Maxay tahay dawada uu Trump ka qaato xaddi ka badan inta ay dhakhaatiirtu ku taliyeen

US President Donald Trump looks on as Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (off frame) speaks to journalists during a joint press conference at Trump's Mar-a-Lago residence in Palm Beach, Florida, on 29 December 29 2025

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Max Matza

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, kaniinka Asbiriiinkana uu qaato in ka badan inta ay dhaqaatiirtu kula Talisay, sidoo kale make up lagu qariyo Nabarrada gacmhiisa ku yaalla, jimicsigana uusan sameyn, taas oo u arko in tahay mid caajis laga qaadayo

Dadka dalka Mareykanka ayaa hadal hayey maalmahaan, in Trump xaalka caafimaadkiisu hagaagsaneyn, balse Trump wareysi dheer uu kaga hadlayey caafimaadkiisa iyo sida uu u sheegay wargeyska The Wall Street Journal ayuu ku cadeeyey inuu bishii Oktoober ee sanadkii dhamaaday lagu sameeyay baaritaan CT ah, kaddibna markaas si khaldan wariyeyaasha ugu sheegay in lagu sameeyay baaritaan MRI ah oo ka faahfaahsan.

Trump, oo hadda da'diisu tahay 79 jir ah, waa madaxweynihii ugu da'da weynaa ee abid xilka madaxweyne looga dhaariyo taariikhda Maraykanka, waxaana da'diisa oo si weynaaneysa awgeed ay keentay in baaritaanno isdaba joog ah lagu sameeyo si loola socda xaalkiisa.

waxa uu iska diiday, warar sheegayey in dhanka maqalka ay dhibaato ka haysto iyo inuu seexday intii ay socotay munaasabadihii ugu dambeeyay ee Aqalka Cad.

Madaxweynuhu waxa uu ku adkaystay in uusan seexan intii lagu jiray kulamada dadweynaha, isagoo sheegay inuu mararka qaarkood indhaha isku qabto isaga oo u arka 'nasasho'. Taa beddelkeedana waxa uu ku eedeeyey in marka sawir-qaadayaashu ay qaadaan sawirro uu u muuqdo inuu hurdo, "mararka qaar waxay sawir iga qaadaan anigoo il-dhaqaajinaya."

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Donald Trump during a cabinet meeting last December. (Carolyn Van Houten/The Washington Post via Getty Images)

Xigashada Sawirka, (Carolyn Van Houten/The Washington Post via Getty Images)

Wargeysku waxa uu qoray in Trump uu muujiyay xanaaq markii wax laga weydiiyey arrinta ku saabsan doodda dadweynaha ee caafimaadkiisa, isaga oo yiri "markii 25aad ayaan ka hadleynaa cafimaad, bal aan ka hadalno".

Intii uu socday wareysiga ayuu Trump sheegay inuu 25-kii sano ee la soo dhaafay qaadanayay kaniininga asbiriinka qiyaas ka badan tan lagu taliyo, inkastoo uu qirtay in ay saameyn ku yeelatay oo ku keentay in ay kasoo baxaan nabro yar yar. "Waxa ay yiraahdaan asbiriin-ku waxa uu khafiif ka dhigaa dhiigga, aniguna ma rabo dhiig adag/xinjirow ah oo ku qulqula wadnahayga," ayuu yiri Trump.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Garaam ahaan asbiriinka dhaqaatiiru waxa ay ku taliyaan in qofka uu qaato 81mg maalintii, balse Trump waxa qaataa 325 mg maalintii, isaga u muuqda mid aan beddelayn dabcigaas ayaa waxa uu yiri Trump. "Waxa ay jeclaan lahaayeen inaan qaato tan yar,"

Sida ay ku talinayaan Xarunta Caafimaadka Mayo, markasta oo uu qofka da'diisu weynaato waxa kororta halista uu ugu jiro wadne-istaagga iyo istaroogga, asbiriinka oo qiyaas yar laga qaatana waxa uu qofka ka caawiyaa ka hortagga labadaba, isagoo khafiifiya dhiigga kana hortaga xinjirowga.

Hase yeeshee, xaruntu waxay ka digaysaa, qaadashada kaniiningaan tan badan, taas oo keeni karta dhiigga oo khafiifa, kadibnauu oqfka dhiig bax ku yimaado. Qiyaasta maalinlaha ah ee la qaadan karo ay tahay inta u dhexeysa 75 mg ilaa 325 mg.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu ka hadlay baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay Xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed, kaas oo uu hore u sheegay inuu ahaa baaritaan MRI ah. "Ma ahayn MRI, waa uu ka hooseeyey intaas, waxa uu ahaa baaritaan." ayuu Trump.

Dhakhtar Trump, Navy Capt Sean Barbabella, ayaa hadal uu siiyay Wargeyska ku sheegay in Trump lagu sameeyay baaritaan CT ah, "si loo ogaado inay jiraan dhibaatooyin la xiriira wadnaha iyo xididdada, isla markaana natiijooyinku ma muujinin wax halis caafimaad darro ah".

Kadib markii Trump la sheegay in laga helay daciifnimo joogto ah oo ku timaadda xididdada ku shaqada leh wareegga dhiigga ee lugaha (xanuun ku dhaca dadka waayeelka ah), ayaa lagula taliyay inuu xirto signaanta sare u qaadda cadaadista dhiigga, balse waa u diiday.

A large, dark bruise was spotted on Donald Trump's right hand last August. (Reuters: Brian Snyder)

Xigashada Sawirka, Reuters

Mar la weydiiyey inuu xirto sigsaanta ayuu yiri Trump "Ma aanan jeclaysan", isagoo intaas ku daray in hadda uu sameeyo dhaq-dhaqaaq joogta ah, uuna ka istaago miiska marka uu shaqeenayo, taas oo yareysay bararka lugihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu doorbidayo inuusan samaynin nooc jimicsi joogto ah, marka laga reebo golf-ka. "Anigu ma jecli, waa caajis. In saacado badan lagu socdo ama lagu ordo mashiinka socodka sida ay dadka qaar sameeyaan, taasi aniga iguma habboona," ayuu yiri Trump.

Dhanka kale Trump waxa uu tilmaamay inuu markasta sito make-up si uu u isticmaalo ama loo mariyo gacmihiisa marka ka dego kii hore. "Waxaan haystaa make-up fudud oo si degdeg ah loo mariyo, waxay qaadataa qiyaastii 10 ilbiriqsi," ayuu yiri.

Dr. Barbabella waxa uu wareysiga uu wargeyska siiyey ku sheegay in Trump caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana si buuxda uu gutto waajibaadkiisa shaqada."

Madaxweynihii ka horreeyay Trump, ee Dimuqraadiga ahaa Joe Biden, ayaa ka haray tartankii doorashada 2024 kadib dooddii dhexmartay isaga iyo Trump, taas oo dhalisay su'aalo ku saabsan da'diisa iyo firfircoonidiisa maskaxeed.