Oscar: Maxay tahay Sababta ka weyn kaftanka ee uu Will Smith u dharbaaxay majaajiliiste Chris Rock?
Kaddib sannado ay hoos u dhaceen tirada dadkii daawan jirey munaasabaddan, ayay guddiya soo qaban qaabiya waxa ay aad ugu baahnaayeen in ay helaan dad dheeraad ah oo daawada xafladda abaarmarinta billadda Oscar-ka ee sanadkan 2022-ka.
Waxa ay isku dayeen wax walba oo ay sare ugu qaadi karaan daawashada - waxay keeneen xiddigo waaweyn, waxay sameeyeen bandhigyo toos ah, waxay xafladda daadihinteeda u dhiibeen dad caan ah, waxayna yareeyeen lacagaha lagu galo hoolka. Xitaa waxay sameeyeen xayeysiimo hordhac ah.
Laakiin intii ay munaasabaddu socotay, majaajiliiste sheegay kaftan iyo atoore Hollywood-ka ka tirsan oo kaftankaas ka fal celiyay ayaa sabab u noqday in daawashadii ugu badneyn ay hesho xafladda.
Guddigu waxay rabeen dad daawada. Hadda way heleen wax ku filan.
Ka hor inta aysan dhicin xafladda la qabtay maalintii Axadda, waxaa si weyn loo filayay in Will Smith uu ku guuleysan doono billaddiisii ugu horreysay ee Oscar-ka oo abid uu helo, taasoo uu ku muteystay bandhigga uu ku sameeyay filimka uu aabaha u yahay Venus iyo Serena Williams ee lagu magacaabo King Richard.
Hase yeeshee, waxa aan la fileynin ayaa ahaa in uu taariikhda ku geli doono sabab aad uga duwan middaas.
Munaasabadaha lagu bixiyo billadaha waxaa ka dhaca arrimo layaab leh. Xasuuso fannaanka Kanye West markii uu weeraray masraxa munaasabaddii abaalmarinta MTV, xilli uu masraxa khudbad aqbalaad ah ka jeedinayay Taylor Swift; in qof aanan ahayn guuleystaha sawirkiisa lagu baahiyay shaashadda xafladdii Oscar-ka ee 2017-kii; ama siyaasiyiin cabitaan lagu daadiyay markii ay joogeen munaasabadda abaalmarinada aflaamta Britain ee Brits.
Balse way adag tahay in la xasuusto dhacdo ka naxdin badan kana qalalaase badan tan ku saabsan Will Smith oo dharbaaxo xoog badan afka uga dhuftay Chris Rock, taasoo muuqaalkeeda dhowr saacadood gudahood lagu daawaday boqollaal milyan oo jeer.
"Waxay ila tahay in ay micno cusub u sameyn doonto erayga kaftan," ayay tidhi Rebel Wilson oo qaab maad ah uga hadlaysay arrintan. "Nasiib ayaan leeyahay maadaama aan xafladdii Baftas soo gudbay anigoo aysan waxba i gaadhin.". Rebel waa gabadh majaajilada ku xeeldheer oo u dhalatay dalka Australia oo inta badan daadihisa xafladaha abaalmarinta.

Xigashada Sawirka, PA Media
Wilson waxay ku kaftantay in Smith uusan xaadir ku ahayn xafladda abaalmarinta markii ay iyadu daadihineysay Munaasabadda Bafta oo horaantii bishan ka dhacday magaalada London.
"Will Smith waxa uu guusha ku helay King Richard, balse waxaan u maleynayaa bandhiggiisa ugu fiicnaa ee sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa in uu caadi ku ahaa dhammaan wiilasha saaxiibka la ah xaaskiisa," ayay tidhi markii ay kaftanka ku dhaheysay masraxa, iyadoo ula jeedday lamaanaha oo xiriirkoodu uu ahaa mid furan (taasi waxaa loola jeedaa in xiriirka Will Smith iyo xaaskiisa uusan ahayn ka maran dad kale).
Kaddib markii ay daawadayaasha goob joogga ahaa ku qosleen, ayay majaajiliistahan u dhalatay Australia hadalkeeda sii raacisay: "Maxaa dhacay? Naga dhaafa, ma joogo isagu halkan."
Will iyo Jada Pinkett Smith, oo is qabay muddo 24 sano ah, ayaa horay si shaac baxsan uga hadlay dhaqamada ka baxsan guurmooda ee ay sameeyaan.
Mar ay 2020-kii lamaanahan ka qayb galeen Barnaamijka "US chat show Red Table Talk" ee taleefishinka ka baxa, waxay ka hadleen warar xan ah oo ku saabsanaa in Jada ay xiriir la leedahay fannaanka R&B ee lagu magacaabo August Alsina.
"Waxyaabo wadajir ah oo kala duwan ayaa na dhex maray August," ayay tidhi iyadoo qiratay arrintaas, waxayna xaqiijisay in iyada iyo Will ay markaas "kala maqnaayeen".
"Wadajir aa?" ayuu ku jawaabay Wiil oo sunniyada indhaha kor u qaaday.
"Waa xiriir," ayay tidhi iyadoo sii caddeyneysay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadahadalkooda furnaa waxaa ammaanay qaar ka mid ah daawadeyaasha, balse lamaanahan ayaa sidoo kale lagu maadeystay xaaladda xiriirkooda oo mugdi ku jiray iyo waliba Jada oo si gaar ah u xiiseyneysa in ay arrimaha qoyska kaga sheekeyso warbaahinta.
Sidaasoo ay tahayna, iyagoo xiriirkooda ay marna isugu soo dhawaadaan marna ku kala fogaadaan, haddana waligood ma aysan is furin, wax shaki ahna lama gelinin sida uu Will u jecel yahay xaaskiisa iyo qoyskiisa.
Sida uu reerkiisa u daneeyo iyo dhibaatada uu kala kulmo inuu guurkiisa waxa ka khaldan fahmo ayaa laga yaabaa in uu jilaaga uga carooday hadallada Wilson ay kaftan ahaanta uga tidhi xafladda Baftas. Waxaa suuragal ah in isagoo taas ka careysnaa ay tan kale ugu sii darsantay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii uu guuleystay kaddib ayaa Will lagu weydiiyay barnaamijka "Entertainment Tonight" arrimo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya xaaskiisa, waxa uuna sheegay in "waligiis uusan shaki gelin" jiritaanka gurkiisa.
"Jada iyo aniga wax walba ayaan ka wada hadalnaa. Waligeen wax aan iskula yaabnay ma dhicin." ayuu yiri.
Waxaa laga yaabaa in hadalkiisa uu muujinayay in labadooduba ay xiriir gogol dhaaf ah la sameeyeen dad kale, mid walbana uusan taas u arkin khiyaano.
Markii la weydiiyay maxay tahay sababta waxaan oo dhan loo shaacinayo? "Waxaan go'aansaday in aan nolosheyda ka hadlo si ay dadka kale uga faa'iideystaan," ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, Reuters
Laakiin Rock waxa uu maalintii Axadda kaftanka ka sameeyay ma ahayn arrin ku saabsan xiriirkooda. Waxay ahayd arrin iska caadi ah, balse ay suurtagal tahay inay ka xanuun badneyd sidaas - waana sida uu Jada muuqaalkeeda yahay.
Ma ahayn markii ugu horreysay ee uu kaftan ka sameeyo arrimaheeda. Sanadkii 2016-kii, Rock waxa uu daadihiyay Xafladda Abaalmarinta Oscar-ka, waana sanadkii ay dhacday fadeexadda #OscarsSoWhite, taasoo sababtay in Jada ay ka baaqato munaasabadda, iyadoo sabab uga dhigtay in abaalmarinada la siiyo dadka midabkoodu cadyahay.
Chris Rock ayaa ku kaftamay in Jada aanan lagu casuuminba xafladda.
Lix sano kaddib, mar kale ayuu ku maadeystay isagoo daadihinaya munaasabadda Oscar-ka. Balse markan waxay uga duwaneyd in ay xaadir ku ahayd meesha. Nasiib darrada ku dhacday Rock-ka waxay ahayd in ninkeedana uu meesha goob joog ku ahaa, kana xumaaday kaftanka.
"Jada, Waan ku jeclahay," ayuu ku billaabay, isagoo masraxa saaran, waxa uuna intaas ku daray: ""GI Jane 2, ma sugi karo inaan arko!"
Kaftankan wuxuu ku saabsanaa filim Mareykan ah oo la dhigay 1997, oo ku saabsanaa dagaal, kaasoo atariishada Demi Moore ay iska xiirtay timaha si ay u jisho Jordan O'Neil, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee ka qayb gashay tartanka ciidamada Badda ee loo yaqaanno "Navy Seal". Sidaasi awgeed kaftanka waxa uu u dhacayaa in Chris uu ka hadlay madaxa xiiran ee Jada. Balse kama uusan warqabin xanuunka uu qoyska ku hayo cudurka haya Jada ee timaha ka buubiyay.

Xigashada Sawirka, Alamy
Isagoo kaftankiisa ka dhigaya sida in ay Jada soo jili karto filimkaas qaybtiisa kale, ayuu Chris Rock ku kaftamayay madaxeeda oo xiirnaa marka ay xafladda ku sugneyd.
Waxa uu hilmaamay ayaa ah in Jada ay qabto cudurka "alopecia" oo dadka madaxooda timaha ka dhammeeya.
Way kasii jeedsatay kaftankaas, iyadoo indhahana wareejineysa, dhammaanteenna waan og nahay waxa uu markaas kaddib sameeyay Will Smith.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaar ka mid ah dadkii dhacdadan goob joogga u ahaa iyo kuwo kale oo daawaday ayaa u dhimriyay Jada, iyagoo majaajiliistaha ku dhaliilay nooca kaftanka uu sameeyay.
Laakiin qaar badan oo kalena waxay difaaceen Chris Rock.











