Wiilashan waxay iibiyaan Cabitaanka liinta si shacabka Yemen ku caawiyaan

Labo wiil ee yaryar oo saaxibbo ah ayaa bilaabay barnaamij ay lacago ugu uruuriyaan shacabka Yemen, waxayna dadka ugu baaqayaan inay ka iibsadaan cabitaan liin ah, si dhaqaalaha ay ka helaan ugu caawiyaan shacabka Yemen.
Ayaan Muuse iyo Mikaa'iil Isxaaq oo ku sugan bariga London, waxay sameeyeen barnaamijkan ka dib markii ay ogaadeen dhibaatada ka taagan dalka Yemen. Hadda waxaa barnaamijkoodan ah ka qeyb qaadaneysa atariishada caanka ah, Angelina Jolie.
Atariishadda oo ololaha ay wadaan carruurta ka akhrisay bogga BBC News, ayaa warqad u dirtay, waxayna sheegtay in ay ka xun tahay in aysan ka iibsan karin liinta balse ay dooneyso in ay dhaqaale ku deeqdo.

Wiilka lagu magacaabo Ayaan hooyadii waxay sheegtay in ololaha ay wadaan uu yahay mid dhif iyo naadir ah isla markaana cajiib ah.
Caadila Muuse waxay sharaxaday in atariishadan ka tirsan Hollywood ay markii ugu horeysay soo wacday wakiiladeeda ku sugan UK, ka dib markii ay ogaatay ololaha ay wadaan Ayaan iyo Miikaa'iil, waxayna durbadiiba la soo xiriirtay qoyska carruurta.
Carrruurta oo ku sugan deegaanka Redbridge ee London ayaa guddoomay warqadda ay u soo dirtay Angelina Jolie oo sheegtay in ay kaalin weyn ay ka qaadaneyso ololaha deeq uruurinta ay wadaan, sida ay sheegtay Caadila.

Xigashada Sawirka, Adeela Moosa
Mar wax laga wediyay, sida uu ahaa dareenka carruurta markii ay la soo xiriirtay Angelina Jolie, waxay ku jawaabtay Caadila "in markii hore aysan garaneyn atariishadda balse aabahood uu ku farxay markii uu maqlay arrintaas."
Waxay carruurta duubeen muuqaal ay uga mahadcelinayaan Ms Jolie, waxay u sheegeen "Haddii mar uun aad timaaddo London, waxaad xor u tahay in aad iibsato koob cabitaan liin ah."

Xigashada Sawirka, Adeela Moosa

Tobonaan kun oo carruur ah ayaa ku dhimatay dagaallada ka sokeeye ee Yemen halka dad lagu qiyaasay 24 malyan ay u baahan yihiin gargaar banii'aadanimo oo degdeg ah.
Angelina Jolie, oo ah ergeyga gaar ah ee Ha'yadda Qaxootiga Adduunka, UNHCR, ayaa horey uga hadashay qalalaasaha ka taagan Yemen.
Hooyada dhashay Ayaan Muuse, waxay sheegtay in dedaalka ay wadaan carruurta ay horseeday in lacago looga soo diro guud ahaan caalamka, haddana waxay uruuriyeen ku dhowaad $86 kun oo dollar.
Carruurta waxay hadda dib ugu laabteen iskuulka.
"Si weyn baa loogu baahnaa dadkii ka qeyb qaatay barnaamijka," ayay tiri Caadila.











