Uighur ka Shiinaha: Nin dharka xayeysiin juiray muuqaal uu soo diray ayaa wax yar ka muujinaya gudaha xabsiga

Merdan Ghappar waxa laga qaadi jiray sawiro badan. Maadaama oo uu ahaa qof dharka xayeysiisa oo u shaqeeya shirkadda Shiinaha ah ee internet-ka dharka ku iibisa ee Taobao, ninkan 31 jirka ahi wuxu heli jiray mushahar fiican oo uu lebis qurux badan iyo jidhka dhismisiiba ku bixin jiray.
Laakiin muuqaalka uu haatan iska soo duubay Ghappar wuu ka duwan yahay kuwii uu duubi jiray. Haatan wuxuu dhex fadhiyaa makhsin gidaaradiisu wasakh yihiin daaqadihiisuna shabag biro ah yihiin.
Isaga oo gacantiisa midig ku haya kamarada ayuu muujinayaa dharka wasakhda ah ee uu xidhan yahay iyo kuraamaha bararsan iyo sidoo kale kantiinad gacanta bidix kaga xidhan oo dhanka kalena ku xidhan sariirtiisa birta ah oo ah waxa keliya ee makhsinka dhex yaal.

muuqaalka uu Ghappar iska soo duubay oo ay la socdaan fariimo dhawr ah oo qoraal ah ayaa BBC-da la soo gaadhsiiyey, waxaanay muujinyaan muuqaal dhif ah oo aad u argagax badan oo laga helay xarunta qarsoodiga ah ee aadka loo ilaaliyo ee Shiinuhu ku hayo dadka Uighur ka ah.
Muuqaalkani wuxuu sii kordhinayaa caddaymaha loo hayo saamaynta dagaalka Shiinuhu ku hayo waxa uu ku tilmaamay "saddexda quwadood ee sharka" oo kala ah gooni u goosad, argagixisonimo iyo xagjirnimo ka jirta gobolka galbeedka fog ee dalka ku yaal ee Xinjiang.
Dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa xogo lagu kalsoonaan karaa waxay ku qiyaaseen hal milyan oo qof dadka Uighur ka ah ee laga tirada badan yahay ee lagu hayo xeryo dhawra oo aad loo ilaaliyo oo ku yaal Xinjiang kuwaas oo Shiinuhu ku adkaysanayo in ay yihiin xarumo dhaqan celis ah oo aan dadka lagu qasbin.
Kumanaan caruur ah ayaa waalidkood laga qaaday, cilmi baadhis dhawaan la sameeyey na waxay muujinaysaa in haweenka qasab dhasha lagaga joojiyo.
Ka sokow eedaha cadcad ee jidh dilka ah ee Ghappar sheegayo waxa kale oo muuqaalku cadayn u noqon karaa in aanay waxba ka jirin hadalka Shiinaha ee ah in goobahaa dhaqan celinta badankoodii la xidhay iyo in weli dadka Uighurs tiro badan oo ka mid ah weli xidhan yihiin iyaga oo aan maxkamado la soo taagin.

BBC-du waxay codsi faahfaahsan u dirtay wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha iyo xukuumadaba si ay uga jawaabaan muuqaalkan soo gaadhay, laakiin midkoodna kama soo jawaabin.
Ghappar qoyskiisa oo aan wax war ah ka helin mudo shan bilood ah, ayaa aaminsan in muuqaalkaa afarta daqiiqo iyo sideed iyo sodonka il-bidhsi ah ee uu iskaga soo duubay xabsigu inuu culays iyo ciqaab badan ku mudan doono.
Waxay se sheegeen in uu yahay muuqaalkaasi rajadii ugu dambaysay ee ay qabaan in dhibta isaga haysata iyo guud ahaan ba shacabka Uighur dunida u soo badhigi doonta.
Adeerkii Abdulhakim Ghappar oo imika ku nool dalka Netherlands ayaa rumaysan in muuqaalkaasi kicin karo dareen dadweyne sida muuqaalkii laga duubay dhimashadii George Flyod kii gacanta booliska ku baxay uu u noqday astaanta halganka midab takoorka lagaga soo horjeedo ee Maraykanka.
"Labadoodaba waxa dhibta loogu geystay waa isirkooda" ayuu yidhi.
"laakiin Maraykanka dadku in ay ra'yigooda cabiraan ayay awoodaan, xagayaga se ma jirto".

Bishii Ogost ee 2018 ayaa Ghappar la xidhay waxaana lagu xukumay 16 bilood oo xabsi ah waxaana lagu helay inuu xashiishad iibinayey, eedaas oo saaxiibadii ku sheegeen in ay tahay been.

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii la sii daayey bishii Noofember 2019 ayaa farxadiisii aanay sii waarin. Bil iyo dheeraad ka dib ayaa hadana boolisku qabteen oo waxay u sheegeen in lagu celinayo Xinjiang si loo soo dhamaystiro diiwaan gelintiisa.
Mar maxaabiista loo qaadayey goob kale oo aanay garanayn, ayaa Ghappar oo uu hargab hayey lagu reebay goobta muuqaalka laga soo diray oo ah meel uu ku sheegay in ay tahay goob uu ku tilmaamay "xarunta xakamaynta safmarka". Markaas ayaa sariirtiisa lagu xidhay.
"Jidhkayga oo dhan injir baa qarisay. Maalin kasta waan iska dul guraa oo waan is xoqaa" ayuu yidhi.
Tan iyo markii la xidhay wax war ah lagama helin Ghappar. maamulku wax war ah halka lagu hayo iyo waxa lagu eedeeyey toona.
Suurto gal maaha in si madax banaan loo xaqiijiyo fariimaha qoraalka ah ee uu soo diray, laakiin khubaradu waxay leeyihiin muuqaalku waxa uu u eegyahay mid run ah, gaar ahaan weliba marka la eego hadalka borobagaandada ah ee laga dhex maqlayo.
Arin kale oo ka dhigi karta wax la rumaysan karaa waxa weeyi sawirka dukumenti ay xogaha la helay tibaaxayaan in Ghappar soo sawiray mar uu ha helay suuliyada xarunta xakamaynta safmarka.
Dukumentigaasi wuxuu ka hadlayaa khudbad uu jeediyey xog-hayaga guud ee xisbiga hantiwadaaga ee degmada Aksu, taariikhda ku qoranina waxay muujinaysaa in ay ahayd khubad si rasmi ah loogu qaybiyey xafiisyada dawlada ee magaalada Kucha qiyaastii wakhtigii uu xero halkaa ku taal ku jiray Ghappar.

Xigashada Sawirka, EPA
Su'aalaha ay BBC-du u dirtay saraakiisha Shiinaha waxa ka mid ahaa in ay cadeeyaan in Merdan Ghappar ama adeerkii ay dembiyo ka galeen dalka Shiinaha iyo in kale.
Waxa kale oo ku jiray waa maxay sababta Ghappar sariirta loogu silsiladeeyey, iyo sidoo kale in saraakiishu ka jawaabaan eedaha uu sheegay ee ah in la jidh dilay.
Su'aalahaa midkoodna lagama jawaabin.
Meeshii la doonaba ha lagu hayo Merdan Ghappar haatan e, midh baa iska cad. Kaas oo ah in xadhigiisu caddayn u yahay in xataa shakhsiyaadka tacliiinta leh ee marka la eego intooda kale ka tilmaaman bulshada Uighur ku ay dawladdu isha ku hayso oo ay xidhxidhayso.
Xukuumadda Shiinuhu way beenisaa in ay bulshada Uighur ka cadaadiso, dhaleecayn badan oo dhawaan Maraykanku u soo jeediyey ka dib, ayaa af-hayeenka wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha, Hua Chunying, wuxuu isaguna carrabka ku dhuftay geeridii George Flyod oo waxa uu yidhi marka la barbardhigo dadka madow ee ku nool Maraykanka bulshada Uighur ee Xijjiang ku dhaqan ayaa ka xorriyad badan.
Laakiin qoyska Merdan Ghappar muuqaaladaa uu soo diray ee ah isaga oo lagu hayo goob aan la garanayn oo sariirtiisa ku silsiladaysani ayaa u muujinayaan in labadu yihiin wax aan la isbarbar dhigi karin.
"Markaan daawaday muuqaalkii George Flyod laga duubay, wuxuu i xusuusiyaa muuqaalka inanka aan adeerka u ahayd soo diray" ayuu yidhi Ghappar adeerkii Abdulhakim.
"Imika dadka Uighur oo dhami waa wada George Flyod oo kale, ma neefsan karno".










