Duqa magaalada Paris oo “wax lagu qoslo ku sheegtay” dumar ay shaqaalaysiisay oo lagu ganaaxay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maayarka magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ganaax lagu riday kaddib marki loo sheegay iney jabisay sharciga u yiillaay labada jinsi iney fursadaha shaqo u sinnaadaan.
Anne ayaa boosaska ugu sarreeya xafiiskeeda u magacaawday dumar taasooy ku muteysatay ganaaxa lagu riday.
Ms Anne Hidalgo oo lagu eedeeyey iney tahay haweeney ku talax tagtay u ololeynta xuquuqda haweenka.
Sanadki 2018-kii oo kali ah boosaska xafiiskeeda ugu sarreeya waxay u dallacsiisay 11 haween ah iyo 5 rag ah, iyada oo sharciga 2013-kii la dajiyey uu ujeedkiisu ahaa in shaqa la'aanta lagu yareeyo laguna meel mariyo sinnaanta jinsiga.
Wasaaradda adeegga bulshada ayaa xafiiska Maayarka ku ganaaxday $109,000 oo doolar.
"Waan ku faraxsanahay inaan halkan ka caddeeyo in lacag nalagu ganaaxay," ayey tiri Ms Hidalgo.
Sharciga cusub ee 2013 soo baxay ujeeddadiisu waxay ahayd in lagu xakameeyo xilalka jinsiga ee maamulka howlaha guud loo magacaabayo 60% inaan la dhaafin balse Ms Hidalgo xilalka haweenka ay u dhiibtay waxay ka dhigtay 69%.
Golaha maamulka magaalada oo ay Maayarka oo xisbiga hanti wadaagga ka soo jeedda: "Maamulka magaalada ayaa si lama filaan ah haween u wada noqday." ayey tiri.
Waxay sida oo kale ay muujisay kor u qaadista tirada haweenka ee xilalka sare ee Faransiiska iyo baahiyaha loo qabo in la dardargeliyo horumarinta dhinaca sinnaanta jinsiga iyada oo ay dhcaday in xilal sare loo magacaabo dumar ragga ka badan.
"Ganaaxa waa mid aan macquul ahayn, caddaalad darra ah, mas'uuliyad darra ah khatartiisana leh" ayey tiri.
Wasiirka Adeegga Bulshada Faransiiska Amélie de Montchalin oo Twitterka ugu jawaabay wuxuu sheegay wixi ka dambeeyey 2018-ka in sharciga la beddelay.
Ganaax kan la mid ah oo 2019-kii dhacay oo la xiriiray haween tiro badan, ama rag tira badan oo boosas loo magacaabay, hadii ay saameyn u geysanin sinnaanta Jinsiga.
Waxayna casuuntay Ms Hidalgo si ay ugala hadasho sidi arrimaha haweenka looga horumarin lahaa howlaha guud iyada oo sheegtay inuu ganaaxa uu sii socon doono "maadaamaa uu yahay mid muhiim ah".











