Sharma Boy oo ka hadlay sababta uu dib ugu soo noqday fanka
- Author, Fatuma Taxadar Yusuf
- Role, Weriye

Xigashada Sawirka, Sharma Boy
Fanaanka ku caan baxay Sharma Boy ee la yiraahdo Sharmaarke Cabdinaasir Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ka dambeysa in uu dib ugu soo noqdo fanka iyo heesaha. Sharma ayaa horraantii sanadkan shaaciyay in uu isaga baxay fanka kaddib markii uu u guuray dalka Mareykanka oo uu magangalyo qaxootinimo ka raadinayo.
Waxa uu xilligaas ku tilmaamay in go’aanka uu uga baxay fanka uu yahay ‘kii ugu wanaagsanaa ee uu gaaro noloshiisa’. Sharma Boy ayaa dhowr hees oo cusub soo saaray intii uu joogay Mareykanka, iyada oo ay ugu dambeysay heesta ‘Waxba iga ma gelin’ ee toddobaadkii hore soo baxday.
‘Nolosha Cusub ee Mareykanka iyo halka loo wada socdo’
Fanaan Sharma Boy ayaa ku tilmaamay in Mareykanka yahay halka ay Soomaalida oo dhan u soo wada socoto oo ay isugu imaan doonaan, isaga oo tusaale u soo qaadanayay fanaan iyo Soomaali kale oo badan oo ku sii qulqulaya Mareykanka. Dadkaas ayaa ka tahriibaya Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika, iyo xitaa Yurub, iyaga oo galaya safar dheer oo halis badan, oo ay isaga kala gudbayaan qaarado iyo dalal dhowr ah. Fanaaniinta iyo shaqsiyaadka kale ee safarkaas maray ee Mareykanka galay iyaga oo ka boodaya darbi weyn oo ku yaal xadka dalka Mexico uu la leeyahay Mareykanka waxaa ka mid ah fanaanada Malyuun Maanka, oo sidoo kale ah xaaska Sharma Boy, Bashiir Jaawi, Nuur Caraale iyo Yuu Beezaani.
Laakiin Sharma Boy oo ka sheegtay la-qabsiga Mareykanka iyo dhadhan la’aanta cuntada dalkaas ayaa sheegay in ay shaqada soo-saarista heesaha ay adag tahay gudaha Mareykanka marka la barbardhigo Soomaaliya.
‘’Maraarka qaar wax ay heestu igu qaadataa inaan soo saaro mudo ku siman lix bil, waayo waxaan ka imid wadan ay ku nool yihiin dad aad u yar marka loo fiiriyo kan aan iminka joogo. Laakiin waa dad yar oo la heli karo marwalba si aad muuqaal u duubtid,"ayuu yidhi Sharma Boy. Arrinkaas ayuu u sababeeyay Sharma Boy sababta ay hoos ugu dhacday heesaha muuqaalka ah ee uu soo saari jiray. Hadda, isaga ayaa qeyb ka noqday dadkaas mashquulka ee orodka ku jira maalinkii oo dhan, isaga oo ku mashquulsan siddii uu dowladda Mareykanka uga heli lahaa in kiiskiisa ay aqbasho, iyo in uu sharci helo.
Waxyaabaha ka yaabiyay inta uu Mareykanka joogay ayuu ku sheegay dhadhan la’aanta cuntada Mareykanka oo gaarsiisay in uu isaga shakiyo in uu qabo COVID19, iyo dhar aad maalmo xirneed in aad dib ugu celin kartid dukaankii aad kasoo iibsatay. Waxa sidoo kale yaabgeliyay kaniiniga qoroxda loo qaato ee la iibiyo, isaga oo sheegay in mar ba mid cusub lagu tijaabiyo.

Xigashada Sawirka, Siyad Saalax
‘Sababta uu fanka ugu soo noqday’
Fanaan Sharma Boy oo yaraantiisii jeclaa in uu noqdo weriye ayaa BBC Somali u sheegay in uu fanka Soomaalida uu dib ugu soo noqday dhowr bil kaddib markii uu shaaciyay in uu ka baxay. Dib ugu soo noqoshada fanka ayuu ku sababeeyay kaddib markii uu fanka Soomaalida ka dhex waayay qof kala wareega heesa raabka ah. ‘’Markaan ka baxay fanka ayaan ogaaday inaan umad dhan aan masuul ka ahay heesaheeda raabka ah," ayuu yiri Sharma Boy. Waxa uu intaa raaciyay in uu heesaha ku sii jiri doono inta uu ka helayo qof kala wareega fanka raabka ee Soomaalida. Fanaankan oo ku guuleystay abaalmarino caalami ah ayaa loo arkaa in uu yahay mid ka mid kuwa ugu saameynta weyn fanaaniinta jiilka dambe, si gaar ah heesaha raabka oo weli ah kuwo ku cusub fanka Soomaalida.
'Murti waa raab'
Sharma Boy ma ahan fannaankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo qaada heesaha caanka ka ah dunida ee loo yaqaanno "Raab-ka", balse waxaa cad in uu muusigiisa ku saleeyay heesaha noocaas ah muddo aad u gaaban gudaheedna uu kusoo shaac baxay.
Wareysi uu goor sii horraysay siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uusan taageero u haynin heesaha caadiga ah ee Soomaalida horay loogu yaqaannay, balse uu "murtida cusub u yaqaanno raabka".
"Wixii uu qofka fahmi karo ayaan murti u aqaan. Maanta Raabka iyo heesaha caadiga ah, waxaan murti u aqaanaa raabka", ayuu yiri.
"Noloshii hore way ka duwan tahay nolosha hadda, adduunkii horena wuu ka duwan yahay sida uu adduunka hadda yahay, dalkeennana wuu ka duwan yahay sidii uu horay u ahaan jiray, sidaas awgeed wax walba sida ay isu baddaleen ayuu fankiina isu baddalay," ayuu sii raaciyay hadalkiisa isaga oo iska difaacaya doodaha dadka qaar ee ah in fanka cusub ee murti beelay, oo uusan xikmad lahayn marka la barbardhigo fanka qadiimiga ah ee Soomaalida.

Xigashada Sawirka, Sharma Boy
Waxa uu Sharma Boy isu arkaa in uu yahay Hadraawiga casriga maanta, isaga oo ku halqabsanaya Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, Allaah ha u naxariisto, oo ka mid ahaa ragga ugu maansoonyinka saameynta weyn Soomaalida, islamarkaas na ahaa curiyaha riwaayado dhowr ah.
‘’Alle ha u naxariisto abwaan Hadraawi illaah baa siiyey murti iyo waayo aragnimo. Waana Abwaan ay umada oo dhan ay u siman yihiin oo ay jeclaayeen. Inkastoo aanan heerkiisa isgaarsiineynin," ayuu ku daray hadalka.
Sidaas oo ay tahay, fanaan Sharma Boy oo bartay saxaafadda kahor inta uusan noqon heesaa waxa uu sheegay in uu weli ku han weyn yahay in uu isaga baxo fanka marka uu helo qof kale oo raabka kala wareega, hadda se ay u tahay xirfad uu ku shaqeysto oo welina xiiso gelisa.













