Kismaayo: Saddex ujeeddo oo dumarka qaar u xirtaan niqaabka ay mamnuuceen maamulku

Kismaayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu ka mamnuucay deegaanada uu ka arrimiyo xirashada niqaabka, iyaga oo ku macneeyay sababo amni in ay joojiyeen.

Dumarka Soomaalida ayaa xirta indhashareerka ama Niqaabka laakiin ma jirto wax ay isku raacsan yihiin oo xirashadiisa ah.

Mid ka mid ah gabdhaha xirta ee magaalada Kismaayo oo muddo saddex sano ka badan xiranaysay indhashareerka ayaa BBC-da u sheegtay inay iyadu u xiro dhowrkan sababood.

“Waa isku asturnaa, marka labaadna inaan boorka iyo wasakhda magaalada wajigeena kaga qarsado qoroxdana isaga ilaaliyo”ayey tiri.

Ciidamadda ammaanka ee Kismaayo ayaa gubay tiro badan oo Indha shareero ah oo ay gacanta ku dhigeen sida uu sheegay booliiska magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Magaalada Kismaayo ayaa indhashareerkaka ka qaadaya haweenka iyagoo ku joojinaya wadooyinka, ku qasbaya in ay iska bixiyaan sida laga arkay muuqaallo laga duubay iyaga oo howlgallo ku jira.

Laakiin gabadhan waxay sheegtay in kaliya ay arkeen ciidamada ammaanka oo amraya in la saaro indha shareerka balse aysan jirin digniin ka sii horreysay oo la bixiyey.

“Annagoo magaalada iska joogna waxaan aragnay askar wargalinaysa in indhashareeda la faydo iyadoo layska aruurinayo ana laysugu aabe yeelaynin qofkii diidana uu sharciga maraayo” ayey intaas raacisay.

Waxay sheegtay in iyadu u hoggaansantay awaamiirta dowladda oo aysan hadda isticmaalin indha shareer.

Sababta maamulku ku sifeeyey mamnuucida niqaabka

Kismaayo

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa tallaabadan ay magaalada ugu mamnuuceen niqaabka ku sheeegay inay tahay ‘mid ammaan’ balse tafaasiil intaas dheer ma sheegin.

Ka sokow inay maamulku ku sheegeen in ammaanku lidi ku yahay niqaabku hadda ma sheegin sida iyo habka uu waxyeellayn karo ammaanka.

Gaashaanle sare Warsame Axmed Geelle, oo ah taliyaha saldhiga booliska Kismaayo ayaa Tvga maamulka u sheegay inay horrey u mamnuuceen indha-shareerka

“Ciidanka booliska dowlad goboleedka Jubaland, gaar ahaan kuwa Kismaayo waxay ka howllgayeen howshaan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaan soo qabay indha shareer dhowr boqol gaaraya oo haweenka Kismaayo magaalada ku dhex siteen” ayuu yiri Warsame.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray in ay kooxaha ay dagaalka kula jiraan ay u isticmaalan inay isugu ekeysiiyaan haweenka

Gabadhan la hadashay BBC-da ayaa sheegay in u hoggaasanka awaamiirta ay tahay inay horrey u maqashay in dad xiran niqab ay Khalkhal galiyeen ammaanka.

“Falalka na cabsi galiyey oo inaan indha shareerka dhigno nagu kalifay ayey ka mida ahayd falalka aan maqalnay ee ah in qofka amniga khalkhalgaliya samayey fal aminiga lid ku ah isagoo adeegsanaya indha shareer” ayey intaas raacisay

Amaamiirta booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ganaac iyo xasbiyo ka dhalan karaan cidii an u hoggaansamin.

Dawladdu waxay markii hore soo saartay mamnuucidda niqaabka sannadkii 2013-kii, iyadoo ku sababaysay khataro xagga ammaanka ah, balse si dhammaystiran ugama dhaqan galin deegaanka.

Iyadoo howlgallada wali socdaan lagula dagaalamayo Niqaabka magaalada Kismaayo hadda haween ayaa qaba casho arrintaas la xiririta

Gabadh la hadahay BBC-da oo anan magaceeda baahinayn ayaa xustay inay dowladda ka codsanayso in iyadoo ammaanka tixgalin u haysana haddana gabadhaha loo daayo indha-shareerka

Dalalka dunida ee indha shareerka laga mamnuucay

adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan toban waddan oo adduunka ah ayaa mamnuucay niqaabka, kuwaas oo siyaabo kala duwan u macneeyey mamnuucitaankooda.

Dalalka Austria, Denmark, France, Bulgaria, Netherlands, iyo Belgium ayaa ka mid ah dalalka ku yaalla qaarada Yurub ee mamnuucay Niqaabka.

Waxaa sidoo kale jira dalal Islaama oo iskoolada iyo goobaha dadweynaha an loo ogolayn in loo isticmaamo nidaabka ama indha shareerka