Dr Abiy oo kala bar wasaaradaha u magacaabay dumar

Aisha Mohammed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee loo doorto wasaaradda gashaandhiga.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Aisha Mohammed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee loo doorto wasaaradda gashaandhiga.

Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kala bar xubnihiisa golaha wasiirrada u magacaabay haweenka, oo ay ka mid tahay wasaaradda gashaandhiga ee dalka Itoobiya.

Mr Abiy oo go'aankiisa uga hadlay kal fadhiga baarlamaanka ayaa sheegay in dumarka ay yihiin" kuwa ku yar dhanka musuqmaasuqa marka la barbar dhigo ragga" ayna tallaabadaas ka caawinayso in nabad iyo xasillooni dib u soo celino.

Itoobiya ayaa hadda noqotay dalka kaliye ee qaaradda Afrika ka tirsan marka laga reebo Rwanda ee ay dumarka kala bar ka tirsan yihiin golaha wasiirada.

Mr Abiy ayaa sidoo kale tirada shaqooyinka wasaaradaha ku koobay 20 halka ay horay u ahaayeen 28.

Tan iyo markii uu noqday ra'iisul wasaaraha bishii Abriil, waxa uu horseeday isbadallo aad u waaweyn.

Waxa uu ku guulaystay inuu soo afjaro isku dhacyo qaatay muddo 20sano ah oo kala dhexeeyay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, waxa uu soo daayey kummanaan qof oo u xirnaa arrimo la xirriira siyaasadda.

Qoraalka Codka, Haweenk Soomaalida Itoobiya oo siyaasada door wayn ka ciyaara

Caasho Maxamed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee loo magacaabo wasiiradda gaashandhiga, waxayna ka soo jeeddaa Canfarta ee dalka Itoobiya .

Muferiat Kamil, oo ah gabadh horay u ahayd afhayeenka baarlamanka ayaa waxay iyadana noqotay qofkii ugu horreeyey ee loo magacaabo wasaaradda nabadgelyada oo ay hoos imaan doonaan arrimaha ammniga iyo booliska.

Labada wasaaradood ee ugu xoogga badan dalka ayaa loo magacaabay dumar.

Mahlet Hailu, oo ah danjiraha Itoobiya u fadhisa Qaramada Midoobay ayaa barta Twitter-ka ku qortay magacyada wasiirrada cusub.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Mr Abiy ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbadalladan ay wax ka baddalaan dhibaatooyinka dhanka istaaratijiyadda ee dalka u horseeday rabshadaha.

Waxa uu sheegay in dumarka ay dalka wax badan ku soo kordhiyeen si loo helo nabad iyo xasillooni, dhanka musuqmaasuqa ay ku yaryihiin shaqadoodana ay keenayso isbadel wanaagsan.

Abiy Ahmed

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Abiy Ahmed

42 sano jirkan ayaa noqday ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya bishii Abriil kaddib markii uu si lama filaan ah xilka iskaga casilay Hailemariam Desalegn.

Muddo saddex sano ah kaddib oo ay socdeen rabshado ay waddeen qowmiyadda Oromo, kuwaas oo doonayay inay soo afjaraan dhibaatooyinka ay ka sheeganayeen dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Mr Abiy oo u dhashay qowmiyadda Oromo ayaa shacabka ku soo jiitay isku daygiisa ku aadan in la helo midnimo si loo daaweeyo dhaawacyadii hore iyo in si wada jir ahna looga shaqeeyo hormarka dalka.