Faahfaahinta waxa diiradda lagu saaray kulanka ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku yeesheen Muqdisho

Itoobiya iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA

War-saxaafadeed ay shalay si wada jir ah u soo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa looga hadlay kulan Muqdisho ay ku yeesheen madaxda militariga iyo sirdoonka labada dal, kadib booqasho uu Muqdisho ku tagay taliyaha ciidamada difaaca dalka Itoobiya Field Marshal Burhanu Jula.

Qoraalka wadajirka ah waxaa lagu sheegay in la isla gartay in kulan farsamo oo lagu falanqeeyo arrimaha la xiriira amniga lagu qabto Muqdisho, ka dib kulamo magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaraha Itoobiya Abiy Axmed bartamaha bishan Febraayo.

Kulanka ka dib bayaan soo baxay oo ka koobnaa ilaa sagaal qodob ayaa lagu faahfaafiyey nuxurka laga wada hadlay.

Booqashada taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya ayaa ahayd mid hal maalin ah taas oo uu ku wehelinayey taliyaha sirdoonka dalka Itoobiya Redwan Xasan iyo mas'uuliyiin kale.

"Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, waxayna adkeeyeen baahida loo qabo in la ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo qaaradda Afrika. Waxay sidoo kale tixgelin buuxda u muujiyeen dalalka bixiya ciidamada iyo booliiska ee ka qeyb qaata hawlgalka AMISOM/ATMIS iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya, kuwaas oo dadaal weyn u galay nabadgelinta dalka iyo la dagaallanka al-Shabaab tan iyo 2007," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wadajirka ah.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidamada difaaca Itoobiya

Labada dhinac waxay adkeeyeen doorka ciidanka difaaca Itoobiya ee ENDF ee hawlgallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, waxayna isla garteen qaabka ciidamada Itoobiya (ENDF) looga qeyb galin doono Hawlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya oo deegaanno badan ay ka socdaan dagaallo ay ciidamada dowladdu kula dagaallamayaan al-Shabaab ayaa taliyeyaasha ciimada militaga labada dal isla adkeeyeen baahida loo qabo in si ku filan loo taageero dadaallada hadda socda ee lagu wajahayo al-Shabaab, waxayna muujiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan in si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga argagixisada.

Iyadoo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka heshiiyeen khilaafaad ka dhex aloosnaa muddo sanad ahaa haddaba warka labada dhinac waxaa lagu xusay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo xaqa dadka Soomaaliyeed.

Ka dib heshiiskii Ankara, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqdo kuwa isku soo dhawaanaya iyadoo magaalada Addis Ababa ay kulan ku yeesheen bartamaha Bishan Febraayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Abiy Axmed , kaas oo lagu xusay in madaxdu isla qaateen wadashaqaynta iyo iskaashiga laba dal ah.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidanka Militariga Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf Raage

Maxay labada dal uga dhigan tahay?

Kaboole

Xigashada Sawirka, Kaboole

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkastoo labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo itoobiya ay hadda galeen waji furfurnan diblomaasiyadeed haddana kulanka labada taliye ciidan ee militarga ayaa u muuqda mid ay hadda doonayaan inay iska kaashadaan arrimaha ammaanka sida uu BBC-da u sheegay Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

''Marka taariikhda dib loo eego ilaa 2006-kii ciidamada Itoobiya Soomaaliya saamayn ayey ku lahaayeen, booqashada taliyuhuna runtii waxay u egtahay oo muujinaysa inay labada dal ay isku dayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda amni iyo militari, Itoobiyana aad ayey u danaynaysaa inay saami ku yeelato jogitaankeeda oo ciidamadeeda lagu daro ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika, khilaaf dheer ka bacdi iyo is jiid jidna in hadda caddahay waddadii wada shaqaynta," ayuu yiri Kaboole.

Kaboole, wuxuu xusay in wadashaqaynta ammaanka ay labada dalba muhiim u tahay mar la eego khatarta kooxaha ay dagaalka kula wada jiraan ee gobolka.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa yeelanayey kulamo heerar kala duwan lahaa kadib heshiiskii Ankara ee lagu damiyey xiisaddii ka dhex taagnayd labad dal.