Filim soo saare caan ka ah Hollywood-ka iyo Xaaskiisa oo la helay iyaga oo meyd ah

Rob Reiner iyo xaaskiisa Michele

Xigashada Sawirka, Reuters

Jilaaga iyo Filim sameeyaha Rob Reiner iyo Xaaskiisa Michele ayaa meydkooda laga helay hoyga ay ka deganaayeen magaalada Los Angeles ee dalka Mareeykanka.

Booliiska oo baaraya dhacdadaan ayaa sheegay in dilkaan uu yahay mid uu qof geestay, kadib markii telefoonka guriga lamaanaha uu qof kasoo wacay xarumaha booliiska iyo dab-damiska galabtii Axadda.

Filimada caanka ah ee uu Reiner soo saaray waxaa kamid ahaa filimkii caanka ahaa ee The Princess Bride oo soo baxay sanadkii 1987-dii.

"Waa arrin murugo leh inaan ku dhawaaqeyno geerida Michele and Rob Reiner" ayuu yiri afhayeen qoyska Rob Reiner oo warbaahinta Mareykanka la hadlay.

Waxa uu sidoo kale afhayeenka uu ka codsaday warbaahinta in ay ilaaliyaan arrimaha u gaarka ah reerka "waxaan ka qalbi jabsannahay geerida lama fillaanka ah, waxaana codsaneynaa la tixgaliyo reerka, inta lagu jiro wakhtigan adag.."

Booliska ayaa sheegay in qofkii soo wacay uu u sheegay in nin 78 jir ah iyo haweeney 68 jir ah ay ku dhinteen guriga, balse askartu si degdeg ah uma aysan sheegin lamaanaha iyo sababta keentay geeridooda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid loo xiray, ama cid ay uga shakisan yihiin, balse hadda ay baadi goobayaan.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Afhayeenka ciidanka Dab-damiska Los Angeles ayaa BBC-da u sheegay in la soo wacay abbaare 15:38 wakhtiga magaaladaasi (23:38 GMT) si gar-gaar loogu fidiyo guri ku yaalla Brentwood oo ah xaafad ay ku nool yihiin dad badan oo caan ah.

Shir jaraa'id oo ay qabteen booliiska habeenimadii Axadda, ma aysan ku bixin wax faah faahin ah oo ku saabsan dhimashada iyo waxa ay la kulmeen markii ay ka jawaabeen wicitaankii ay heleen. Ku xigeenka madaxa booliiska Alan Hamilton ayaa sheegay, markii ay tagayeen aqalka ay labada meydba ku jireeyn in ka badan lix saacadood.

Sidoo kale Booliiska ayaanan bixin xog dheeraad ah oo ku saabsan wax dhaawac ah oo soo gaaray labada qof, iyo haddii wax hub kagu dilay dadka ama laga helay guriga. Hamilton wuxuu sheegay in sababta dhimashada uu soo saari doono xafiiska dambi-baarista LA, taas oo baarayaashu ay fureen galka kiiskan dilka ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijinayo geerida Reiner iyo xaaskiisa.

Newsom waxa uu sheegay in uu "ka naxay" dhimashada Reiner oo uu ugu yeeray "qod qalbi wanaagsanaa, kaas oo soo saaray sheekooyin badan oo aad loo jecel yahay.

Rob Reiner, oo ahaa wiilka jilaaga caanka ah ee Carl Reiner, wuxuu masraxa filimada kusoo biiray 1960-meeyadii, waxa uuna bandhig wayn ka sameeyey filimkii All in The Family 1970-meeyadii ee ka baxay TV-gga Meathead sitcom, kaasoo uu ku helay laba Emmy Awards, taas oo kamid ah abaal marrinnada la siiyo Muuqaal baahiyaha ugu wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale uu guulo ka gaadhay, soo saaristii filimka This Is Spinal Tap oo soo baxay 1984, noqdayna filim aad looga helay.

Intaas kadib Reiner waxa uu bilaabay inuu si toos ah qeyb uga noqdo soo saareyaasha filimada Hollywood-ka oo uu ugu horreeyey filimkii Stand By Me oo ahaa 1986, The Princess Bride 1987, When Harry met Sally oo la jilay 1989, filimkii Misery oo isna ahaa1990 iyo A Few Good Men oo isna la daawaday sanadkii 1992.

Afartan iyo kow sano kadib bishii Sebteembar ee sanadkaan ayaa dib loo daawaday taxanihiisii ugu horreeyey ee Spinal Tap, kaas oo dib u habeeyn lagu sameeyey looma bixiyey Spinal Tap II.

Gurigii ay ku noolaayeen

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gurigii ay ku noolaayeen

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa Michelle ay aad uga xumaadeen geerida lamaanaha.

Tacsi is dabo joog ah ayey soo dirayaan Tv-yada iyo shirkadaha filimada, iyadoo xiddiga Monty Python Eric Idle uu ku tilmaamay Reiner "nin Jeceyl".

"in ka badan hal saac ayaan xalay la hadlayey, mar walbana waan ku raaxaysan jiray la shaqeyntiisa" " ayuu Idle ku soo qoray bartiisa X.

Jilaaga John Cusack ayaa Reiner ku tilmaamay "Nin qiimo badan oo wanaagsan", halka Elijah Wood uu sheegay inuu aad uga argagaxay dhimashada lamaanaha.

James Woods, oo loo magacaabay abaalmarinta Oscar ee jilitaanka Reiner's 1996 Riwaayaddii Ghosts of Mississippi, ayaa sheegay inuu "ka xumaaday dhacdadan xun".

Xiddiga madadaallada Ben Stiller ayaa sheegay geerida in ay ahayd "khasaare weyn".

"Rob Reiner wuxuu ahaa mid ka mid ah hagayaasha aan ugu jeclahay, Wuxuu sameeyay qaar ka mid ah filimadii ugu fiicnaa waqtigeyga ayuu qoray MR. Ben.

Kumuu ahaa Rob Reiner

Reiner waxa uu aasaasay shirkadda wax soo saarka ee Castle Rock Entertainment.

Wuxuu guursaday sadex xaas laga bilaabo 1971 ilaa 1981 waana aabaha korsaday gabadha Marshall ee ah jilaa Tracy Reiner.

Wuxuu guursaday Michele Reiner oo ah jilaa, sawir qaade iyo soo saare, 1989. Lamaanuhu waxay isku dhaleen saddex carruur ah qoys ahaan.

Michele waxay lahayd shirka ka shaqeysa sawir qaadista iyo soo saarista filimada oo lagu magacaabo Reiner Light

Duqa magaalada LA Karen Bass ayaa dhacdadan ku tilmaantay "in maagalada LA iyo Dalka Mareykankaba ay waayeen dad muhiim ah".

"kaalinta waxtarka ah ee Rob Reiner waxay ahayd mid dib usoo nooleeneysa dhaqanka iyo bulshada Maraykanka oo dhan, wuxuuna horumariyay bulsho aan tiro lahayn isaga oo u maraya shaqadiisa hal-abuurka iyo u qareemidda ah, isaga oo u dagaallami jiray caddaaladda bulshada iyo dhaqaalaha," ayay tiri.

Reiner waxa kale oo uu ahaa mid u ololeeye arrimaha bulshada iyo siyaasadda, gaar ahaan musharrixiinta siyaasadeed ee Dimuqraadiga.