100 Haween: Sheekada 3 haween oo lagu muujiyay heerka kufsiga Hidniya uu gaarsiisan yahay

A woman's hands rest on her lap

Aalaaba mar walba, oo Hindiya uu ka dhaco kiis kufsi ah oo ba`an, sheekadaas keliya ma qabsato warbaahinta gudaha dalkaas balse waxay sidoo kale qabsataa dunida.

Shuruucda ayaa la adkeeyay kaddib markii uu kiis kufsi ah oo ba`an uu ka dhacay magaalada Delhi sanadkii 2012 waxaana kordhayay kiisaska loo gudbiyo booliiska.

Dad badan ayaa arrintan u aaneeya inay tooshka ku ifisay tacaddiyada kufsi ee ka dhanka ah haweenka. Qaar kale ayaa u aaneynaya isbeddellada sharciga sida go`aanka dowladda ay ku soo saartay xukunka dilka.

Balse khubarrada qaar ayaa sheegaya in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo aan wax-tar lahayn oo aan gudaha u sii galeynin dhibaatooyinka hoose ee jira. Arrintan oo qeyb ka ah 100-ka Haween ee BBC, Divya Arya ayaa eegeysa saddex sheeko oo ina tusaya sida shuruucda adag ee Hindiya aysan u caawineynin dadka ka badbaaday kufsiga.

'Waxaan rajeynayaa inaan sii noolaado si aan u arko in caddaalad la helo'

The father standing in front of the tree where he found his daughter and her cousin hanging six years ago
Qoraalka sawirka, Lix sano kaddib dhimashadeedii, aabbahan weli wuxuu caddaalad u raadinayaa gabadhiisa oo la kufsaday isla markaana la dilay

Ilaa iyo maanta waxaa loo yaqaannaa 'xaafadda laga helay gabdhaha la daldalay'.

Labo ilmo adeer ahaa, oo middood ay 12 jir ahayd tan kalena 15 jir, ayaa laga helay iyaga oo ka lalmada laanta geed Cambe ah. Qoysaskooda ayaa sheegay in gabdhahaas la kufsaday isla markaana la dilay.

Wuxuu ahaa kiiskii ugu horreeyay ee weynaa kaddib kufsigii Delhi ee 2012. In ka badan lix sano ayaa ka soo wareegatay balse dad badan waxay la tahay in dembigaasi la galay shalay.

Weriyaha BBC-da ayaa sheegtay in gaari ay wateen oo marayay waddooyinka ciriiriga ah ee degmada Badayun oo ku taalla gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Uttar Pradesh, ay istaajiyeen si ay dadka deegaanka u weydiiyaan tilmaanta xaafadda ay u socdeen.

Isla markiiba waxaa loo sheegay xaafadda iyo tilmaanteeda.

Hardanka ay ugu jiraan caddaaladda qoyska Badayun, sida haatan loogu yeeri, ma ahan mid fudud.

Correspondent Divya Arya seated talking to the father in 2014
Qoraalka sawirka, Aabbaha mid ka mid ah gabdhihii la kufsaday lana dilay iyo weriyaha BBC-da

Weriyaha BBC-da ayaa la kulantay aabbahan xagaagii sanadkii 2014, waxayna ka mid ahayd weriyeyaashii ugu horreeyay ee ka socda Delhi ee gaara xaafadda oo gaarigu uu u socdo siddeed saacadood.

Aabbaha mid ka mid ah gabadhihii la kufsaday lana dilay ayay weriyaha kula kulantay isla geedkii laga helay meydka gabdhaha.

Wuxuu sheegay inuu baqayay maaddaama ay booliiska gudaha u diideen inay caawiyaan.

Balse waxaa sidoo kale jiray damac ah aargoosi. "Raggan waa in lagu daldalaa meel fagaara ah, sida ay ku sameeyeen gabdhaheenna oo kale," ayuu yiri.

Shuruucda adag ayaa la doonayay inay haweenka iyo gabdhaha u fududeeyaan inay cabashadooda ka diiwaan geliyaan booliiska.

Ciqaabta dilka ee loo soo saaray kufsiga iyo maxkamadaha baara dembiyadaas ayaa la hirgeliyay.

The father shows the legal documents from the case
Qoraalka sawirka, Lix sano oo hardan loogu jiro sharciga iyo dukumentiyo dhowr ah oo caddaaladda lagu raadinayo

Mid ka mid ah qodobbada ayaa dhigaya in maxkamadeyn walba oo la xiriirta kiisaska kufsiga ee lagula kaco gabdho da` yar lagu soo afjaro hal sano gudaheed.

Inkastoo ay taas jirto, haddana waxaa sii kordhayay kiisaska kufsiga ee sugaya maxkamadeynta.

Waxaa jiray 95,000 oo kiis ah dhammaadkii 2013, tiradaas oo gaartay 145,000 dhammaadkii sanadkii 2019, sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay ee ay dowladda soo saartay.

Aabbaha ayaa ka jeedsanaya geedka. Wuxuu sheegay inuu soo xusuusinayo dhacdadaas xanuunka leh. Hadda wuu gaboobay wuuna daciifay.

Welise kama guurin carada, waxaase jirta xaqiiq ah in raadinta caddaaladda ay tahay hannaan aad u dheer.

"Sharcigu wuxuu dhigayaa in kiisaska si degdeg ah loo dhegeysto, balse maxkamaduhu dhego uma laha codsiyadeenna. Maxkamadaha ayaan ku wareegayay, balse dadka saboolka ah way adag tahay inay helaan caddaalad," ayuu yiri.

Baaritaanka ayaa si degdeg ah u soo gabagaboobay. Baarayaasha ayaa sheegay inaysan helin caddeymo ku filan inuu dhacay dil iyo kufsi, sidaas darteedna eedeysanayaasha waa la sii daayay.

Qoyska ayaa arrintaas diiday dibna u furay kiiska, iyaga oo u dagaallamaya inay caddaalad helaan.

An image of the mother from the back of her head where she's wearing a blue headscarf
Qoraalka sawirka, Hooyadu waxay rajeyneysaa in mar un caddaalad la heli doono

Hannaanka caddaaladda Hindiya waxaa isku biirsaday dhaqaale iyo shaqaale yaraan.

Kiiska Badayun waxaa lagu qaaday maxkamad qaadda dembiyada degdegga ah balse qareenkooda Gyan Singh wuxuu sheegay in halkaasi aysan ka jirin adeegyo gaar ah.

"Maxkamadaha degdegga ah waxay isku dayaan inay dedejiyaan maxkamadeynta, balse mararka qaar baaritaannada qaar ayaa daaha, dhaqaatiirta ama saraakiisha baaritaanka ayaa meel kale loo wareejiyaa, waxaa sidoo kale jira dib u dhac dhanka marqaatiyada ah," ayuu yiri.

Hooyadu waxay aaminsan tahay inuu yahay dagaal dheer.

"Waxaan rajeynayaa inaan sii noolaanno si aan u aragno caddaaladda."

'Waaliddiinteyda ayaa saaxiibkey geliyay xabsiga ayaga oo ku eedeynaya inuu u kufsaday'

'Usha' waaxay ahayd 17 jir markii ay waaliddiinteeda ka war heleen xiriirka jaceyl ee kala dhaxeeyay wiil ay isku xaafad ahaayeen.

Xaafadda yar ee ay ku nool yihiin ee ka tirsan degmada Panchmahals ee gobolka galbeedka Hindiya ku yaalla ee Gujarat, arrintaasi maaha mid ku cusub.

Balse waaliddiinteeda ma aysan aqbalin xiriirkooda, lammaanahan da`da yaraa ayaana go`aansaday inay isla baxsadaan.

Laakiin taasi uma suurto gelin, sida ay sheegtay, kaddib markii uu durba soo qabtay aabbaheed dibna ugu soo celiyay xaafadda.

'Usha' holds a copy of the police complaint
Qoraalka sawirka, 'Usha' ayaa kiis musaafurin ah ku soo oogtay waaliddiinteeda

"Wuxuu igu garaacay xarig iyo ulo, cuntada ayuu iga qadiyay wuxuu kaddibna nin kale iiga iibiyay lacag dhan 125,000 oo rubiga Hindiya ah (£1,268, $1,685)," ayay tiri.

Usha ayaa mar kale baxsatay habeenkii arooskeeda. Waxay is guursadeen jaceylkeedii uur ayayna qaadday, balse caqabad kale ayaa la soo gudboonaatay.

Isbeddelladii sharciga lagu sameeyay, da`da qaan gaarka gabdhaha oo dalkaasi ka ahayd 16 sano ayaa laga dhigay `8 sano.

Usha waxaa loo arkay inaysan iyadu ikhtiyaar lahayn, kaddibna waaliddiinteeda ayaa saaxiibkeed ku soo oogay dacwad ah inuu kufsaday iyagoo xabsiga u taxaabay.

Qoyskiisa xitaa lama cafin. Hooyadiis waxaa lagu eedeeyay inay wiilkeeda garab ku siisay inuu afduubto kaddib kufsiga.

"Waxaan labo toddobaad ku qaatay xabsiga. Qoyskeeda ayaa kaddib usoo dhacay gurigeenna, albaabka ayay soo jebiyeen waxayna dareersadeen xoolaheenna. Waxaan ku qasbanaannay inaan is qarinno si aan nafteenna u badbaadinno," ayay tiri hooyada wiilka.

Wuxuu ahaa kiis kufsi oo 'been abuur ah', kaas oo loo adeegsaday magaca gabar aad u da` yar oo ay ahayd inuu sharcigu dhowro.

Lambar sax ah lagama hayo tirada kiisaska 'been abuurka ah' ee gaara maxkamadaha.

Usha in foreground, mother in law in background
Qoraalka sawirka, 'Usha' hay`ad maxalli ah ayaa ku caawisay sii deynta ninkeeda iyo qosykeeda

Qareennada ayaa sheegay in caddeymaha aan lagu kalsoonaan karin ee kiisaskaas oo kale ay culeys ku hayaan hannaan markiisii horeba ciir ciirayay.

Khubarrada ayaa sheegaya inay muujineyso dhibaato weyn oo uusan sharcina beddeli karin.

Aad ayay ugu adag tahay haweenka da`da yar inay ka soo horjeestaan waalidkood marka aysan qaan gaar ahayn oo ay dhaqaale ahaanna ku tiirsan yihiin, sida uu qabto Garima Jain.

Waxay buuggeeda machadka International Victimology Institute, oo qeyb ka ah Jaamacadda Tilburg ee dalka Netherlands ku diyaarineysaa baaritaan ku saabsan xaaladda nafsi ee kuwa ka badbaaday kufsiga.

"Khibraddeyda ururinta sheekooyinka, waxaan ku ogaaday in marka saaxiib loo xiro 'kiis been abuur ah' oo kufsi ah keliay ma burburineyso xiriirkooda si qoto dheerna saameyn uguma yeelaneyso haweeneyda, balse waxay sidoo kale u nuglaaneysaa xakameyn dheeri ah oo waalidka uga timaadda."

Usha waxay caawinaad ka heshay urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Anandi.

Waxay ka caawiyeen in qoyska ninkeeda ay ku soo daayaan damaanad ayna la xisaabtamaan waalidkeed.

Isla markii ay jirsatay 18, waxay dacwad musaafurin ah ku soo oogtay waaliddiinteeda inkastoo aysan jecleysan in arrintu ay heerkaas gaartay.

"Haddii haweenka da`da yar loo oggolaan lahaa inay guursadaan ragga dookhooda ah, dunidu waxay ahaan lahayd meel farxad leh," ayay tiri.

Nasiib darro, mucaaraddada ka imaaneysa waalidka malaha xad marka ay gabar ka baxsaneyso xakamahooda.

Seema Shah photo
Qoraalka sawirka, Seema Shah oo bulshada u shaqeysa waxay aaminsan tahay in lagu tuntay sharciga

Qoyska Usha ayaa sidoo kale ku hanjabay inay kiis musaafurin ah ku soo oogi doonaan shaqaalaha Anandi.

Si xun u isticmaalidda da`da qaan gaarka ayaa ku baahsan degmadan miyiga ku taalla.

Daraasad uu ururku sameeyay ayaa lagu ogaaday in sanadihii 2013, 2014 iyo 2015, ay waaliddiintu gudbiyeen 95% okiisas noocan ah.

"Sharcigu si habboon looguma adeegsan raadinta caddaaladda. Tani waa dhibaato weyn marka haweenka da`da yar loo arko inay shey yihiin oo aan loo oggoleyn inay si xor ah u hadlaan," ayay tiri Seema Shah, oo ka tirsan Anandi.

'Waxaan go`aansaday inaan barto sharciga si aan ugu dagaallamo haweenka Dalit ee lagu qasbo inay aamusaan'

Si fiican uma dhoolla-caddeyneyso, 'Maya' waxay muujineysaa geesinnimo iyada oo karti iska raadineysa.

Waxay dooneysaa inay si faahfaahsan noola wadaagto sheekadeeda oo xanuun leh, balse boogtu way cusub tahay mararka qaarna tiiraanyo ayaa hareyneysa.

Maya waxay ka soo jeeddaa qowmiyadda Dalit, oo loo arko kuwa ugu hooseeya habka qabaa`illada Hinduuda. Haweeney ka soo jeedda Dalit ahaan, takoorku waa mid daran.

Waxay baraneysay injineernimo markii nin ka soo jeeda beelaha sare uu soo daba kacay.

Ninkan ayaa diiday inuu 'maya' u qaato jawaab kaddibna wuu kufsaday.

Maya arranges books on her shelf
Qoraalka sawirka, Maya waxay baraneysaa sharciga

"Waxaa halkan taagan nin xoog leh, waan isku dayay balse iskama celin karin," ayay tiri.

Waaliddiinteeda ayaa ka caawiyay inay dacwad u gudbiso booliiska, balse waxay isaga deysay cadaadis uga yimid bulshada darteed wayna ka laabatay, kaddib markii uu ninku usoo bandhigay inuu guursanayo.

Waxay u heysteen inay ka badbaadiyeen takoorka bulshada ee dhibbanaha kufsiga, balse guurku wuxuu ahaa cadaab nooc kale ah.

"Qoyska ninkeyga waxay igu oran jireen waxaad tahay Dalit, sida boosaneer wasakh ah, waan neceb nahay inaan xitaa ku eegno," ayay tiri iyada oo oohin fiqleyneysa.

"Wuxuu guriga imaan jiray isaga oo cabsan, tacaddiyo ayuu ii geysan jiray sababo la xiriira inaan dacwad ka dhan ah booliiska u gudbiyay, wuu i garaaci jiray marka aan ka diido ficillo galmo oo aan habbooneyn."

Maya waxay sheegtay inay xitaa isku dayday inay is disho.

Waxay keliya u suurto gashay inay baxsato kaddib marki uu ninkeeda si kama` ah uga tagay albaabka oo furan.

Dhadhanka xorriyad dhab ah ayaa u muuqday kaddib markii ay la kulantay Manisha Mashaal, oo ah qareen u doodda Dalit.

Manisha waxay baaritaan ku sameyneysay kiisaska kufsiga ee haweenka Dalit ee ku nool gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Haryana.

Waxay ogaatay in shuruucda lagu cirrib tirayo takoorka qabaa`ilka ku saleysan iyo tacaddiyada galmo aysan wax ku ool ahayn, sida aysan haween badan oo ka soo jeeda Dalit u ogeyn jiritaankooda.

Picture of Manisha Mashaal
Qoraalka sawirka, Manisha waxay rajeyneysaa inay sameyso koox qareenno ah oo u dooda bulshada Dalit

Eedeysanaha wuxuu mar walba ka soo jeedaa bulsho dhaqaale iyo siyaasad ahaanba ka roon bulshada Dalit.

Sidoo kale sinnaan la`aan dhanka qabaa`ilka ah ayaa ka jirta maamulka, booliiska iyo waaxda garsoorka, sida ay sheegtay.

Sida ay Manisha qabto, xalku wuxuu qeyb ahaan ku jiraa xoojinta haweenka Dalit.

Waxay bilowday inay dadka ka badbaaday kufsiga sida Maya ku caawiso inay sharciga bartaan.

Waxay Maya u ahayd fursad cusub oo nolosha ah.

Waxay dib u furtay dacwaddeeda kufsiga.

"Waxaan helay kalsooni aan ku hadlo kuna noqdo qof rejo wanaagsan leh keliya marka aan la kulmay Manisha," ayay tiri Maya.

"Waxaan kaddib go`aansaday inaan barto sharciga, si aan ugu dagaallamyo haweenka Dalit ee sideyda oo kale lagu qasbay inay ka aamusaan tacaddiyada lagula kaco."

Maya waxay ka mid tahay dhowr haween oo kufsi lagula kacay kuwaas oo la nool Manisha.

Guriga yar ee ay ku nool yihiin waa mid soo dhoweyn leh, oo ay ka buuxaan isku duubno iyo awood.

Waa duni aad uga duwan meeshii khatarta lahayd ee ay ka soo tageen.

A dozen Dalit women sit together in a meeting
Qoraalka sawirka, Haweenka Dalit ayaa yeesha kulamo joogto ah

"Beelaha sare waxay haweenka Dalit u arkaan alaab, kuwaas oo haddii la doono la adeegsan karo ama la iska deyn karo," ayay tiri Manisha.

"Haddii ay haweeney isku daydo inay ka hadasho jirdilkana waa la dilaa."

Waxay si joogto ah hanjabaad ugala kulantaa qoysaska eedeysanaha, balse taas uma joojiso.

Waxay ku soo baxday hoggaamiye ka tirsan qowmiyadda Dalit waxay buundo u noqotay haweenka da`da yar iyo hannaanka caddaaladda.

"Dadka bulshadeyda waxaa lagula kacaa tacaddiyo waxayna dhintaan iyaga oo dhibbaneyaal ah. Ma doonayo taas. Waxaan rabaa inaan dagaallamo aniga oo ah hoggaamiye, ma doonayo aniga oo ah dhibbane."

(Magacyada dadka ka badbaaday kufsiga waa la qariyay sida uu dhigayo sharciga Hindiya.)

BBC 100 Women waxay sanad walba soo magacowdaa 100 haween oo saameyn leh sheekadooduna ay dhiirrigelin leedahay kuwaas oo nala wadaaga sheekadooda. Waxaadnaga heli kartaa Facbook, Instagram iyo Twitter, adeegsanada #BBC100Women.