Vin Diesel iyo The Rock oo filimadoodu lacag badan sameeyeen 2017

Xigashada Sawirka, Image copyrightPA/GETTY IMAGES
Dadka aflaamta daawada ayaa lacag badan ku bixiyey tikidho si ay u daawadaan Vin Diesel, Dwayne Johnson iyo Gal Gadot, si ka duwan jilayaasha kale, sannadka 2017, sida laga soo xigtay xog laga helay aflaamta shineemooyinka lagu soo bandhigo.
Majalladda Forbes ayaa iyadu waxay liiska halka ugu sarraysa ka galisay Diesel iyo The Rock, kuwaasoo guul ka gaaray filimka The Fate of the Furious.
Gadot ayaa kaalinta 3aad ku gashay kaalintii ay ku lahayd filimka Wonder Woman and Justice League.
Kaalinta 4aad waxaa gashay Emma Watson oo qalanjo ka ahayd filimka Beauty and the Beast, halka Johnny Depp uu kaalinta 5aad galay.
Shanta jilaa ee lacagta ugu badan ay filimadoodu sameeyeen 2017.

Xigashada Sawirka, AFP
Qiimayntan ayaa timid laba todobaad ka dib markii isla majalladdan ay shaacisay magacyada 5ta jilayaal ee lacagta ugu badan 2017, waxayna kala yihiin; Mark wahlberg, Christian Bale, Channing Tatum, Denzel Washington, iyo Brad Pitt.
Lacagta soo gashay ayaa lagu saleeyey faa'iidada ka soo baxday aflaamta ay jileen ee shineemooyinka laga dhigay.






