Tijaabada gantaalka halista ah ee Kuuriyada Waqooyi ee horseeday in Mareykanka uu tallaabo qaado

Xigashada Sawirka, EPA
Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Khamiis ah ridday laba gantaal oo kale oo nooca ballistic-ga ah –waana markii lixaad ay muddo ka yar laba toddobaad gudahood sidaan oo kale u riddo gantaalka la mamnuucay.
Pyongyang ayaa Arbacadii tijaabada gantaallada ballistic-ga ah ee ugu dambeeyay ku tilmaantay "kaliya tillaabooyin ka hortag ah" oo loogu talagalay dhoolatusyada militari ee ay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed sameeyeen.
Talaadadii Pyongyang ayaa gantaal ku ridday hawada Japan, taasoo keentay in Maraykanku uu ku baaqo shir degdeg ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Kulankaas ayuu Maraykanku ku eedeeyay Ruushka iyo Shiinaha in ay Kuuriyada Waqooyiga ka ilaalinayaan cunaqabatayn xooggan.
Shirka golaha ammaanka, safiirka Mareykanka ayaa ka sheegay in ay xukuumadda Pyongyang ku dabooleen buste qoyan. Wax yar ka dib, hadalka Safiirka, Kuuriyada Waqooyi ayaa labada gantaal oo kuwa ballistikada ah ku ridday badda.
Wakiilada Shiinaha iyo Ruushka ayaa sheegay in wadahadalada oo la kordhiyo ay ka wanaagsan tahay ciqaabta.
Labadii bilood ee la soo dhaafay Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa waday dhoolatusyo is-daba joog ah oo ay kaga gol-lahaayeen sidii ay uga adkaan lahaayeen loogana hortagi lahaa weerarka Kuuriyada Waqooyi.
Dhoolatusyadan ayaa waxaa ka soo horjeeda hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kaasoo u arka inay cadeyn u yihiin in cadawgiisa ay isku diyaarinayaan dagaal.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kuuriyada ayaa dhankeeda ku eedeysay Mareykanka "in uu sii xumeynayo xiisadda militari ee gacanka Kuuriya".
Arbacadii Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sameeyay dhoolatusyo dheeri ah, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay jawaab u ahaayeen tijaabada gantaalkii Talaadada.
Maraykanku waxa uu sheegay in aanay jirin "wax farqi ah" oo u dhexeeya tijaabada gantaallada la mamnuucay iyo dhoolatusyada ay sameenayaan.
Maraykanku ayaa waxa uu sidoo kale markabkiisa diyaaradaha ee USS Ronald Reagan dib ugu daabulay meel u dhaw gacanka Kuuriya.
Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in gantaalkii ugu horreeyay ee Khamiista la riday abaare lixdii subaxnimo ee xilliga maxalliga ah. Waxa uuna qiyaastii jaraya masaafo dhan 350 kiilomitir halka oo jooggiisuna ahaa 100 kiilomitir, halka gantaalka labaadna uu qiyaastii gaaray 800 oo kilo mitir.
Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in Kuuriyada Woqooyi ay dib u soo celinayso godadka iyo goobihii ay ku tijaabinaysa Nukliyeerka, kuwaas oo ay sheegtay in ay burburisay sannadkii 2018-kii intii lagu jiray xiriirkii dublamaasiyadeed oo muddada gaaban socday kaas oo ay la yeesheen Maraykanka xilligii Madaxweyne Trump.
Bishii la soo dhaafay, Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameysay shuruucdeeda Nukliyeerka, iyadoo hogaamiyaha Kim Jong Un uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu leeyahay awood Nukliyeer ah "oo aan laga laaban karin".
Kim ayaa la rumeysan yahay inuu sugayo waqti siyaasadeed oo ku habboon si uu u sameeyo tijaabadii toddobaad ee nukliyeerka.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in tijaabada ay u badan tahay inay dhaco inta lagu jiro doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee horraanta bisha November.













