Shiinaha: Haweenay xabsi dheer ku muteysatay Quraan ay dad bareysay

Xigashada Sawirka, Reuters
Haweeney ka soo jeedda qowmiyadda Muslimiinta Wiigar oo xilli saqdii dhexe ah afar sannadood ah ka hor lagu xiray gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha ayaa hadda lagu xukumay 14 sano oo xarig ah. Waxaa lagu eedeeyay in ay diinta Islaamka bareysay dhallinyaro xaafadeeda ku nool iyadoo qarineysay nuqullada qur'aanka kariimka ah.
Hasiyet Ehmet, waa 57 jir u dhalatay deegaanka Manas ee ismaamulka Xinjiang ee Changji Hui, waxaana la la'aa tan iyo markii saraakiisha Shiinaha ay afduubteen bishii May 2017-kii.
Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay in haweenaydan lagu xukumay 14 sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyay inay Qu'aanka bareysay 7 qof, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah Qur'aanka u bareeysay.
Booliska ayaa la wareegay nuqulo ka mid ah Qur'aanka ah sida ay sheegeen dadka deggan degmada Manas.
Ciidamo Shiinees ah oo ka tirsan saldhiga 3-aad ee gobolka ayaa la sheegay inay u dhaceen guriga Hasiyet, iyagoo iska dhaga tiray codsigeeda ah in ay dharka iska badasho ama daawadeeda ay soo qaadato ka hor inta aysan kaxeynin.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maxkamada degmada Manas, Hasiyet Ehmet waxaa lagu xukumay 14 sano oo xarig ah.
Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah.
Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani'aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale waxaa jira caddeymo loo helay in dad kumannaan ah ay wali ku jiraan xabsiyada. Howlgallada dadka lagu qabanayo ee gobolka Xinjiang waxay kordheen 2017-kii iyo 2018-kii, sida lagu sheegay maqaal uu qoray wargeyska New York Times. Waxaa lagu kordhiyay ugu yaraan 230,000 oo qof - kuwaasoo qiyaastii 200,000 ka badan tirada la xiray sanadihii ka horreeyay.
Sida lagu xusay xogta xirxiridda dadka dambiileyaasha ah ee dowladda Shiinaha, dadkii lagu xiray gobolka Xinjiang gudihiisa waxay noqdeen 21% sanadkii 2017-kii marka la barbar dhigo guud ahaan dadkii lagu xiray waddanka intiisa kale. Tirada shacabka gobolkaas ku nool waa 1.5% marka loo eego tirada guud ee shacabka.
Dadka lagu hayo xeryaha xabsiga loo ekeysiiyay waxay fursad u heystaan in lasii daayo, laakiin sii deynta gudaha gobolka Xinjiang ma aha mid ka dhigan xornimo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka u dhuun daloola arrimaha ka socda gobolka Xinjiang waxay sheegeen in ilaa 16,000 oo masjid laga dumiyay gobolkaas. Tiradaas waa hal meel oo ka mid ah marka saddex meelood loo dhigo masaajidyada ku yaallay Xinjiang.
Nin magaciisa lagu soo koobay Memet oo ka mid ah dadka u dhashay qowmiyadda Uyghur ee ka qaxay Xinjiang ayaa BBC-da u sheegay in aabihiis la xiray sanadkii 2017-kii kaddib markii uu sannado badan Imaam u ahaa si nabad ah.
Muddo sannado badan ah ayuu sheegay in uu xaaladda qoyskiisa kala socdo xog loo soo gubiyo oo kaliya, maadaama uu aad uga fog yahay.
Dowladda Shiinaha way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in barnaamijka ka socda gobolka Xinjiang ay ujeeddadiisu tahay oo kaliya in dadkaas "dib wax loo baro" iyo in meesha laga saaro fikirka xagjirnimada ah ee ku jira dadka qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay.













