HAWAALE WARRAN: Dhaxalka uu abwaan Hadraawi uga tagay Soomaalida

- Author, Maxamed Saleebaan Cumar
- Role, Qoraa
"Diiwaankan waxaan u hibeynayaa guud ahaan Soomaalida wax akhriska jecel, siiba dhallinyarada iyo da'da soo kaceysa. Waxaan kaloo u hibeynayaa dadka ku howlan soo nooleynta dhaqankii, hiddihii, aftahannimadii iyo guud ahaan maamuuskii dadnimo ee ummadda Soomaaliyeed," ayuu Abwaan Hadraawi ku yiri buuggiisa oo uu muddo 10 sanadood ah uu ka shaqeynayay.
Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waa mid ka mid ah halabuurrada ugu magaca weyn ee sooyaalka Soomaalida, haddii aanu ahayn maansayahannada casrigan ka ugu magaca dheer ee ay maansadiisu ugu tisqaadka ballaadhan tahay.
In ka badan nusqarni ayuu kaalin foolaad ah kaga jiray saaxadda halabuurka Soomaalida. Waa abwaan fogaanarag ah oo si xeeldheer u dersa isbeddallada nololeed ee mujtamaca, sababaha iyo xalka intaba. Waxa uu si lexaad leh ugu dhaataa hidda dhaqameedka bulsheed, qiyamka ummadnimo iyo caqiidooyinka diiniga ah ee lama taabtaanka ah.
Maansadiisu waa hawraar sooh goonni ah iyo raso cuddoon lagu baadisoocdo oo ujeeddo ahaan daarran runsheegnimo, keenadiidnimo, xaqudirirnimo iyo Alle-kacabsi. Waxa lagu yaqaannaa suugaan bulshada dhexdeeda ka aloosta xiise hor leh iyo halaanbayn cirka ku sii shareerta halabuurkiisa. Waxa kale oo lagu astaystaa awood curineed oo sarraysa, aftahammo xooggan iyo farshaxannimo durugsan oo fahamkeedu u baahan yahay garasho badan.
Inkasta oo ay jireen waqtiyo ummadda Soomaliyeed lagu naanaysi jiray "bulshadii gabayaaga", marka lagu xisaabtamo waayaha, wadciga iyo waaqaca maanta geyiga ka aloosan, waxa ay u badan tahay in aan badiba bulshadu wada fahmi karin abbaarta iyo nuxurka suugaan midho ahaan u rib ah, murti ahaanna u xeel dheer, sida tan Hadraawi.
Sidaas darteed, ayay bulshada inteeda badan ee aan hawraarta wax ku fahmini ugu baahan karaan hab iyo hannaan ka fudud kaas hore oo loogu tebiyo farriintii iyo nuxurkii ay tixdu xanbaarsanayd.

Xigashada Sawirka, Facebook
Maxamed Ibraahin Hadraawi waxa lagu bartay tixo dhaadheer oo xanbaarsan kalgacal, halgan ama aragti kale oo nololeed. Buuggani tixahaas abwaanka looga bartay ma aha, kumana saabsana. Waa buug sidiisa uga madaxbannaan suugaanta Hadraawi.
Laakiin si kasta oo uu uga madaxbannaan yahay, marnaba kama taggana aragtidii, falsafaddii iyo mabaadii'dii sawraca gaarka ah lahaa ee looga bartay Hadraawi.
Buuggan HAWAALE WARRAN waxa uu ku bilaabmayaa Arar kooban oo daarran aragti nololeed oo kugu xidhaysa sababaha uu abwaanku xilligan buugga u daabacay iyo gogoldhig uu abwaanku kaga warramayo noloshiisii, hanaqaadkiisii iyo bilawgii halabuurkiisa ee horraantii 1970naadkii qarnigii tagay iyo noloshiisii xabsiga ee Qansaxdheere.
Intaa ka sokow, buuggu waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo u kala duwan sidan hoos ku xusan:
- Cutubka 1aad: Waxa uu qoruhu kaga warramayaa noloshii uu soo gaadhay iyo waayadii ay Soomaalidu ahayd xooladhaqato reerguuraa ah.
- Cutubka 2aad: Waxa uu qoruhu si xeeldheer ugu talaxtagayaa xoolaha ay Soomaalidii hore dhaqan jirtay iyo sida ay noloshaas u faaqideen, ulana falgaleen.
- Cutubka 3aad: Waxa uu kaga warramayaa habdhaqameedka guurka ee Soomaalidii hore iyo meertada geeddigii nolosha.
- Cutubka 4aad: Waxa uu qoruhu isku dul taagayaa soo rogaalcelinta gumeysiga cusub iyo xaaladaha bulsheed ee Soomaalida maanta: haweenka, ubadka, qurbaha, ragga, qaadka, tahriibta ama sibiqdhaqaaqa, i.q.k.
- Cutubka 5aad: Waxa uu qoruhu kaga warbixinayaa xaqiiqooyin diineed: moogganaanta aadamaha, halisaha Ibliiska, doorka culimada, tawbadda, aakhiro iyo qiyaamaha iyo guud ahaan addoonnimada.
- Cutubka 6aad: Waxa uu kaga hadlayaa sooyaalka dawladnimada Soomaalida: gumeysigii, gobannimadii, dawladnimadii rayidka, inqilaabkii askarta iyo waayaha nolol-siyaasadeed ee hadda lagu sugan yahay.

HAWAALE WARRAN waa xusuusqor, waayo'aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku inooga dhiteeyay wixii uu ka xusuusan karayay waayihii nololeed ee Soomaalidu soo martay tan iyo waayadii ay ahayd xooladhaqato reerguuraa ah.
Buuggan waxa ka faa'iidaysan doona guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka aan helin fursad iyo faham ay ku furfurtaan maansada Hadraawi.
Inta aan ka warqabo, diiwaankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee tiraab ah ee uu dhaabbadeeyo halabuur Soomaaliyeed oo maansadiisu u tisqaadday sida tan Hadraawi oo kale. Sidaas darteed, buuggani waa majare waxku-ool ah oo ay kaga dayan karaan halabuurka maanta nool iyo kuwa soo fool leh labaduba.
Ugu dambayn, buuggani waa waxqabad cuddoon oo waayo'aragga Soomaalida ku dhiirrigalinaya in ay weeleeyaan waayahoodii nololeed, si ay dhaxal iyo duug wax laga baran karo ugaga tagaan da'yarta mustaqbalka.
____________________________________________________________________________________________________________________________________________________________
Waxaa qoray Maxamed Saleebaan Cumar, oo tifaftiray buuga HAWAALE WARRAN. Wwaxaad ka heli kartaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga .










