Xaqiiqada foosha xun ee ku saabsan is qruxinta dumarka ee Masar

Haddii aad ku sugan tahay Masar waa inaad noqotaa dhakhtarka maqaarka ama dhakhtarka qaabilsan qalliinnada la isku qurxiyo si aad u adeegsato dawada dadka lagu duro Botox ee qalliinada is qurxinta ah ama kuwa lagu buuxiyo maqaarka. xitaa leysarka timaha lagu saaro wuxuu u baahan yahay kormeerka dhakhtar aqoon u leh arrintaas.
Laakiin BBC-du waxay heshay tiro dad ah oo aan u qalmin inay ka shaqeeyaan goobaha laisku qurxiyo taasoo xadgudub ku ah shuruucda Masar.
Xarumaha caanka ah ee la isku qurxiyo ee, La Perle, ayay BBC-ada ku argaty in ardayda caafimaadka ee ka howlgala halkaas aan la kormeerin xilligga ay fulinayaan qaabka timaha loogu saaro laysarka.
Tiro haween ah ayaa BBC-da la wadaagay sheekooyin ku saabsan gubasho, dhaawac iyo nabar ay la kulmeen ka dib markii lagu daweeyay xarumaha La Perle.
Xarun lagu bixiyo tababarada is qurxinta ayaa waxay weriyeyaal si qarsoodi ah u waday baaritaan lagu guddoonsiiyay shahaado oo uu siiyay dhaqtar si ay u fuliyaan maqaar buuxinta iyo qaabka laysarka uu saarayo timaha.
Dhkhatra waxa uu ku dhiiri galiyay saxafiyiinta aan heysan tababar dhanka caafimaadka ah ai ay u khiyaanaan bukaanada isla markaana loogu maleeyo dhakhaatiir.
Isagoo sheegay in ay aad uga xumaadeen xawliga kobaca ee qaybta, hay'adda ka mas'uulka ah diiwaan-gelinta dhakhaatiirta Masar ayaa BBC-da u sheegay inay u baahan yihiin awood dheeraad ah si ay tallaabo u qaadaan. "Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo yaqaanna dhaqaatiirta ama xarumaha tababaraya kuwa aan dhakhaatiirta ahayn inay nala wadaagaan macluumaadkaas," ayuu yiri Dr Gamal Omera oo ka tirsan Ururka Dhaqaatiirta, "waxaan baari doonnaa dhakhtarka."
Wasaaradda caafimaadka Masar kama aysan jawaabin codsigii BBC ee ahaa in ay faallo ka bixiso.
Rugta caafimaadka La Perle ayaa iyaduna diiday inay ka hadasho arrintani.

Qaadashada tababarka si aad dhakhtar been abuur ah
Waxaa jira boqolaal koorso oo online laga heli karo kuwaas oo sheeganaya inay awoodaan inay dadka tababar siiyaan si ay u furtaan xarumaha is qurxinta, Xarumahaas tababarka bixiya ma ahan kuwa sharciyeysan. Iyaga oo iska dhigaya haween doonaya in ay dhistaan rug is qurxinta qaabilsan, inta badan xarumaha tababarka ee BBC-da la hadashay ayaa diiday in gudaha loo gala sababo la xiriira in aysan haysan shahaadooyin caafimaad oo sax ah.
Laakiin ka dib markii lagu martiqaaday koorsada isqurxinta iyo buuxinta muddo saddex maalmood ah iyo sida la isugu duro dawada Botox iyo laysarka timaha lagu saaro ee Xarunta British Egyptian Centre, saxafiyiinta qarsoon ee BBC-da ee baaritaanka waday ayaa la siiyay shahaadooyin taasoo ka dhigi karta inay iska dhigaan dhakhaatiir u qalma inay la tacaalaan bukaan kasta oo imaada goobta, Sababtoo ah saxafiyiintu ma heysan shahaado caafimaad oo sax ah, shahaadooyinka waa kuwa aan waxbo ka jirin.
Suxufiyiintu waligood dad ma durin ama weligood ma aysan la tacaalin xaaladda qof bukaan ah, xitaa ma aysan isticmaalin mishiinka laysarka hal mar intii uu u socday casharka.
Waxaa dalka Masar sharci darro ka ah dadka caadiga ah ee aan dhakhaatiirta ahayn inay isku duraan dawada Botox iyo kuwa is qurxinta loo adeegsado, Si gaar ah, dadka caadiga ah waxay samayn karaan timaha leysarka la isaga saaro laakiin waa in uu dhakhtar kormeero.

Khubarada daawaday muuqaalada tababarka ayaa noo sheegay inay aad ula yaabeen qaladaad caafimaad oo ay u maleeyeen inay yihiin kuwa halis ah iyo xadgudubyo dhanka anshaxa ah oo uu macalinka oo ah dhaqtarka qalliinka is qurxinta Dr Maxamed Madany uu wax u barayay ardaydii uu tababarka u soo xirayay - sida in uu ku guuldareystay in uu baro halista ka dhalan karta dawada Botox ama waxa uu sameyn karo bukaanka xasaasiyadda qabo haddii dhibaato ay lasoo deristo.
Dhowr jeer Dr Madany iyo maamulaha xarunta tababarka, Ashraf Gad, ayaa kula taliyay ardayda sida loo khiyaano bukaanada si ay ugu maleeyaan inay yihiin dhaqtar iyagoo xiran jaakad cad oo iyagoo isku sheegayo inay yihii "Dhakhaatiirta ku takhasustay adeegyada is qurxinta"
Haweenka lagu casuumay in lagu tijaabiyo bukaanada intii ay socdeen casharada ayaa loo sheegay in saxafiyiinta ay ahaayeen dhakhaatiir, maamulaha xarunta ritish Egyptian Centre, Ashraf Gad, ayaa ka codsaday suxufiyiinta inay raacaan tallaabooyinkaas.
Ashraf Gad waxa uu ku faanay in dumar badan oo uu shahaadooyin ka siiyey guud ahaan dalka Masar, iyaga aan laheyn aqoon caafimaad, Waxa uu tilmaamay in haweenkii uu tababaray ay shahaadooyinkan u adeegsanayeen adeegyada la xiriira is qurxinta iyagoo xarumo ka furtay Masar.

Magaca dhakhtarka oo xarun lagu kireysto
Si aad shati ugu hesho goobaha la isku qurxiyo ee Masar, maareeyuha waa inuu noqdaa dhakhtar shati haysta.
Waa sharci-darro in dhakhtar uu shati siiyo rug caafimaad isaga oo aan meesha u joogin si uu u kormeero ama u shaqeeyo.
Laakin Dr Madany ayaa u soo bandhigay in uu shati siiyo saxafiyiinta BBC-da ee aan heysan aqoon caafimaad, wuxuu ku qaaday lacag dhan oo doolar ($380 USD) bishii.
Saxafiyiinta iska dhigaya kuwa loo fidinayay tababarka ay iska dhigayeen inay dad duri karaan isagoo aan la joogin.
Dr Madany ayaa u sheegay ardayda in "muddo ka dib ay awood u yeelan doonaan in ay isku duraan sida dhaqtarka oo kale" wuxuuna u soo jeediyay inay keligood shaqayn karaan lix bilood.
Dr Madany ayaa sidoo kale baray saxafiyiinta waday barnaamijka dabagalka ah qareen si uu uga caawiyo sidii ay u furan lahaayeen xaruntooda caafimaad.
Qareenkan oo lagu magacaabo Maxamed Abou El Azm, wuxuu si cad uga hadlay musuqmaasuqa dowladda, Laakin waxa uu u soo jeediyay in weriyeyaasha BBC-da ay iska ilaaliyaan qaar ka mid ah kormeerayaasha dowladda ee dusha kala socdo rugaha caafimaadka, wuxuu u sheegay weriyeyaasha in bil kasta $254 doolar waa haddii la dacweeyo.
Sannadihii u dambeeyay waxa la arkayay qaybo badan oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay heysta shti been ah isla markaana ay ka howlgalaan shaqaale aan shaqada u qalmin.
BBC-da ayaa ka codsatay Wasaaradda caafimaadka Masar inay jawaab ka bixiso arrintani balse weli kama aysan hadlin.












