"Nafteyda ayaan u cabsaday" Feeryahannad degdeg uga baxday tartanka kadib markii feerkii ugu horreeyay uu ku dhacay

Feerka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gabadhan u dhalatay dalka Talyaaniga ee Angela Carini ayaa isaga hartay tartanka feerka oo ay isla feertamayeen Imane Khelif oo u dhalatay Aljeeriya kadib muddo 46 ilbiriqsi oo uu tartanku socday, iyadoo tiri: "Waxaan ku qasbanaa inaan nolosheyda ilaashado."

Khelif waxay ka mid tahay labo orod-yahan oo loo oggolaaday inay ka qeyb galaan tartanka feerka haweenka ee ka dhacaya Paris, inkastoo sanadkii hore looga reebay inaysan kasoo bixin shuruudaha.

Guddiga Olimbikada Caalamiga ah (IOC) - oo aan soo abaabulin tartamada caalamiga ah balse maamulaya tartanka feerka Paris 2024 - ayaa sheegay in Khelif laga saaray tartan ka dhacayay Hindiya sababo la xiriira inuu ku badnaa hoormoonka testosterone.

Inkastoo wareeggii koowaad ee olimbikada looga baxay, gabadhan 25-jirka ah - oo sidoo kale ka tartantay Tokyo Games - ayaa shalay gashay Arena Paris Nord oo halka ay cayaaruhu ka dhacayeen ah iyadoo dad badan oo Aljeeriyaan goobta joogay ay u sacabbo-tumeen.

Maxaa dhacay 46 ilbiriqsi gudahood?

Kadib markii feer uu uga dhacay wejiga 30 seken gudahood, Carini ayaa u dhaqaaqday dhanka uu joogay tababaraheeda si uu ugu hagaajiyo koofiyadda madaxa. Kadib markii ay soo laabatay wax yar kadib uun, waxay u laabatay tababaraheeda mar kale wayna ka hartay tartanka.

Wax yar kahor inta gacanta Khelif uusan kor u qaadin garsooraha, Carini ayaa laga maqlayay kaamirada iyadoo leh: "Sax maaha."

Illin ayaa ka socotay waxayna u dhaqaaqday dhankii warbaahinta.

"Ma aanan awoodin inaan tartanka dhammeysto. Waxaan dareemay xanuun daran oo sankeyga ah waxaana is iri khibradda aad heysato iyo caqliga dumarnimo ee aan heysto, waxaan iri waxaan rajeynayaa dalkeyga inuusan si xun u qaadan - balse waan istaagay, waxaan nafteyda ku iri jooji," ayay Carini u sheegtay BBC Sport.

"Wuxuu noqon lahaa tartankii riyada, balse waxaan xilligaas sidoo kale ku qasbanaa inaan nafteyda ilaashado.

"Ma aanan baqeyn, kama baqeyn faraantiga. Kama baqeyn inuu feerka igu dhaco. Balse markan wax walba dhammaad ayay leeyihiin, tartankan ayaana soo dhammeeyay, sababtoo ah ma aanan awoodin inaan [sii wado]."

Feerka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Carini ayaa u dhaqaaqday dhanka tababaraheeda, wax yar kadib markii tartanku billowday

Raysal wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa warbaahinta Talyaaniga ku tiri: "Waxay micno yeelaneysaa in meel si siman loogu tartamo, fekerkaygana, xitaa ma uusan ahayn tartan."

Mar ay ka hadleysay Khelif, Carini ayaa weriyeyaasha u sheegtay: "Waxaan u rajeynayaa inay sii waddo ilaa dhammaadka iyo inay faraxsanaato.

"Waxaan ahay qof aan dadka xukmin intan ka badan. Halkan uma joogo inaan sameeyo."

Khelif, oo sagaal jeer looga guuleystay xirfaddeedii oo ay 50 jeer dagaal gashay, ayaa BBC Sport u sheegtay: "Waxaan halkan u joogaa dahabka - cid walbaan la dagaallamaa."

Feerka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Angela Carini (buluug) Imane Khelif (guduud)

Tartanka ayaa dhacay maalin kadib markii Guddiga Olimbikada Aljeeriya uu cambaareeyay weerarro "aan sal lahayn" oo lagu qaaday Khelif.

Lin Yu-ting, oo Talyaaniga u dhalatay lagana qaaday maar ay ku guuleysatay sanadkii hore kadib markii ay ku guul-darreysatay baaritaanka ka qeybgalka, ayaa sidoo kale maanta ka qeybgaleysa tartankaas.

OIC ayaa sheegay in dhammaanba feeryahannada Paris "ay tahay inay raacaan u qalmidda tartanka iyo shuruucda gelidda".

Afhayeenka IOC Mark Adams ayaa yiri: "Feer-yahannadan ayaa dhowr jeer tartamay sanado badan kahor, si kedis ah uma imaan - waxay ka tartameen Tokyo."

'Waxaan qaadnay tallaabo ku habboon' - madaxa IBA

Feerka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Afhayeenka IOC Mark Adams (bidix) ayaa yiri: "Feer-yahannadan ayaa dhowr jeer tartamay sanado badan kahor, si kedis ah uma imaan - waxay ka tartameen Tokyo."

Tartankii Adduunka 2023, kaasoo Khelif iyo Lin laga saaray, ayaa waxaa qaban qaabiyay Ururka Feerka ee Caalamiga ah (IBA).

Balse bishii hore ee June, IOC ayaa guddigan Ruushka ka dhisan ka qaaday doorkiisa maamulidda cayaaraha adduunka.

Arbacadii, IBA ayaa sheegay in labadan hablood looga saaray tartankaas si loo ilaaiyo sumcadda iyo caddaaladda tartanka.

BBC awood uma yeelan ogaanshiyaha waxay ay yihiin oo ka kooban yihiin baaritaannada u qalmidda tartanka.

Labadooda ayaa baaritaan ku maray tartamadii adduunka ee Istanbul 2022, mar kalena 2023.

IBA ayaa sheegtay in halka Lin aysan racfaan ka qaadan ka saaridda tartanka, Khelif ayaa qaadatay balse mar dambe ayay ka baxday.