Maxaa sababay geerida haweeneydan Turkiga loogu sameeyay qalliin is caateyn ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney imtixaan ka qaadi jirtay dadka darawalnimada baranaya oo Turkiga u aadday qalliin is caateyn ah ayaa dhiig-bax u geeriyootay kadib markii qalliin lagu sameeyay uu khaldamay, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay.
Janet Lynne Savage, oo 54 jir ah labo carruur ahna leh, kana soo jeedda xaafadda Bangor, Gwynedd, dalka UK ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray mid ka mid ah halbowleyaasheeda ugu muhiimsan intii uu qalliinka socday, taasoo sababtay in wadnuhu istaago.
Inkastoo kooxaha gargaarka degdegga ah ee istibaalka gobolka Antalya ay dadaallo sameeyeen haddana waxay 6-dii August, 2023 ku geeriyootay qeybta daryeelka gaarka ah ee ICU.
Dhegeysiga baaritaanka geerideeda oo ka dhacay deegaanka Caernarfon ayaa waxaa lagu soo saaray natiijada, iyadoo lagu ogaaday inay u geeriyootay dhiig-bax daran markii qalliinka lagu sameynayay.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in Mrs Savage ay qandaraas la gashay shirkad safarrada caagfimaadka ka shaqeysa oo lagu magacaabo Regenesis Health Travel billowgii July 2023, isla markaana 24 saac gudahood ay saxiixday qalliin bil kadib loogu sameeyo Turkiga.
Waxay shirkadda dalxiiska caafimaadka u sheegtay inay qaadaneysay daawada Ozempic si ay miisaanka isaga dhinto, balse intaa kadib ma aysan awoodi karin, waxayna ka walaacsaneyd inay degdeg u cayisho oo miisaankeedu kordho.
Waxay sheegtay inay dooneysay inay iska riddo ilaa 19kg, waxayna Regenesis Health Travel u sheegtay in xaddiga baruurta jirkeeda marka la isku eego dhererkeeda iyo miisaankeeda (BMI) ay ahayd 30.7.
Sida ay shaacisay NHS, BMI ayaa lagu cabbiraa miisaanka caafimaadka u ah dhererkaaga, taasoo Mrs Savage ay muuqatay inay kusii dhoweyd heerka buurnaanta saa'idka ah, taasoo ka bilaabata 30 ilaa 39.9.

Xigashada Sawirka, Wales News Service
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Alison Ergun, oo la shaqeysa shirkadda Regenesis, ayaa sheegtay in loo wacay maalintii qalliinka la sameynayay.
"Waxaa jiray caqabad daqiiqadihii ugu horreeyay ee qalliinka ayayna joojisay neefsashada," ayay ku tiri war ay soo saartay.
War kasoo baxay Dr Ramazan Azar, oo ah dhaqtarka qalliinka sameeyay ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta keentay cilladda ku timid halbowlaheeda markii qalliinku billowday, taasoo keentay dhiig-baxa.
Wuxuu sheegay in xidid ka mid ah halbowlaheeda ay kooxda qalliinka ku guuleysteen inay dayac-tiraan, isla markaana mid ka mid ah qalliimada la baajiyay sababo la xiriira caqabadda soo food saartay.
Si kastaba, kooxaha caafimaadka ee qeybta daryeelka gaarka ah ayaa kadib awoodi waayay inay xal keenaan, Mrs Savage la sheegay inay geeriyootay saacadihii hore ee subixii.
Baaraha maxkamadda ayaa sheegtay inay amar ku bixisay in lagu sameeyo baaritaanka meydka kadib markii meydka Mrs Savage lagu soo celiyay Wales, waxaana baaritaanka lagu sameeyay Isbitaalka Glan Clwyd.
Muhammad Aslam oo ku takhasusay baaritaanka meydadka ayaa sheegay in waxa sababay geerida ay ahayd dhiig-bax saa'id ah oo ka yimid halbowlaha caloosha, kaasoo kadib la dhayay.
Baaraha maxkamadda ayaa tacsi u dirtay qoyska Mrs Savage.
Dad badan ayaa meelo kala duwan oo dunida ah uga yimaada Turkiga, kuwaasoo qaarkood halkaasi loogu sameeyo qalliinnada la isku caateeyo iyo kuwa la isku qurxiyo, mana aha kiiskii ugu horreeyay ee qof qalliin is caateyn lagu sameeyo oo geeriyooda.
Sanadkii 2019, isla haweeney kale oo u dhalatay dalka UK ayaa isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Medicana Kadikoy ee magaalada Istanbul ku geeriyootay, kadib markii lagu sameeyay qalliin is qurxin ah.
Melissa Kerr, oo 31 jir ahayd ayaa la sheegay inaan lagu wargelin khataraha uga iman kara qalliinka oo loogu weyneynayay qaarka dambe.













