Tom Cruise: Jilaagan caanka ah oo arrin aan cadi ahayn darteed u diiday seddax abaalmrin

Xigashada Sawirka, Frank Trapper
Jilaaga caanka ee Hollywood, Tom Cruise, ayaa dib u soo celiyey seddexdiisa abaal marin ee dahabka ahaa. Arrintaa waxay ku sheegay in uu kaga soo horjeedo sida duwanaansho la'aanta ay uga dhex muuqato abaalmarinta sanadlaha ah ee Hollywood.Waa xiddiggii ugu dambeeyay ee ku biira kooxaha badan ee dhaleeceya abaal marinta.
Warbaahinta NBC, oo munaasabaddan abaalmarinta baahineysay tan iyo 1996-kii, soo werinaysay ayaa sheegtay inaysan sii deyn doonin xafladda sannadka soo socda.
NBC waxay sheegtay inay doonayso in ay aragto in "dib u habeyn la taaban karo lagu sameeyo" qabanqaabiyeyaasha, Hollywood ee qeybta warbaahinta caalamiga ah.
Abaalmarinta The Golden Globes, waxay kaalinta labaad kaga jirtaa abaalmarinta aflaanta waxayna ku xigtaa Oscars, marka la eego astaanta guud.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Xigashada Sawirka, Getty Images
Talaadadii, qoraal ka soo baxay Ururka Saxaafadda u qaabilsan Hollywood ee HFPA ayaa lagu sheegay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan wax uga badelayaan hannaankii ay ku shaqayn jireen.
Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka go'antahay "in si degdeg ah looga meel gaaro isbadelladaas la shaaciyay".
Qorshaha ah in xubnaha HFPA la ballaariyo oo kala duwanaansho la'aanta ka dhex jirta xal laga gaaro, waxaa soo dhoweeyay dadka ugu caansan Hollywood.
Kala duwanaanta, sinaanta iyo ka mid noqoshada tababarka, ayaa la siin doonaa dhammaan xubnaha, iyo sidoo kale tababaro ku saabsan wacyigelinta faraxumeynta dhanka galmada.
Xubnaha qaar ayaana laga horjoogsan doonaa in ay aqbalaan waxyaabaha xayeysiinta ah ee ka socda istuudiyaha filimada iyo TV-ga.
Jawaabtu siday ahayd?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Scarlett Johansson, oo loo magacaabay shan jeer abaalmarinta Golden Globes, ayaa ku boorrisay dadka kale ee ka tirsan shirkadaha filimada in ay qaadacaan ururkan haddii aysan isbedello weyn ku sameynin sida ay u shaqeeyaan iyo xubnaha ka tirsan.
Haweeneyda oo 36 sano jir ah ayaa xustay inay horay ula kulantay "su'aalo galmo iyo hadallo ka soo yeeray xubno ka tirsan HFPA oo lala xiriiriyay falal anshax xumo ah".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Arimaha ugu muhiimsan waxay umuuqdaan in hirgalinta isbadalada aysan aheyn kuwa la meelmarinayo.
Waxaa jiro ururo weli sii wadi doona inay qaadacaan Golden Globes iyo dhacdooyinka kale ee HFPA, illaa iyo inta dib-u-habeyn rasmi ah ay dhaqan gelinayaan.
Warbixin ay soo saartay Isniintii, NBC waxay ku tiri: "Isbedelka baaxadan leh wuxuu qaadanayaa wakhti iyo shaqo, waxaana si xoogan u dareemeynaa in HFPA ay u baahan tahay waqti ay ku sameyso si sax ah. Sidoo kale, NBC ma sii deyn doonto munaasabadda 2022 ee Golden Globes.
"Haddii aan u malayno in ururku uu fulinayo qorshihiisa, waxaan ku rajo weynnahay in aan awood u yeelan doonno in aan soo bandhigno barnaamijka abaalmarinta bisha Janaayo 2023."
Go'aanka TV-ga ayaa sidoo kale daba socda hoos u dhac aad u weyn oo ku yimid tirada dadka daawada 'Golden Globes'. Taasi waa isbeddel lagu muujiyo abaalmarinta filimka guud ahaan, gaar ahaan inta uu jiro covid-19.
Sam Asi, oo ka tirsan BBC Cabai, xubinna ka ah HFPA ayaa raadiyaha BBC4 u sheegay inay arrintan tahay wax lala yaabo, maadama ay Hollywood ogayd in ururka xubnihiisa aysan ka mid ahayn dad madow. Wuxuu sidoo kale sheegay in kiiskan uu taagnaa muddo 20 sano ah.
Wuxuu tilmaamay in dadka xayaysiimaha ay si gaar ah ugu sheegeen in ay ogyihiin inay meesha ka maqan tahay kala duwanaanshaha dadka.
Wuxuuna qiray inuu joogay Hollywood mudo 15 sano ah, laakiin uusan waligood la kulmin nin madow oo wax xayaysiinaya.














