Trump oo bilaabay Fiisaha $1 milyan ee kuu saamaxaya deganaansho iyo in aad hesho dhalashada Maraykanka

Xigashada Sawirka, @realDonaldTrump/Truth Social
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabay qorshaha kaarka dahabiga ah ee bixinta fiisooyinka deganaanshaha Maraykanka sida degdega ah loo helayo, kuwaas oo loogu talagalay ajaanibka dadka hodonka ah ee awoodda inay bixiyaan ugu yaraan $1 milyan oo u dhiganta (£750,000).
Kaarka ayaa siin doona iibsadayaasha ''waddo toos ah oo ay ku helayaan dhalashada Maraykanka, gaar ahaan dhammaan dadka u qalma ee la baaray. ''Waa wax lagu farxo! Shirkadaha weyn ee Maraykanku ugu dambayn waxa ay sii haysan doonaan kartidooda aan la beddeli karin,'' ayuu ka yiri Trumo baraha bulshada Arbacadii.
Kaarka dahabka Trump oo markii u horaysay la shaaciyay horraantii sanadkan ayaa ah dalkugal Maraykan ah oo la siinayo kuwa muujin kara inay iibsan karaan ayna ''faa'iido weyn'' u tahay dalka, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee qorshahan.
Waxa ay timid arrintan iyada oo Washington ay xoojisay xakamaynta socdaaka oo ay ku jiraan kor u qaadista khidmadaha fiisaha shaqada iyo celinta muhaajiriinta aan sharciga lahay.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir bogga WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Barnaamijka kaarka dahabka ayaa balllan qaadaya helitaanka degenaanshaha Maraykanka, waxaana loo baahan yahay khidmada $1 milyan oo doolar oo ah ''caddeyn muujinaysa in qofka uu si weyn ugu faa'iideyn doono Maraykanka'', sida lagu sheegay mareegta barnaamijkan.
Shirkadaha ka faala qaadaya shaqaalaha ayaa laga rabaa iyaga inay bixiyaan $2 milyan oo doolar, ayna u sii dheer tahay khimado kale. Nooca ''qalinka'' ee kaarka ayaa bixinaya faa'iidoon canshuur gaar ah, kaasi oo dhowaan la soo saarayo laguna heli dooni $5 milyan oo doolar sida laga soo xigtay mareegta barnaamijka.
Khidmadaha dheeraadka ee dowlada ayaa laga yaabaa in la qaado iyada oo ku xiran xaaladaha codsi kasta, ayaa lagu sheegay mareegta. Shakhsiyaadka ayaa sidoo kale laga doonayaa inay bixiyaan khidmad aan la soo celinayn oo $15,000 oo doolar ah kahor inta aan la eegin kiiska codsadaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qorshaha Kaarka dahabka ayaa wajahaya dhaleecayn tan iyo markii la shaaciyay bishii Febraayo, iyada oo qaar kamid ah Dimuqraadiyiintu sheegayaan inuu si aan cadaalad ahayn u taageeri doono shakhsiyaadka hodonka ah.
Markii uu horaysay oo Trump soo bandhigo qorshahan ayu uku tilmaamay in fiisooyinkan la mid yihiin kaararka cagaaran, kuwaas oo u oggolaanaya muhaajiriinta dakhliga kala duwan inay ku noolaadaan kana shaqaystaan Maraykanka si abadi ah. dadka haysta kaarka cagaaran ayaa dhalashada Maraykanka hela shano ka dib marka ay u qalmaan kaarkaasi.
Balse kaarka dahabka waxaa si gaar ah loogu talagalay xirfadlayaasha ''heerka sare'' ayuu yiri Trump, waxaana uu intaasi ku daray isaga oo xoojinaya ''Waxaan rabnaa dad wax soo saar leh.''
''Dadka awooda bixinta $5 milyan, waxa ay abuuri doonaan shaqooyin,'' ayuu yiri Trump. ''waa wax keeni doona iib xad dhaaf ah. Waa heshiis fiican.''
Barnaamijkan ayaa ku soo beegmay iyada oo maamulka Trump uu wax badan u huray celinta muhaajiriinta.
Maraykanku waxa uu sidoo kale hakiyay codsiyada socdaalka ee dadka ka imaanaya 19 dal, oo intooda badan ku yaala Afrika iyo Bariga dhexe, kuwaasi oo wajahay mamnuucista safarka ee madaxweynaha.
Dowladdu waxa ay sidoo kale joojisay dhamman go'aamada codsiyada magangalyada iyada oo sheegtay inay dib u eegi doonto kumanaan kiisas ah oo la oggolaaday xilligii maamulka madaxweyne Biden.
Bishii September, Trump ayaa sidoo kala saxiixay amar lagu soo rogay khidmada $100,000 oo loogu talagalay codsadayaasha barnaamijka fiisaha H-B1 ee shaqaalaha xirfadlayaasha ajnabiga ah.
Go'aankan ayaa sababay cabsi ka dhex abuurmatay ardayda caalamiga ah ee Maraykanka iyo shirkadaha tiknaloojiyada. Aqalka cad ayaa markii dambe caddeeyay in khidmada lagu dabiqi doona kali ah codsadayaasha cusub ee hadda ku sugan dibadda.













