Haween qiyaano dhanka midabka ah ka sameeyo baraha bulshada

Xigashada Sawirka, Aga Brzostowska/Jaiden Gumbayana
"Wax qaliin ah laiguma sheegin, marka bishimahaan iskama bixinaayo.
Gabadhan oo magaceedu yahay Aga Brzostowska, ayaa waxa loogu magac daray "Blackfish" oo loola jeedo qof dadka ku ilduufaya midabkeeda.
Waa magac loo isticmaalo dadka iska dhigo inay yihiin kuwa madow ama ka soo jeeda qoysaska madowga iyo caddaanka is guursaday ee isticmaala baraha bulshada.
Gabadhan waa 20 sano jir, waxayna wax ka barataa Jaamacadda Birmingham, Raadiyaha 1 Newsbeat ayey u sheegtay in midabkeeda uusan ahayn caddaan, balse ay qirsantahay in iyada ay dooratay inay midabkeeda madoow ka sii dhigto.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan, 1
Alicja waxa ay ka mid tahay gabdhaha wax ku xayeysiiya baraha bulshada ee lagu eedeeyey inay midamkooda baddelaan si ay isugu ekeesiyaan dadka madoowga ah.
Emma Hallberg, waxa ay u dhalatay dalka Sweden, waxaa ku taxan taageerayaal gaaraya 260,000 barteeda Instagram-ka.
Kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyey laba ka mid ah sawiradeeda ayey bilawday inay isdifaacdo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Alicja waxa ay sheegtay in labo ka mid ah sawirradeeda aad loogu baahiyey barta Twitter-ka- mid ka mid ah sawirrada waxaa laga qaaday iyadoo 13 sano jir ah kan labaadna waxaa la qaaday dhowaan.
"Weli ma'aanan fahmin sababta loo sameeyey fariintan. Loona isticmaalay sawirradayda, maxaa yeelay wax macna ah masamaynayso in la qaado sababtoo ah wax kala duwanaansho ah oo ka muuqda ma jiraan.

Xigashada Sawirka, Aga Brzostowska
Muxuu yahay micnaha?
Gabdhahan midamka been abuurka ah sheeganaya ayaa si weyn loo hadal hayey gaar ahaan dhanka baraha bulshada.
Dadka qaar ayaa isweydiinayey waxa ay micno u leedahay ama ay muhiin u tahay.
Dara Thurmond, oo ah kalkaaliso ku nool New York ayaa marar badan ka hadashay arrinkan waxa ayna tiri "arrintaan aad ayey iiga yaabisay"

Xigashada Sawirka, Dara Thurmond
Waxa ay sheegtay in dumarka lagu eedeeyey arrinkan ay caddaalad darro ku tahay haweenka madoow, kuwaas oo isku dayaya inay fursado ka helaan ganacsatada alaabaha soo saaro oo doonaya inay helaan dumar madow ah oo u xayeysiiyo dharka.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan, 2


Xigashada Sawirka, Getty Images
Kim Kardashian, waa jilaa ka soo jeedo qoys barnaamij caan ah ku leh idaacadaha la'iska arko, waxaa horay loogu eedeeyey inay samaysay qalliin dhanka midamka lagu badelaayo.
Dara waxa ay sheegtay inay si aad ah oola yaabtay markii ugu horreeyey ee ay maqashay sheekadan been abuurka ah.
"Waxaan joognaa xilli ay dumarka madoowga ah ay xaqiiqdii muujinayaan ku qanacsanaan dhanka midabkooda madoowga ah.
" Waa ay wanaagsantahay in dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale la xushmeeyo, siiba kuwa aad isku meel ku soo kortaan," ayey tiri.
Jaiden waxa ay sheegtay in dumarkan midamkooda ka dhigayo midawga ayna ka soo horjeedo.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan, 3










