka si loo ogaado diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee cadawga sii loola socdo wakhti hore la iskana difaaco".
Weriyaha BBC-da ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul, Jean Mackenzie, ayaa sheegay in arrintani ay walaac abuurtay sababtoo ah diyaaradaha Drones-ka ee ka dulmara hawada Seoul waxay awood u leeyihiin inay sameeyaan howlgal basaasnimo ah iyagoo sawirro ka qaai karo goobaha xasaasiga ah ee aadka loo ilaaliyo.
Isagoo ka hadlayay shir golaha wasiirrada uu la yeeshay maanta, madaxweyne Yoon Suk-yeol wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in la dedejiyo abuuritaanka cutubyo militari oo kormeera xarumaha militariga Kuuriyada Waqooyi si looga jawaabo dhacdadii Isniintii, ciidamadaas oo la siin doono diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si xaaladda ay wax uga qabtaan.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Moon Jae-in,waxa uu ku tilmaamay siyaasaddiisa "halista ah" Kuuriyada Waqooyi oo kamid aheyd heshiiskii milatari ee u dhexeeya labada Kuuriya sanadkii 2018 oo mamnuucaya dhaqdhaqaaqyada cadawga ah ee aagga ku teedsan xuduudda labada dal.
Duullaanka Isniintii ayaa ahaa markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Waqooyi ay soo galaan hawada Kuuriyada Koonfureed, waxayna ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii sare u kaceyso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ku dhaqaaqday tijaabinta gantaalladii ugu badnaa abid muddo sanad ah.

Xigashada Sawirka, KCNA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in Kuuriyada Koofureed ay suurtogal tahay in lagu arkay diyaarad kale Talaadadii, balse wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in tani ay ahayd shimbiro.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii la soo dhaafay sameysay tijaabado gantaallo ah oo isdaba joog ah si ay u horumariso barnaamijkeeda hubka, taas oo ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in ay iska difaacdo duullaanka Mareykanka ee suurtagalka ah.
Bishii Sebtembar ee 2021-kii oo keliya, warbaahinta dawladdu waxay soo warisay tijaabooyin cusub oo gantaalaha hypersonic-gga ee xawaarahooda sarreeyo ah, tijaabinta gantaal ballistic oo tareen korkii laga soo riday iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer.
Sannadkii 2017, Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay dhowr gantaal oo muujinaya wax u muuqday horumar degdeg ah oo dhanka tignoolajiyadda milatariga ah.
Gantaalkan oo lagu magacaabo Hwasong-12 ayaa la rumeysan yahay inuu gaari karo ilaa 4,500 oo kilomitir taasoo qiyaas ahaan u dhiganta saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin jasiiradda Guam ee Pacifiga ku taal.













