Waxay ku sigteen inay noqdaan muwaadiniin Maraykankan ah- balse Trump ayaa baajiyay xafladdii jinsiyad-siintooda

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Sanam oo ah soo-galooti Iiraan u dhalatay oo Maraykanka toban sano kahor tagtay ayaa qarka u saarnayd inay noqoto muwaadin Maraykan ah. Sanado badan oo waraaqo ah, oggolaanshiyo, imtixaanno iyo baaritaanno amni ayaa gaarsiiyay meesha ugu dambaysa ee xaflada dhaarinta jinsiyadda Maraykanka.
Balse labo maalmood oo kali ah kahor dhaarinta December 3, dowladda Maraykanka ayaa si lama filaan ah u baajisay dhaarinteeda.
Sanam aad ayay u yaabtay una wareertay, wax sharraxaad ah lama siin. Ma aysan fahmin sababta xafladda loo joojiyay, iyada oo aan wax khalad ah samayn, sida ay u sheegtay BBC.
Gadaal ayay ka oggaatay in sababtu ay tahay meesha ay ku dhalatay.
Sanam oo codsatay in aan xogteeda la shaacin cabsi ay ka qabto in la ciqaabo ayaa kula nool Oregan saygeeda, oo ah muwaadin Maraykan ah oo ka soo jeeda Kansas.
Kiskeeda waa mid kamid ah kuwo badan, horraantii bishan, maamulka Trump ayaa bilaabay inuu baajiyo xafladaha jinsiyad-siinta muhaajiriinta ka yimid 19 dal oo dadkooda horayba looga mamnuucay inay galaan Maraykanka, Iiraana ay kamid tahay.
Go'aankan muranka badan dhaliyay ayaa dad badan oo sida Sanam oo kale oo haysta degenaansho rasmi ah galiyay xaalad hubanti la'aan ah ee nidaamkii ay ku heli lahaayeen muwaadinimada Maraykanka, kuwaasi oo sugayay oo kali ah habraacii u dambeeyay.
Arrintani waxa ay ku dhalisay Sanam inay dib uga fikirto inay sii joogto Maraykanka. Weli waxaa u joogo qoys Iiraan oo ay ku jiraan waalidkeed oo waayeel ah, mana oga wakhtiga ay mar kale arki doonto.
Dalalka 19ka ah ee xayiraaddu ay saamaysay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baajinta xafladaha dhaarinta ayaa ah hal qayb oo ka mid ah dadaallada ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ku adkaynayo sharciyada socdaalka. Muhaajiriinta ka yimid 19ka dal ee ay saarnayd xayiraadda socdaalka ayaa la hakiyay habraacyadii socdaalkooda, meel kasta oo ay marayaan geedi-socodkooda, mana aha oo kali ah kuwo ku jira marxaladda u dambaysa.
Tallaabadan iyo kuwo kale oo lamid ah ayaa timid maalmo yar ka dib markii qof ka soo jeeda Afhganistan uu rasaas ku furay saraakiil ciidan Washington DC bishii November 26, iyada oo hal qof uu dhintay, mid kalana uu dhaawac halis ah ka soo gaaray.
Maamulka Trump ayaa dhacdadaasi u adeegsaday marmar siiyo u uku dardar galiyo dadaalada ay ku yarynayaan socdaalka, oo ay qayb ka tahay laalidda codsiyada magangalyo doonka
Waaxda jinsiyadda iyo socdaalka Maraykanka ayaa sheegtay in xayiraadahani lagama maarmaan u yihiin ilaalinta amniga qaranka, badbaadinta nolosha Maraykanka iyo sugidda ammaanka guud.
Balse Mario Bruzzone oo ah madaxweyne ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee isbahaysiga muhaajiriinta ee matasha boqolaal kooxaha socdaalka ayaa sheegay in xayiraadaha muhaajiriinta u baahan difaaca ay galinayaan xaalad nuglaansho ah.
''Joojin aan waqtiga lahayn waxa ay lamid tahay mamnuucid, waxayna u adeegsanayaan toogashadii dhowaan ka dhacday DC marmarsiiyo ay ku kordhiyaan weeraradda ka dhanka ah muhaajiriinta iyo qaxootiga,'' ayuu Bruzzone u sheegay BBC.
Soo-galooti u dhashay Venezuela, Jorge oo isna ku sigtay inuu noqdo muwaadin Maraykan ah kahor December 2 ayaa loo sheegay in munaasabdii lagu gudoon siin lahaa muwaadinimada Maraykanka la baajiyay iyada oo aan wax sharaxaad ah la siin.
''Wax walba waan qorsheeyay oo ay ku jirto in munaasabada aan u kaxeeyo wiilkeyga. In la baajiyay maalin kahor, anaga oo aan sabab naloo sheegin waxa ay naga dhigtay kuwo aan garanayn waxa ay sameeyaan ee xiga,'' ayuu yiri Jorge.
Jorge, oo aan ahayn magaciisa rasmiga ah, ayaa isna codsaday in aan magaciisa la shaacin, hase yeeshee aqoonsigiisa waxaa xaqiijisay BBC-da. Waxa uu sheegay inuu helay deggenaansho rasmi ah sanadkii 2017 isagoo ku saleynaya xirfaddiisa.
Jorge ayaa u sheegay BBC-da inuu la qabo maamulka Trump in la sameeyo "baaritaan adag" oo muhaajiriinta lagu sameeyo. Isaga oo ku eedeeyay maamulka Biden inuu oggolaaday muhaajiriin aad u badan, wuxuuna intaas ku daray in haddii uu codeyn kari lahaa uu taageeri lahaa Madaxweyne Donald Trump.
Waxa uu ka walwalsan yahay, in dadka muddo dheer deggenaa dalka, ee aan lahayn taariikh dambi, lagu darayo dad uu rumeysan yahay inay u baahan yihiin baaritaan qoto dheer.
"Waxaan rabaa oo keliya in annaga raacnay dhammaan sharciyada naloo oggolaado inaan sii wadno kiiskeenna, kuwa sameeyay khiyaano ama dambiyo iyagana ha la marsiiyo cawaaqibta sharci ee ku habboon," ayuu yiri Jorge.
Bruzzone oo ka tirsan isbahaysiga muhaajiriinta NYIC ayaa sheegay in muhaajiriin badan oo ka yimid 19-ka dal, ay ku jiraan qaxooti, dad magangelyo doon ah, iyo deggenaansho sharci ahkuwa haysta sida Sanam iyo Jorge, ay horey u soo mareen baaritaanno adag oo qaata sanado, lana xiriira heerar badan oo hubin amni iyo baaritaanno caafimaad ah.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Kali ah gobolka New York, waxaa ku noolaa qiyaastii 132,000 qof oo ku dhashay Venezuela ilaa sanadkii 2023, sida ku cad xog ay soo ururisay Isbahaysiga Muhaajiriinta New York.
"Hakinta ayaa khalkhal gelisay nolosha dadka marxalad kasta oo ay joogaan, waxayna ku reebtay sugitaan iyo hubanti la'aan," ayuu yiri Bruzzone.
Seeyga Sanam, oo isna diiday in magaciisa la shaaciyo cabsi darteed, ayaa BBC-da u sheegay in jadwalka dhacdooyinku uu u muuqdo mid aad u yaab badan.
"Haddii askartaas aan la weerari lahayn toddobaadkii hore, toddobaadkan xaaskeygu hadda waxa ay ahaan lahayd muwaadin," ayuu yiri, maalin kaddib markii la baajiyay xafladdii dhaarinta Sanam.
"Maskaxdaadu waa ay qaraxaysaa marka aad aragto sida degdegga ah ee siyaasadahani isu beddelayaan," ayuu yiri.













