Sidee ayay haweenkan HIV uga qaadeen qalliinka qurxinta wejiga?

Qurxin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbixin dhawaan la soo saaray oo ku saabsan haweenka qaaday HIV ka dib markii ay wajiga durteen ayaa keentay su'aalo ku saabsan badbaadada hababka qurxinta qaarkood.

Ugu yaraan saddex haween ah ayaa ku haleelay xarun dumarku isku qurxiyaan oo ku taal New Mexico sanadkii 2018, sida laga soo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) oo sheegtay in kiisasku iftiiminayaan habab cusub oo caabuqa uu ku faafo.

Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin gudbintii ugu horreysay abid ee HIV ee la xiriirta habka qurxinta ee laga diiwaangeliyay Mareykanka.

Laakiin waa maxay dhab ahaan "vampire face", sideese dumarku ugu qaadeen HIV ka dib markay haweenkani samaysteen? Maxayse dadku samayn karaan si ay naftooda uga badbaadiyaan caabuqa marka ay qaadanayaan daawaynta isqurxinta?

Waa maxay Wajiga Vampire-ka?

Eraygu waa mid afka qalaad lagu yidhaahdo maado hodan noolaynta iyo caafimaad siinta maqaarka taas oo awood u siisa jidhka in uu da’yaraan muujiyo. platelet-rich plasma - Facials – PRP

Dhiigbiyoodkan midab la’aanta ah ee [Plasma] ayaa lagu duraa wejiga iyada oo la isticmaalaayo irbado yaryar.

Nidaamkan ayaa la sheegay in uu ka caawinayo hagaajinta maqaarka iyada oo kicinaysa soo saarista barotiinka jidka iyo elastin cusub, taas oo yareyn karta muuqaalka laalaabyada wajiga nabarrada iyo finanka.

Kim Kardashian

Xigashada Sawirka, Instagram/Kim Kardashian

In muddo ah ayey jirtay arrintani– Gabadha warbaahinta caanka ah ee Kim Kardashian ayaa sannadkii 2013-kii la wadaagtay sawir ay iska qaaday baraha bulshada kula wadaagtay dadka ku xidhan iyada oo ay wejigeeda ka muuqatay dhiig.

Dhawr sano ka dib Ms Kardashian waxay sheegtay in aanay dib u heli samayn doonin daawayntan, iyada oo ku qortay boggeeda in ay "runtii aad ii xanuun badan tahay."

Daaweyntu waxay ku kici kartaa meel kasta inta u dhaxaysa $1,000 ilaa $2,000 (£1,600) goob caafimaad oo shatiyeysan, sida ay qiyaaseen dadka bixiyeyaasha adeegan

Sidee haweenka New Mexico ugu qaadeen HIV?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xagaagii 2018, CDC waxay ka war heshay haweenay Maraykan ah, oo da'deedu u dhaxayso 40 iyo 50, oo laga helay HIV iyada oo dibadda ku maqan.

Haweenaydu ma sheegin wax taariikh ah oo isticmaalka daroogada la isku duro ama dhiig lagu shubay dhawaan, lamana samayn xiriir galmo dhow cid aan ahayn lammaanaheeda hadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay samaysay, waxay ka warbixisay helitaanka weji duriinka horraantii sanadkaas iyada oo ku taal meel isboorti oo ku taal New Mexico.

Baadhitaan ay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee CDC ku samaysay isbaabka - kaas oo sidoo kale bixiyay adeegyo kale oo la isku duro, oo ay ku jiraan Botox - ayaa markii dambe daaha ka qaaday in aanay shati haysan oo ay leedahay "dhaqano badan oo xakamaynta caabuqa aan badbaado lahayn."

Tan waxaa ka mid ahaa "tuubo aan calaamadesnayn oo dhiig ah iyo irbado caafimaad" oo lagu keydiyay qaboojiyaha jikada cuntada agteeda, iyo sidoo kale "saliingo aan duubneyn" oo ku kala firirsan khaanadaha iyo miisaska.

Qurxin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah dhalooyinka dhiigga ayaa sidoo kale muujiyay calaamadaha dib loo isticmaalay, CDC-na waxay aqoonsatay ugu yaraan hal macmiil oo laga helay HIV ka hor inta aan la booqan goobta isboortiska.

Hay'adda caafimaadka ayaa tan iyo markii ay isbitalka ku xidhay shan kiis oo HIV ah, oo ay ku jiraan afar dumar ah oo dhammaantood helay daawaynta wajiga vampire intii u dhaxaysay May iyo Sebtembar 2018 iyo nin jacayl xidhiidh la leh mid ka mid ah haweenka.

Marxaladda dambe ee caabuqa HIV ee ninka iyo naagtii xidhiidhka ka dhexeeyay waxay muujiyeen inay cudurka ku qaadeen wejiga durashadaan ka hor, ayaa warbixinta lagu yidhi.

Xarunta is qurxinta samaynaysa ayaa lagu qasbay in la xiro dabayaaqadii 2018, iyadoo milkiiliheedii hore,oo lagu magacaabo Maria de Lourdes Ramos De Ruiz, oo 62 jir ah, ayaa ku qaadaneysa xabsi saddex sano iyo bar ah. Waxay qiratay dambiga 2022 iyo in ay ku dhaqanto daawayn bilaa shati ah.

Nidaamyada isqurxinta sida weji durashadu miyay badbaado yihiin?

Waxaa jiray boqollaal waraaqo cilmi-baaris caafimaad ah iyo tijaabooyin soo jeedinaya in daawadu ay waxtar u leedahay dhaawacyada isboortiga qaarkood, finanka, cambaarta iyo xaaladaha maqaarka kale.

Akadeemiyada Maraykanka ee Ururka Maqaarka ayaa leh nidaamka laftiisa, marka si sax ah loo sameeyo, wuxuu u muuqdaa mid badbaado leh.

"Waxaa laga yaabaa inaad yeelato xoogaa xanuun, nabar iyo barar ka dib," ururku wuxuu leeyahay. "Kuwani waxay u muuqdaan inay ku baxaan dhowr maalmood gudahood."

Khatarta ugu weyni waxay ka timaadaa habka dhiiga loo maareeyo xarunta daawaynta bixinaysa.

"Waa lagama maarmaan in dhiigga laga saaro jirkaaga uu ahaado mid nadiif ah. Haddii kale, waxaad yeelan kartaa caabuq," ururka ayaa leh.

Waxa kale oo muhiim ah in la hubiyo in dhiigga dib lagu duraa uu yahay mid macmiilka uu leeyahay, ee aanu ahayn qof kale, sababtoo ah qofka qaataha ahi aad ayuu u bukoon karaa haddii kale.

Khubarada ayaa sheegaya in kuwa doonaya in ay helaan daawaynta isqurxinta ay tahay in ay horay u sii baaraan bixiyaha si ay u hubiyaan in xarunta ay shati u haysato. Waa inay sidoo kale ogaadaan sida qalabka caafimaadka - sida cirbadaha - ay u maamulaan shaqaaluhu.