Waa kuwama saddexda nin ee Kenya kasoo jeeda ee dhexdhexaadinaya dowladda federaalka iyo Jubaland?

Ergada

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay khilaaf soo shaac baxay uu u dhaxeeyey dowladda federalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland kaas oo ka dhashay arrimaha doorashada.

Jubaland ayaa ku dhawaaqday guddi doorasho oo ay sheegeen inuu qabanayo doorashada maamulkaasi kaas oo ka kooban toddobo xubnood oo hal dumar ahi ku jirto.

Tallaabaddas ka dib wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federalka ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in guddiga uu magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu yahay “mid sharci darro ah”

Jubaland ayaa dhankeeda sheegtay in ay hakisay xiriirkii wada shaqayneed ee ay la lahayd dowladdda federalka. Sababta ay tallaabadasas u qaadeen ayey BBC-du wax ka waydiisay wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ee Jubaland Bishaar Aadan Geeddi.

“Sababaha aan hakadka ugu samaynay waa isfahan darro ka dhacday dastuurka Soomaaliya. Soomaaliya waxay qaadatay nidaam federaal, iyadoo dastuurkii qabyo yahay, marka maamul-goboleed kastaba wuxuu leeyahy dastuur uu ku maamulo doorashadiisa,” ayuu yiri Bashiir.

Intii khilaafku soo baxay waxaa jirtay ergo ka kooban siyaasiyiin hore xilal ugu soo qabtay Kenya iyo ururada gobolka oo bilaabay dhexdhexaadin dhinacyda ah si khilaafka loo xalliyo sida ay qoraallo lagu daabacay bogagga Facebook-ga ay ku sheegeen xafiiska raysal wasaaraha iyo madaxtooyada Jubaland.

Maxamed Cabdi Afey

Dhexdhexaadiyaahs

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Qoraalka sawirka, Danjire Maxamed Cabdi Afey

Siyaasigan ka soo jeeda Kenya horeyna xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Kenya, Maxamed Cabdi Afey ayaa ka mid ahaa saddexda shakhsi ee lagu arkay sawirradooda kulamo ay la yeesheen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Maxamed Cabdi Afey, waxaa ku dhashay Ismaamulka Wajeer, sanadkii 1968-dii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare ayuu ku qaatay gobolka Waqooyi Bari Kenya isagoo waxbarashadiisa jamacadeed ku qaatay magaalada Nairobi.

Shaahaadada koowaad ee jaamacadda oo bartay cilmiga bulshada iyo cilmiga siyaasadda ayuu ka qaatay qaatay jaamacadda Kenyatta halka shahaadada Master-ka ee Maareynta Khilaafaadka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Nairobi.

Isagoo 27 jir ah, Afeey wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu da'da yaraa taariikhda Kenya ee loo doortay baarlamaanka, isagoo ku matalay degmada Wajeer ee koonfurta isagoo ka tirsanaa xisbiga KANU. Waxa uu muddo ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda isaga oo wasiir ku xigeen ka ahaa 1997 ilaa 2002-kii

Afey, ayaa markii dambe noqday ergayga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.

Sanadkii 2016-kii, Madaxa hayada UNHCR ee qaxootiga Filippo Grandi, ayaa danjire Afey u magaacay inuu noqdo wakiilka sare ee arrimaha qaxootiga u qaabilsan Soomaaliya

Intii uu xilka hayay, waxa uu si firfircoon uga qaybqaatay horumarinta iyo hirgelinta Baaqa Nairobi ee Qaxootiga, isaga oo ujeeddadiisu ahayd in la gaarsiiyo xal waara in ka badan 900,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah iyo sidoo kale in ka badan hal milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Sannadkii 2018, waxaa loo magacaabay inuu noqdo ergeygii ugu horreeyay ee UNHCR ee Geeska Afrika.

Afey ayaa waayo aragnimo u leh xaaladda gobolka isagoo xilalka uu soo qabtay ay tusaale u yihiin doorkiisa aqooneed ee dhexdhexaadinta.

Maxbuub Macallin

dhexdhexaadiyaash

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Qoraalka sawirka, Danjire Maxbuub Macallin, xoghayihii hore ee IGAD

Sidoo kale Danjire Maxbuub Macallin ayaa ka mid ahaa ragga la sheegay inay qayb ka yihiin dhexdhexaadinta kaas oo horey xil weyn ugu soo qabtay gobolka.

Danjire Maxbuub ayaa ah siyaasi Kenyaan ah oo ku dhashay Waqooyi Bari Kenya, kaas oo xilal weyn ka soo qabtay Kenya iyo gobolka.

Maxbuub, waa aqoonayhan bartay cilmiga injineernimada dhismaha isagoo ka bartay jaamacado ku yaalla dalka Maraykanka.

Wuxuu muddo ka badan soddon sano ahaa shaqaale dowladdeed, isagoo soo qabtay xilal ay ka mid ahayeen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo waraabka ee Kenya.

Maxbuub, ayaa ahaa xoghayahii shanaad ee Urur-goboleedka IGAD, xilkaas ayaa loo doortay sanadkii 2008-dii isagoo hayey ilaa 2019-kii.

Doorkiisii dheeraa ee hoggaaminta Urur-goboleedka IGAD, waxaa Maxbuub loo arkaa nin door weyn ka ciyaari kara xalinta Khilaafaadka gobolka sida dadka arrimaha gobolka ka faallooda ay sheegayaan.

Muddadii dheerayd ee uu ka soo shaqaynayey IGAD, waxaa ururku shaqo badan ka qabtay xallinta khilaafaadyo ka oognaa gobolka oo laga xusi karo Suudaan iyo Suudaanta Koofureed.

Sanadkii 2018-kii ayaa sidoo kale loo magacaaabay guddoomiyaha cusub ee guddiga shirkadda qaran ee korontada Kenya.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow

dhexdhexaadiyaasha

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Qoraalka sawirka, Senatarkii hore Wajeer, Cabdirixmaan Cali Xasan Colow

Shakhsiga saddexaad ee sawirradiisa lagu arkay kulamada ergadan la qaateen labada dhinac waa Senater Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow, oo horey u soo qabtay xilal xildhibaan golaha shacabka iyo aqalka sare ee Kenya..

Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow waxaa uu a ku dhashay Ismaamulka Wajeer ee Kenya, wuxuuna muddo dheer ku jiray siyaasadda Kenya.

Waxbarashadiisa hoose ilaa sare ayuu ku soo qaatay Wajeer isagoo heerka jaamacada ka baxay Jaamacada Nairobi.

Sanadkii 1997-dii doorashadii guud ee Kenya ayuu u tartamay xildhabaan balse kuma guulaysan basle markii xigay oo ahaa sanadkii 2002-dii waxaa Cabdiraxmaan Colow noqday xildhibaan laga soo doortay Koonfurta Wajeer isagoo ka tirsanaa xisbiga ODM.

Sanadihii 2005-tii ilaa 2007-dii, wuxuu soo noqday kaaliyaha wasiirka ganacsiga iyo warashadda ee Kenya.

Waxaa sidoo kale loo doortay senate-ka Kenya 2013, isagoo matalayay degmada Wajeer.

Waa siyaasi ruug-caddaa ah marka laga eego doorkiisa siyaasadda Kenya oo muddo ka badan labaatan sano ku soo jiray.

Dhexdhexaadiyaasha

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Ergadan ka socday Kenya ayaa kulan magaalada Kismaayo kula yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madooobe basle kulankaasi ka dib ergada ayaa gaartay Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kulamada ergada Kenyaanka ah ay la qaateen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee dowladda federaalka iyo Jubaland ayaan la ogayn halka ay wax marinayaan iyo natiijada ay ka gaareenba.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, OPM

Ilaa hadda xog rasmi ah lagama helin kulamadaas iyo wax ka soo baxay oo laga gaaray xalinta khilaafaadka u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo dowladda federalka kaas oo gaaray heer ay Jubaland hakisay wadashaqayntii ay la lahayd dowlada dhexe.

BBC-da oo xiriirro kala duwan la samaysay ergadan ayeysan u suura-galin inay hesho si aan xog ugu helno waxaa kulamadooda ay la qaateen dhinacyada kala kulmeen.

Jubaland, ayaa kulan wadatashi ah sidoo kale ugu yeertay xildhibaannada labada aqal ee laga soo doorto Jubaland, kuwas oo in badan oo aqbalay casumaaddii madaxwynaha maamulkaasi ku tagay Kismaayo kuwaas oo kulamo la yeeshay maamulka.