Waayaha Muslimad dharka xayeysiisa oo aan walaac ka qabin

Ikraam oo xidhan calanka Somaliland oo u dabaal dagaysa maalinta xorriyadda

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Ikraam oo xidhan calanka Somaliland oo u dabaal dagaysa maalinta xorriyadda

"Aniga ujeedadaydu waa asturnaan. Maadaama oo aan Muslimad ahay na asturnaantu wax weyn bay ila tahay waxaanan doonayey uun in aan cid walba u muujiyo in aad adiga oo asturan hadana noqon karto qof dharka xayeysiisa, sababta oo ah xijaabku, ka sokow inuu yahay sharci Islaam, hadana sidiisaba waa qurux." Sidaa waxa tidhi Ikraam.

Ikraam Cabdi Cumar waa gabadhii ugu horraysay ee Ingiriis ah ee iyada oo xidhan xijaab sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee majallada Vogue ee ka waranta quruxda iyo agabka is qurxinta, waxaanay markaa ahayd 21 jir waxaanay sidoo kale noqotay shakhsiyaddii sannadka 2019 ee shirkadda dharka iibisa ee Burberry dhar u xayeysiisa.

Waa Soomaaliyad reer Sweden ah oo haatan 23 jir ah oo ku nool Bristol, waxaanay sheegtay in dhaqankeeda iyo diinteedu ay sabab u ahaayeen in ay ku shaqayso xirfadda dhar xayeysiinta.

"Waxaan jeclahay sida qof kastaa si isaga u gooni ah u cabbiri karo dareenkiisa ee ay ugu suurto geli karto inuu fariin ku gudbiyo lebbiska oo keliya."

Ololihii Burberry ee 2019 ee hooyonimada lagu soo bandhigayey

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Ololihii Burberry ee 2019 ee hooyonimada lagu soo bandhigayey

"Xijaabka qudhiisa ayaaba ah wax aniga aad iigu weyn oo wuxuu astaan u yahay asturaadda iyo quruxda, wuxuu muujiyaa kalsoonida waxaanu i xasuusiyaa in aan leeyahay ikhtiyaar aan ku dooran karo sida aan doono ee aan u labisan karo. Dhanka diinta marka laga eegana, waxaan dareemaa in aan Alle u dhowahay oo aan aad ugu xidhanahay Islaamka marka aan xijaabanahay, arintaasina sannadahan oo dhan way i sii biyo dhigaysay" ayay tidhi.

Markay u sheegtay eheladeeda sannadkii 2018 in ay joojinayso waxbrashadeedii jaamacadeed ee ay shahaado ku qaadan lahayd cilmiga samaynta dawooyinka oo ay u baydhasyo xirfadda dhar xayeysiinta waxa kaga soo noqday dareeno kala duwan.

Waxay tidhi "waxaan dareemayaa in marka ayeeyooyinka iyo awooweyaashu ay maqlaan erayga dhar xayeysiisn, in markaaba ay maankooda ku soo dhacayso xirfad aan asturnaan lahayn oo ay walaacaan. Laakiin marka loo faahfaahiyo in ay jirto xirfad dhar xayeysiin ah oo qofku asturan yahay way fahmaan, haatan way ka warqabaan in ay jirto oo waxay arkeen sawirro walaacii ka biiyey."

Ikraam Cabdi Cumar

Xigashada Sawirka, Txema Yeste

Qoraalka sawirka, Ikraam Cabdi Cumar

Aabaheed Cabdi Cumar wuu doonayey in ay dhamaysato kooraskii ay baranaysay ee ay ka dhiganaysa jaamacadda West of England, hase yeeshee dookheeda wuu ku taageeray.

"Waxaan qabaa hadii aanay ka tanaasulayn diinteeda ay rumaysan tahay in aanay arintaa [dhar xayeysiintu] wax dhib ah lahayn."

"Waxa jiray dad badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah oo xirfadda ay dooratay Ikraam su'aalo ka keenay, laakiin waanu u sharaxnay. Marka aan dib u eego sooyaalka hidahayaga, jiilalka waaweyni ma aqbali karaan wax kasta oo la xidhiidha xirfadda dhar xayeysiinta ama in ay haweenku caan baxaan laakiin waxa muhiim ah in wax la laga dhaadhiciyo oo loo iftiimiyo in hadii aanad ka tagayn dhaqankaaga iyo waxa aad aaminsantahay ay bulshada reer Galbeedku kugu ixtiraamayaan" ayuu intaa ku daray.

Ikraam oo gu' jir ah oo Sweden joogta- hooyadeed waxay sheegtay in ay dookh fiican lahayd oo dharka iyadu dooran jirtay yaraanteediiba

Xigashada Sawirka, Ikram Abdi Omar

Qoraalka sawirka, Ikraam oo gu' jir ah oo Sweden joogta- hooyadeed waxay sheegtay in ay dookh fiican lahayd oo dharka iyadu dooran jirtay yaraanteediiba

Maadaama oo ay ka mid tahay hablahii ugu horreeyey ee iyaga oo xijaaban dharka xayeysiiya, Ikraam waxay illin u furaysaa dumarka Muslimiinta ah ee ku biiri kara xirafadda dhar xayeysiinta.

Waxay dhar u xayeysiisay shirkadaha ay ka midka yihiin Roland Mouret, Tommy Hilfiger, Molly Goddard, Iceberg, Richard Quinn, Juicy Courture iyo kuwo kale oo badan. Bishii Noofember 2019 waxay ka qayb gashay olole shirkadda Burberry ay wadday oo lagu qaadayey sawirro muujinaya hooyonimada.

Ikraam Cabdi Cumar

Xigashada Sawirka, MCM London

Qoraalka sawirka, Ikraam Cabdi Cumar

"Maamuus bay ii ahayd in ay ii suurto gasho in aan soo bandhigo sawirro aan ku tilmaamayo hooyonimo oo dhiirri gelin iyo hogaamin ba u ah ubadka."

"Hooyaday ayaa i waanisa oo la sheekaysigeeduna wuxuu ii sahlaa in aan ku faro adaygo iimaankayga" ayay tidhi.

Ikraam waxay ku dhalatay Sweden laakiin waxay Bristol u guureen 2004

Xigashada Sawirka, Ikram Abdi Omar

Qoraalka sawirka, Ikraam waxay ku dhalatay Sweden laakiin waxay Bristol u guureen 2004

Hooyadeed waa Khadra Cige oo 50 jir ah waxaanay tidhi "markay koraysay Ikraam qof hibo leh ayay ahayd oo waxay jeclayd in ay heesto oo ciyaarto. Kolkaanu Sweden deganayn ee ay ku jirtay dugsiga xaddaanada ayaa macalimeenteedu mar i weydiiyeen in aan ogolahay in ay filim metesho iyo in kale, waan diiday oo maan doonayn in ay dhex gasho jilidda filimada oo ay dhaqankeeda iyo diinteeda ka xuub siibato."

Gabadha Soomaaliyadda ah ee dharka xayeysiisa ee Iimaan iyo Naomi Campbell ayaa Ikraam u ahaa horseed ay ku dayato.

Ikraam waxay ku dhalatay magaalada Stockholm waxaanay Bristol u guureen 2004.

Ikram oo sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee Vogue Arabia

Xigashada Sawirka, Ikram Abdi Omar

Qoraalka sawirka, Ikram oo sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee Vogue Arabia

Xirfadeeda dhar xayeysiintu waxay bilaabantay xagaagii 2018 markaas oo soo saare ka tirsan Premier Models ku arkay suuqa laga tukaamaysto ee Cabot Circus ee Bristol ku yaal. Shirkaddaasi waxay sidoo kale wakiil u tahay Naomi Campbell.

Waxay Ikraam sheegtay in aanay ilaa haatan wax caqabada ah kala kulmin xirfaddan ay ku jirto oo la xidhiidha dhaqankeeda iyo diinteeda toona.

Ikram Abdi Omar

Xigashada Sawirka, paolakudacki

Qoraalka sawirka, Ikram Abdi Omar

Heshiisyada ay shirkadaha la saxeexanayso waxay Ikraam ku dartaa qodobo iyada u gaar ah oo u suurto geliya in aan la faro gelin diinteeda iyo iimaankeeda.

Ikraam aabaheed wuxu ku dhashay Djibouti, waxaanu dalka Ingiriiska tagay 2004 in kasta oo uu muddo ku noolaa Sweden.

Wuu ku hanweyn yahay "xidhiidhka adag" ee isaga iyo inantiisa ka dhaxeeya.

Ikraam oo joogta xaflad aroos, weligeedba way jeclayd midabada bilicda leh ee dharka Soomaalida

Xigashada Sawirka, Ikram Abdi Omar

Qoraalka sawirka, Ikraam oo joogta xaflad aroos, weligeedba way jeclayd midabada bilicda leh ee dharka Soomaalida

"Weligeed way jeclayd fanka, nashqadaha xinnaha loo marsado ayay xariifad ku ahayd iyadoo shan jir ah, waxay jeclayd lebiska iyo xarragada iyo sawir qaadista" ayuu yidhi.

Sidaas oo ay tahayna wuu ku taageersan yahay xirfadda shaqo ee ay dooratay.

Ikraam oo sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee Hello Magazine, Jeeniweri 2020

Xigashada Sawirka, Kate Davis Macleod

Qoraalka sawirka, Ikraam oo sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee Hello Magazine, Jeeniweri 2020

"Kolka labada waalid ba tacliin leeyihiin badanaa way maskax furan yihiin oo waxay ubadkooda uga waramayaan waayihii nololeed ee ay soo mareen. In aad Muslim tahay waxay leedahay macno qoto dheer in kasta oo dhar xayeysiintu aanay ahayn wax dhaqankayaga ku jiray hadna mar haddaan ahay aabaheed wax shaki ah kama qabo iyada waayo waxa jira xad aan laga tallaabi karin" ayuu yidhi.

Weligeed way jeclayd fanka, lebiska, xarragada iyo sawir qaadista ayuu yidhi aabaheed.

Xigashada Sawirka, Ikram Abdi Omar

Qoraalka sawirka, Weligeed way jeclayd fanka, lebiska, xarragada iyo sawir qaadista ayuu yidhi aabaheed.

"Waxaan baray in ay nafteeda jeclaato sababta oo ah hadii qofku naftiisa jeclaado wuu is ilaaliyaa oo qudhiisa tixgelin siiyaa inta aanu qof kaleba ka filan. Waana seeskaa ka aan nolosheeda ilaa caruurnimadii ku dhisnay."

"Waxaad ilmahaaga uga sheekaysaa oo aad la wadaagi kartaa waayihii nololeed ee aad soo martay si aad u fahamsiiso cawaaqibka ka dhalanaya iyo sababta aad ugu diidantahay waxyaabaha aanad ogolayn in ay sameeyaan. Is fahamku labada dhinac ba muhiimad weyn buu u leeyahay" ayuu ku soo gabogabeeyey.