Sida aad ku ogaan kartid in uu beenloow yahay qofka ku hor taagan

Miyaad rumeysataa wax walba oo aad aragtid?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Miyaad rumeysataa wax walba oo aad aragtid?

Sidee ku ogaan kartaa qofka ku hor jooga in uu been sheegayo.

Marka uu arrin la xiriiro noole ku dhex nool bay'ad bulsho, waxa ay cadeynaysaa in beenta ama ugu yaraan beenaha yaryar ee loogu magac daro ''beenaha cad'' ay yihiin iskuxir bulsho oo isku haynaya midba midkeena kale.

Inkasta oo aynaan ku wanaagsanayn ogaanshaha beenta, haddana waxaa jira khiyaano naga caawinaysa in ay noo iftiimiso beenaalayaasha inagu dhex nool.

Lucy Cook oo ku takhasustay cilmiga xayawaanka ayaa ogaatay khiyaanada in ay tahay wax ay wada wadaagaan boqortooyada xayawaanka iyo bini'aadamka.

Waxaynu qalloocinaa runta si aan u ilaalino Nabada.

Marar badan beenta waa iskuday uu qof ku sameynayo in uu inagu khiyaamo hadaladiisa iyo ficiladiisa, laakiin taasi waxa ay dhacdaa markii uu jiro wada sheekaysi caadi ah oo fudud, maxaa yeelay ma aynu sheegno waxa aynu ka fikirayno ama aynu ula jeedno.

Sawiro shakhsi aad wada hadlayseen oo kula wadaagay wada sheekaysi kasta oo aad lahayden waxa uu kaa aaminsan yahay adiga iyo go'aanada noloshaaada. Dabcan waxa ay ahaan lahayd arrin adag oo cajiib ah.

Xataa haddii aynu necebnahay qof qaab cusub u soo jartay timihiiisa, badankeen kuma fikirno in aan sheegno. Waxaynu ognahay daacadnimada 100% ay ka waxyeelo badan tahay wanaaga, taasi oo taabanaysa isdhexgal badan oo bulsheed. Sidaa darteed xaqiiqdii khiyaanadu waa iskuxidhe isku keen haya, oo sahlaya iscaawinta, kana dhigaya caalamka meel la iswada waafaqsan yahay.

beenta

Saddex meelood meel ayaa been sheegta Maalinkii

Ku dhowaad saddex meelood meel bulshada ku nool caalamka ayaa sheega " been aad halis u ah" sida uu sheegay dhakhtarka cilmu nafsiga Richard Wiseman.

Si kastaba ha ahaatee, ra'yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay boqolkiiba 5% dadweynaha ka mid ah ay sheegeen in aanay weligood been sheegin.

Maxaabiista ayaa kaga wanaagsan kashifaada beenta marka loo barbar dhigo Garsoorka

Richard ayaa yidhi " Waa ku wanaagsanahay been sheegida, waana aynu ku xunnahay ogaanshaha beenta".

Waxaynu u malaynaa in aynu ku wanaagsanahay ogaanshaha khiyaamada, laakiin markii aad labo qof ku eegto shaybaadh, aadna tusto muuqaalka qof been sheegaya iyo muuqaal qof run sheegaya, waxa ay helayaan 50 boqolkiiba fursada helitaanka jawaabta saxda.

Waa arrin sax ah marka loo eego booliska, qareenada iyo xataa garsoorayaasha, waxaa jira hal koox oo ka kormartay qof kasta oo kale, waana maxaabiista.

Adeegso dhagtaada beddelka Ishaada si aad u kashifto beenta

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababtu waa inaga oo aan ku wanaagsanayn ka shifaada beenta, maxaa yeelay waxaynu nahay indho ku garaadlayaal. Qaybo balaaran oo kamid ah maskaxdeena ayaad ku arkaysaa in ay u gaar tahay daweynta aragtida. Sidaa darteed ayaynu ugu tiirsanaanaa in aan ogaano in qof uu been sheegayo iyo in kale.

Maka kacayaa kursigiisa? ma is ruxayaa? Maxay yihiin tilmaamaha ay bixinayaan wajigiisa?

Si kastaba, intooda badan arimahan waa kuwa la xakamayn karo in badan. Beenaalayaasha xirfada leh waa ogyihiin waxa uu ka raadinayo shakhsiga kale ee doonaya in uu beentiisa kashifo.

Ishaarooyinka taasi kasoo baxaysa ayaa ah oodhaah: waxaa aynu dhahayno ama sida aynu u odhanayno. Taasi waxa ay arrin adag kaga dhigaysaa beenaalayaasha in ay xakameeyaan, haddii dareenkaada digtoonaanta diirada ku saarto, adiga oo ogsoon waxa aad baadigoobayso, waad usoo saari kartaa beenta hab wanaagsan.

Guud ahaan, beenaalayaasha, waxa ay hadlaan inyar iyaga oo ku bixiya wakhti badan ka jawaabida su'aasha, si beentooda loola caadifooda: sidaa darteed waxaa ku yaraada kalmada "aniga"

Ku Sawir "Q" Foolkaada si aad u ogaato haddii aad tahay Beenaale caqli badan.

Qaarkeen ayaa ka been sheegid qurxoon kuwa kale. Richard Weismann ayaa sameeyay tijaabo loo yaqaan imtixaanka "Q" si uu u kala saaro labada kooxood, waxaana imtixaamidu qaadanaysaa kaliya shan ilbiriqsi in la dhammeeyo.

Ku sawir xarafka Q fooddaada, su'aashuna waxay tahay, ma waxaad ku qortay qaybta dambe ee xarafka Q ishaada midig ama ishaada bidix? Si kale haddii loo dhigo, ma waxaad u sawirtay calaamadda Q qaab uu qof kale u akhrin karo marka uu ku eegayo, mise adiga oo kali ah ayaa akhrin kara?

Aragti ayaa tilmaamaysa haddii aad qaybta dambe ee xarafka ku dhejiso ishaada bidix, si dadka ku hortaagan u akhriyaan, waxaad mar walba ka fikirtaa sidii dadka kale aad uga dhigi lahayd kuwa ku fahma, sidaa darteed waxaad u janjeertaa in aad been sheegayso. Laakiin haddii aad qaybta dambe ee xarafka dhigto ishaada midig, waxaad dunida ka arkaysaa aragtidaada gaarka ah, waxaadna u janjeertaa inaad daacad noqoto.

been

Dunidan dabiiciga waxaa ka buuxa khiyaamo

Khiyaanadu waxa ay gashay meel kasta xataa caalamka dabiiciga, xayawaanadu dhexdooda ayay is khiyaamaan.

Tusaale ahaan farabadanta labka waxa uu u dhuuntaa tan dhediga, isaga oo aan is dareensiinayn labka ka awoodda badan, waxa uuna ka diraa fariin galmo jirkiisa dhanka uusan ka arkeyn labka, isaga tartanka kula jira.

Waligaa ha aaminin dunida digaaga, diiqa waxa ay u yeeraa doorooyinka isaga oo ugu dhawaaqaya codka cuntada, laakiin marka ay dooradu soo orodo waxa ay ku dhacdaa khiyaamada ugaarsashada ee galmo doonka diiqa , halkii ay cunto ka heli lahayd.

Laakiin shimbiraha badda intooda badan waxaa isku xira cilaaqo lamaane inta ugu badan noloshooda. Waxaynu taasi u qaadanay in ay tahay calaamad muujinaysa in ay daacad u yihiin midba midkooda kale.

Laakiin culimada sayniska ayaa gartay xataa shimbiraha nolol wadaaga cumrigooda inta ugu badan, sida shimbirka Golimoot , waxa ay sameeysaa in si dhuumasho "galmo ka baxsan guurkeeda" u sameyso haddii ay aaminto in ay suurtagal u tahay ka faa'iideysiga fursad ay ku hagaajin karto tarankeeda.

Goormaa dadku been sheegaan?

Richard Wiseman ayaa sheegay in ay jirto daraasado xiiso badan

oo xaddidaysa cumriga carruurtu ku bilaabaan in ay been sheegaan.

Isugu keen koox carruur hal qol una sheeg (in aynu alaab-alaabeydii ay jeclaayeen

u dhigayno gadaashooda, laakiin aad ka filayso in aysan gadaal soo fiirin)

kadib uga tag qolka adiga oo mar kale xasuusinaya in aysan gadaal soo fiirin.

Waxaad xaqiiqsan doontaa daqiiqado yar kadib adiga oo kala soconaya taleefishin wareeg ah oo xiran, iyaga oo eegaya ciyaarta. Marka aad ku soo laabato qolka waxaad weydiisaa su'aasha ugu muhiimsan '' ma eegteen ciyaarta?.

Waxa uu leeyahay Richard marka aad tijaabadan ku sameyso carruurta saddex jirka,

oo ah wakhtiga luuqada ku dhawaaqayaan, waxaad arkaysaa 50 boqolkiiba iyaga ka mid ah ay been sheegayaan. Waxa uu intaa ku daray marka ay gaaraan

da'da 5 sano mid iyaga kamid ah uusan rumaysanayn hadalka.

Taaktikada Khiyaanada Waxaynu la leenahay Taariikh dheer

Beentu dhab ahaantii waa qayb weyn oo awood kuu siinaysa in aad

kaga kala gudubto arimo bulsho oo caalami ah, oo balaaran iskuna-sidkan.

Marka la eego daanyeerta Jimbaze in ay ahaadaan koox balaaran waxa ay la micno tahay faa'iido: Waxaad la wadaagi kartaa masuuliyada cunto ugaarsashada, waxaana jira indho badan oo ay tahay in aad ku eegto xayawaanada ugaarsatada.

Laakiin haddii aad tartan kula jirto kuwa kale si aad wax u cunto, waxa ay taasi sababaysaa dagaalo aad dhib ku gaysato ama lagugu gaysto, taasina waa mid dhibaato u keenaysa kooxda, sidaa darteed khiyaamada ayaa ah xaqiiqdii ah qaabka ugu wanaagsan ee aad adiga iyo kuwa kaleba ku wajihi kartaan.

Khiyaamada waxa ay taariikh dheer ku leedahay horumarka kala duwan ee bulshooyinka. Bulshada hormarsan ayaa qaab iskumid ah iskula socda in ay isugu beensheegaan.In aad Beenaale tahay mar walba ma aha wax xun. Isku soo duub, haddii aysan jiri lahayn ma aynaan noolaaneyn maanta. Waa muhiim in aad ku badbaado mararka qaar.