Maxay yihiin farriimaha ay haweenka qaariyaasha Quraanka u dirayaan Muslimiinta?

Gabdha Muslimiin ah oo Qur'aan akhrinaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gabdha Muslimiin ah oo Qur'aan akhrinaya

Qaar ka mid ah haweenka ayaa hadda u soo jeestay baraha bulshada si ay kor ugu qaadaan codka haweenka akhriya qur'aanka kariimka ah, isla markaana midba midka kale ku dhiirri-galiso in ay akhriskooda internetka soo dhigaan. Sanad kasta waxaa la qabtaa tartan qaariyaasha bale inta badan wa tartan u furan ragga oo kali ah.

Mid ka mid ah gabdhahaasi waa Madiina Javed. "Runtii Quraanka, marka uu qof akhriyo, waa mid gaar ah oo qurux badan," ayay tiri Javed.

"Muhiimadda ma ahan qofka quraanka akhriya. Ha ahaado lab ama dheddig." Javed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in haweenku ay is tijaabiyaan oo midba midda kale ay maqasho iyada oo akhrinaysa quraanka.

Sannadkii 2017-kii Javed waxa ay billowday dhaqdhaqaaqa internetka ee ay ugu yeedhay "Qaariyaasha Dumarka ah," iyada oo ujeedadu ahayd in kor loo qaado wacyiga codka dumarka Muslimiinta ah.

Dhanka kale, haweeneey qaari ah oo la yiraahdo Maria Ulfah oo sawir iska soo qaaday iyadoo ku sugan dugsiga Baitul Qurro oo ku yaalla magaalada Jakarta, ee dalka Indonesia, ayaa sheegtay inay ku rajo weyntahay in la helo dumar badan oo qaari ah.

Maria Ulfah, waxay samaysatay magac ka gudbay xudduudaha Indonesia. Waxa ay ku guulaysatay tartarmo badan. Sidoo kale waxay garsoore ka noqotay tartamo Quraan oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalkeeda waxaana lagu casuumay in ay wax ka akhriso meelo badan oo daafaha caalamka ka mid ah. Cajalado badan oo codkeeda ay ku duubtay ayaa gaaray meelo ka baxsan Indonesia. Taageerayaasha qaar ayaa carruurtooda ugu magacdaray iyada.

Dhinaca Codka Al-Zahraa Layek Helmee ayaa buux dhaafiyay hoolka ballaaran ee lagu qabto tartanka Qur'aanka kariimka ah, doorkaas oo ay caan ku yihiin ragga ku nool dalkeeda Masar.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gabadhan 18-jirka ah, oo aad ugu wanaagsan akhrinta quraanka ayaa shirka Qaahira ee Ururka Iskaashiga Islaamka ka ahkrisay quraanka taas oo ay sheegtay in ay u ahayd hormar la taaban karo oo ay gaartay iyada shakhsiyan waxayna rajaynaysaa inay fariinteeda gaarto haweenka iyo gabdhaha Muslimiinta ah ee dunida Muslimka ee ku hanweyn inay heer sare ka gaaraan akhrinta quraanka.

"Waxaan doonayay inaan caddeeyo in haweenku ay door weyn ku leeyihiin marka ay timaado Qur'aan akhriska," ayay tiri.

Mowqifyadu way kala duwan yihiin marka laga hadlayo xagga haweenka ee fagaaraha ay ku akhrinayaan Qur'aanka iyadoo ay maqlayaan codkooda rag ajaanib ka ah.

Boqolaal dumar ah oo sannadkii 2010-kii Muqdisho isugu soo baxay si ay u muujiyaan jacayla ay u qabaan Quraanka Kariimka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqolaal dumar ah oo sannadkii 2010-kii Muqdisho isugu soo baxay si ay u muujiyaan jacayla ay u qabaan Quraanka Kariimka ah

Halka akhristayaasha dhediga ah ee ugu xirfada badan laga yaabo inay gaaraan heerka caanka ah ee wadamada qaar, halka kuwa kale ay ku adagtahay inay codkooda soo bandhigaan.

Olole ayaa ka socday dhanka Internet-ka si loo taageero haween Muslimiinta ah ee qaariyaasha ah, isla markaana loo balaariyo haweenka akhriya quraanka kariimka ah ee daafaha caalamka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay soo bandhigeen akhrintooda, kuwa kalena ku dhiirigelinayaan inay ku daydaan.

Laakiin culimo badan iyo hay'ado diimeed ayaa dood ka keenay in codka haweeneyda lafteedu uu noqon karo "cowro," iyaga oo sheegay inay ku xirantahay qaabka ay u dhigto hadalkeeda.

"Markay dumarku akhrinayaan Qur'aanka, waa jawaab aad u xoog badan oo ku aaddan fikradda ah in codadkoodu yahay cowro," ayuu yiri Ayuubi. "Sababtoo ah waxay akhrinayaan runta ugu sharafta badan Muslimiinta, iyagoo ilaalinaya amarka Ilaahay ee ah inay si sharaf leh u hadlaan."

Barashada akhriska iyo fahamka quraanka waxaa loo arkaa mid muhiim u ah ragga iyo dumarka si isku mid ah.

Dad badan oo Muslimiin ah, codka qaariyeyaasha ayaa ka dhex-maqleysaa goobohooda shaqada, baabuurta iyo talefannada casriga ah ama telefishinnada. Qaariyeyaasha ayaa inta badan waxaa lagu martiqaadaa munaasabadaha diiniga ah ama kuwa bulshada.