Dwayne 'the Rock' Johnson: Siduu jilaagan ku noqday atooraha lacagta ugu badan ka sameeya aflaanta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dwayne "the Rock" Johnson ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay jilaaga ugu lacagta badan ee sannadka, waana sannadkii labaad oo xiriir ah oo sidaas uu noqdo.
Atoorahan oo horay u ciyaari jiray musaaracada ayaa lagu soo warramay in uu kasbaday lacag dhan $87.5m (£67m) intii u dhaxeysay 1-dii bishii June ee sannadkii 2019-kii ilaa 1-dii bishii June ee 2020-ka.
Lacagta uu sannadkan helay waxaa ka mid ah $23.5m oo uu ku qaatay filimka uu u jilay shirkadda Netflix ee lagu magacaabo Red Notice.
Wuxuu sidoo kale lacag intaas ka dheeri ah ka sameeyaa mashquuciisa jimicsiga ee la yidhaahdo, Project Rock.
10-ka atoore ee ugu sarreeya liiska jilayaasha lacagta ugu badan sameeya marka la isku daro waxa ay heleen sanadkan waa $545.5m.
In ka badan afar meelood hal meel oo ka mid ah lacagtaas waxaa bixisay shirkadda Netflix, sida uu shaaciyay wargeyska dhaqaalaha qiimeeya ee lagu magacaabo Forbes.
Ryan Reynolds, oo ah atooraha kale ee ku jira Filimka Johnson uu sameeyay ee Red Notice, ayaa noqday jilaaga labaad ee sanadkan sameeyay lacagta ugu badan. Wuxuu helay $71.5m.
Mashruucyada lacageed ee uu helay waxaa ka mid ah $20m, oo uu ku qaatay filimka Red Notice iyo $20m oo uu ku qaatay filimka kale ee isla Netflix ay sameysay ee la yidhaahdo Six Underground.
Atooraha saddexaad ee liiska ku jira waa Mark Wahlberg, oo sannad gudihiis ku shaqeystay $58m, halka Ben Affleck uu soo galay kaalinta afaraad, Vin Diesel uu isaguna soo galay kaalinta shanaad.
Jilaaga u dhashay Hindiya, Akshay Kumar, ayaa noqday atooraha kaliya ee ka tirsan Bollywood-ka ee soo galay liiska 10-ka hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu Akshay ku jiraa kaalinta lixaad ee liiska, isagoo hal sano gudaheed ku kasbaday lacag dhan $48.5m, sida uu sheegay Forbes.
Sidoo kale liiska waxaa ku jiray soo saaraha filimka Hamilton, ninka la yidhaahdo Lin-Manuel Miranda iyo atooreyaasha kala ah Will Smith and Adam Sandler iyo jilaaga rug-caddaaga ah ee loo yaqaanno Jackie Chan.
Jilayaasha dumarka ah ee lacagta ugu badan qaata ayaan wali lagu dhawaaqin muddadaas sanadka ah gudaheeda wixii ay heleen. Liis kale oo kan ka madax bannaan ayey kasoo muuqan doonaan, sida la filayo.
Sanadkii lasoo dhaafay, atariishada lagu magacaabo Scarlett Johansson ayaa hoggaamineysay liiskaas, kaddib markii ay heshay $56m, waxayna lacagtaas ka hooseysay tii uu helay atoorihii kaalinta toddobaad uga jiray liiska ragga.











