Afrika iyo Shiinaha: Maxay Afrika ugu taageertay Shiinaha "xasuuqa Muslimiinta" lagu hayo?

People protest at a Uighur rally in front of the US Mission to the United Nations - 5 February 2019

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dalalka Afrika kuma jiraan ololaha ay Qaramada Midoobay waddo ee Shiinaha lagula xisaabtamayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Xinjiang, Hong Kong ama Tibet

Waddamada Afrika kuma jiraan kuwa ka qeylinaya sida uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda u badan Muslimiinta ee Uyghur ee ku nool gobolka waqooyiga-galbeed dalkaas ee Xinjiang.

Waxaaba jirtay in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta reer Afrika ay dhawaan ka qeyb galeen shir ka dhacay Beijing oo ay Shiinaha ku bogaadiyeen siyaasaddiisa ku aaddan gobolkaas.

Ugu yaraan hal milyan oo bulshada qowmiyadda Uyghurs ka tirsan ayaa la aaminsan yahay in lagu xiray gobolka Xinjiang, iyagoo lagu hayo xeryo aan sharci ku dhisneyn oo aad loo ballaariyay. Shiinaha ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in dadkaas loo geysto tacaddiyo isugu jira in lagu khasbo shaqo, in loo adeegsado howlo caafimaad oo ay dowladda kula dagaallameyso bakteeriyada, in jir dil loo geysto iyo in la xasuuqo - eedeymayaas oo dhammaantood ay xukuumadda Beijing beenisay.

Dowladda Shiinaha waxay difaacday xeryaha lagu xiray dadka, iyadoo sheegtay in ay yihiin kuwo ku meel gaar ah "oo wax lagu barto" si looga hortago falalka argagixisanimada iyo xagjirnimada dhinaca diinta.

"Ficillada ay qaar ka mid ah awoodaha reer Galbeedka ku buunbuuninayaan waxa loogu xeero arrimaha la xiriira gobolka Xinjiang waa weerarro aan toos ahayn oo loo geysanayo Shiinaha si ay ugu adeegaan danahooda gaarka ah," ayuu yidhi Adama Compaoré oo ah safiirka Burkina Faso u fadhiya Shiinaha, mar uu ka hadlayay shirka bishii March dhacay ee ay danjireyaasha Afrika taageerada ugu muujiyeen Shiinaha.

Kulankaas waxaa sidoo kale ka qeyb galay Suudaan iyo Congo Brazzaville, oo danjiradeeha Daniel Owassa lasoo tabiyay inuu sheegay inuu taageersan yahay waxa ay Shiinaha ku tilmaameen dadaallada isdaba joogga ah ee gobolkaas looga sifeynayo argagixisada. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo horumarka uu gobolka Xinjiang gaaray sannadihii ugu dambeeyay.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in shirkaas uu tusaale u ahaa sida ay Afrika uga aamusto arrimo waaweyn oo ka jira caalamka.

"Waxaa laga yaabaa inuu ahaa mid ka mid ah howlaha caadiga ah ee diblomaasiyadda, laakiin sida ay dowladaha Afrika wali u doonayaan inay ka aamusaan ficillada Beijing ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waa caqabad dhab ah oo heysata caalamka," ayay tidhi Carine Kaneza Nantulya, oo ah agaasimaha HRW ee Africa.

"Afrikaanku waxay mar walba si ay gar u leeyihiin in waddamada kale ay khilaafkooda ku soo lifaaqaan, waxayna raadiyaan in caalamku uu naxariis ugu muujiyo dhibaatooyinka dhinaca xuquuqda aadanaha," ayay sii raacisay.

Isbaddalka jiilka?

Laakiin Ejeviome Otobo, oo xubin aan rasmi ahayn ka ah xarunta maamulka Hay'adda ee Brussels, ayaa sheegay in madaxda Afrika iyo Shiinaha ay isku fahansan yihiin saddex arrimood oo kala ah: Xuquuqda Aadanaha, danaha dhaqaalaha iyo inaan la faragalinin arrimaha gudaha.

Waxaa qaaradda aad ugu soo badanaya fikirrada taageersan Shiinaha ee kasoo hor jeeda dalalka reer Galbeedka marka ay timaado arrimaha xuquuqda aadanaha.

Markii ay socotay codeyntii golaha Xuquuqda Aaadaha ee Qaramada Midoobay oo bishii June 2020 ka dhacday magaalada Geneva oo ku saabsaneyd sharciga lagu murmay ee Hong Kong, kaasoo ciqaabo adag ku soo rogay siyaasiyiinta, 25 waddan oo Afrikaan ah ayaa garab istaagay Shiinaha, tiradaasina waxay ahayd tii ugu badneyd ee hal qaarad kasoo jeedda.

China-Africa summit in Beijing in September 2018

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shiinaha shir ayuu u qabtaa madaxda Afrika saddexdii sano hal mar

Dhowr bilood kaddib, bishii October ma jirin waddan Afrika ka tirsan oo ku biiray ololaha ka dhanka ahaa xad gudubyada Shiinaha ee gobolka Xinjiag, Hong Kong iyo Tibet, kaasoo ay ka mideysnaayeen dalalka reer Galbeedka.

HRW ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ku eedeysay in ay danahooda dhaqaale ee ay ku heystaan Shiinaha ka door bidayaan arrimaha ku saabsan caalamka.

Sidaasoo ay tahayna, Eric Olander oo ka mid ah aasaaseyaasha mashruuca Shiinaha ee Afrika, ayaa sheegay in go;aanka ay madaxda Afrika ku qaateen inaysan kasoo hor jeedsanin Shiinaha "uu yahay mid ka weyn dano arrimo dibadeed oo diiradda la saarayo".

"Waxa aysan dalalkan eedeynta wada fahamsaneyn waa in waddamadan saboolka ah ee qaarkood ay hadda soo korayaan uu Shiinaha ku leeyahay deymo faro badan. Ma joogaan boos ay go'aan uga gaari karaan meesha ay ku qanacsan yihiin, awoodna uma laha in ay Shiinaha ka careysiiyaan," ayuu yidhi isagoo la hadlayay BBC-da.

Qodob kale oo weyn oo saameyn ku leh arrintan waa xiriirka tobannaanka sano soo jiray ee dhidibbada aastay 1970-kii markii ay dalalka Afrika door muhiim ah ka ciyaareen in uu Shiinaha dib ugu biiro Qaramada Midoobay xilli ay dowladda Mareykanka aad uga soo horjeedday tallaabadaas.

"Ilaa xilligaas xiriirka Shiinaha iyo Afrika wuu sii xoogeysanayay oo kaliya," ayuu yidhi Cliff Mboya, oo ah falanqeeye reer Kenya ah oo la hadlay BBC-da.

"Muddo 30 sano ah Shiinaha wuxuu dhaqan ka dhigtay in wasiirkiisa Arrimaha Dibadda uu sanad walba oo cusub marka ugu horreysa booqdo Afrika - taasi ma aha kaliya astaan balse waxay waddada u xaareysaa in ay maalgashi muddo dheer ah ku sameysteen qaaradda ayna soo jiiteen dareenka Afrika."

Traffic in Nairobi

Xigashada Sawirka, BBC/Peter Njoroge

Qoraalka sawirka, Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayuu Shiinaha hadda ka dhisayaa waddo 17 meyl ah oo qaadeysa afar saf oo gawaari ah

Jiilka cusub ee Afrika ama dadka dhalinyarada ah waxaa laga yaabaa in aysan jecleysanin siyaasadda Shiinaha - waxay si aad ah ula dhacsan yihiin aragtiyaha Mareykanka iyo horumarka uu sameynayo, sida lagu ogaaday daraasad dhawaan la sameeyay.

Laakiin jiilka waayeelka ah iyo madaxda dowladaha ayaa qaba fikir ka duwan kaas - go'aankooda ku aaddan sidii ay Shiinaha uga dhigi lahaayeen il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin, gaar ahaan 20-kii sano ee ugu dambeeyay - ayaa qaaradda u horseeday in loo dhiso waddooyin kharash badan ku baxay, buundooyin, jidad tareen, dekedo iyo qalabka internet-ka oo xaqiijiyay in qaaraddu aysan dib uga dhicin dunida tiknoolojiyadda.

Qaar ka mid ah mashaariicdaas waxay qeyb ka yihiin dadaallada uu Shiinaha waddooyinka uga dhisayo 46 waddan oo ka tirsan Afrika, sida uu sheegay Mr Otobo.

Diblomaasiyadda Tallaalka

Tan iyo markii uu billowday cudurka safmarka ah, calanka Shiinaha wuxuu aad uga dhex muuqday garoomada diyaaradaha ee qaaradda waxaana si isdaba joog ah uga soo dagayay caawinaadda isugu jirta qalabka la isaga difaaco cudurka iyo sidoo kale tallaalka oo markii dambe kusoo biiray.

Waxa uu Shiinaha ugu yeero diblomaasiyadda tallaalka ayaa ilaa hadda gaartay 13 waddan oo reer Afrika ah, kuwaasoo qaarkood iibsadeen kuwo kalena gargaar ahaan lagu siiyay.

A man holds a Chinese flag in front of the shipment of Sinovac and Sinopharm vaccines at Harare International Airport, Zimbabwe - March 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Zimbabwe waxay ka mid tahay dalal toban dhaafaya oo isticmaala tallaalka lagu soo sameeyay Shiinaha

Marka la eego dhinaca kale, ma jirto caawinaad toos ah oo ay Afrika ka heshay UK ama Mareykanka, marka laga reebo mashruuca caalamiga ah ee tallaalka oo loo yaqaanno Covax - kaasoo sidoo kale uu taageero Shiinaha. Covax wuxuu ilaa hadda 18 milyan oo tallaal ah siiyay 41 waddan oo ka tirsan Afrika.

Waddamada quwadaha leh ee Caalamka ayaa hadda ku tartamaya in ay dalalka saameyn ku yeeshaan iyagoo ka faa'iideysanaya baahida loo qabo tallaalka Covid-19.

Bishii March, wasiirka arrimaha dibadda ee UK Dominic Raab ayaa ku boorriyay waddamada soo koraya in ay sugaan marxaladda "heerka dahabiga ah" ee tallaalka halkii ay qaadan lahaayeen tallaalka Shiinaha iyo Ruushka.