10ka Ciyaaryahan ee ugu sareeyay kubada cagta aduunka 2025

Three-way split image showing Harry Kane, Lamine Yamal and Ousmane Dembele

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, From left, Harry Kane, Lamine Yamal na Ousmane Dembele

Sannad ayaa dhammaaday, waxaana billowday sannad cusub oo ah 2026. Haddii aan dib u milicsanno sanadkii 2025 wuxuu ahaa sannad aad u wanaagsan oo ay ciyaartooy badan oo kubadda cagta ah si weyn u soo bandhigeen kartidooda iyo xirfadooda.

Marka laga reebo ciyaaryahan sida Declan Rice oo si fiican ku bilaabay xilli-ciyaareedkan cusub, maqaalkaan wuxuu diiradda saarayaa ciyaartoydii si joogto ah u soo bandhigay waxqabad wanaagsan intii u dhexeysay Janaayo ilaa Diseembar 2025.

Laga bilaabo da'yarat garoomada hibada cusub lasoo galay illaa ciiyaartoydii hore oo muujiyey in ay weli ku jiraan heerkii ugu sarreeyay, BBC Sport waxay eegaysaa qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta ragga 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Harry Kane (Bayern Munich)

Kabtanka xulka England ayaa 2025 ku jiray qaab-ciyaareedk ugu fiicnaa ee xirfaddiisa kubadeed, isagoo sii wada dhalinta goolasha kooxda uu u ciyaaro ee Bayern Munich.

Weeraryahankii hore ee Spurs, oo 32 jir ah, ayaa 2025 dhaliyay 60 gool oo uu u kala dhaliyay kooxdiisa iyo xulka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, tiradaas goolasha ah weli kama gaarsiisna rikoodhka goolasha ugu badan ee hal sannad la dhaliyo, kaas oo Lionel Messi dhigay 2012 markaas oo uu dhaliyay 91 gool.

Lamine Yamal (Barcelona)

Lamine Yamal kaliya waxa uu jiraa oo 18 sano, balse muddo dheer ayaa lagu yaqaannaa oo uu ilaashanayaa heerkiisa cajiibka ah.

Wuxuu si heer sare ah ugu ciyaaray xulka qaranka Spain markii ay ku guuleysteen Euro 2024 sannadkii hore, waxa uuna sii waday qaab-ciyaareedki wanaagsan.

Ciyaaryahankan da'da yar ayaa xilli-ciyaareedkan La Liga u dhaliyay Barcelona 7 gool, isaga oo sameeyay 8 caawin 14 kulan gudahood.

Halka xulka qaranka qeybtii hore ee sanadkaas uu u keenay 11 gool, isaga oona sameyey 10 cawin

Ousmane Dembele (Paris St-Germain)

Ousmane Dembélé waxa uu sanadka 2025 ku bilowday qaab-ciyaareed aad u sarreeya, isagoo dhaliyay 15 gool 8-diisii kulan ee ugu horreeyay, waxa uuna dhammeeyay xilli-ciyaareedkii 2024-25 isagoo dhaliyay 35 gool 53 kulan, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee uu abid gaaro xirfaddiisa.

Ciyaaryahanka 28-jir ah ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d'Or markii ugu horreysay, kaddib wax qabadkiisii cajiibka ahaa ee garoonka. Inkasta oo uusan sii wadin isla tiradii goolasha ee uu sannadka ku bilaabay, haddana 2025 weli waxa uu u ahaa sannad aad u qurux badan.

Erling Haaland (Man City)

Waa arrin geesinimo u baahan in aan Erling Haaland loo dooran kabtan ahaan kooxda Fantasy Premier League-ga, maadaama weeraryahanka Manchester City, oo 25 jir ah, uu xilli-ciyaareedkan ahaa mid aad u halis badan goosha horteeda.

waxa uu dhaliyay 25 gool 24 kulan oo keliya, isagoo sidoo kale qaab-ciyaareed cajiib ah ku hoggaamiyay dalka Norway inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1998, isagoo dhaliyay 16 gool 8 kulan oo isreeb-reeb aha oo uu ciyaaray.

Cole Palmer (Chelsea)

Xilli-ciyaareedkan Cole Palmer waxa uu u ahaa mid adag, dhawaacyo isdabo joog aha ayaa ka xayiray badi waqtiyadii u ciyaari lahaa, balse waxa uu ahaa ciyaaryahan aad uga soo dhex muuqday Koobka Adduunka ee Kooxaha xagaagan, sidoo kalena waxaa uu tiir muhiim u ahaa Chelsea xilli-ciyaareedkii hore.

Waxa uu ka caawiyay Blues inay dib ugu laabtaan Champions League-ga, isagoo bixiyay laba caawin oo muhiim ah guushii Chelsea ka gaartay Real Betis final-kii UEFA , kaddibna waxa uu noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan tartanka kooxaha adduunka, isagoo ka adkaaday qaar ka mid ah kooxaha iyo ciyaartoyda ugu waaweyn kubadda cagta adduunka.

Palmer, oo 23 jir ah, waxa uu dhaliyay 3 gool waxa uuna caawiyey 2 gool.

Nuno Mendes (Paris St-Germain)

Maadaama PSG ay ku guuleysatay saddex koob sannadkii 2025, waa lama huraan in ciyaartoydeeda qaar ay ku jiraan liiskan, waxaana ka mid ah Mendes.

Goolasha iyo caawinta badanaa waa waxa cinwaannada wararka gala, balse Nuno Mendes, oo 23 jir ah, waxa uu u isu muujiyay mid ka mid ah daafacyada bidix ee ugu fiican dunida, kaddib qaab-ciyaareedkiisii heerka sare ahaa ee xilli-ciyaareed uu la qaatay PSG.

Gianluigi Donnarumma (Paris St-Germain/Man City)

Goolhaye Gianluigi Donnarumma, oo Manchester City kusoo biiray xagaagii, isaga oo kaso tagay PSG, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta FIFA ee goolhaya ugu fiican sanadka (2025)

Xiddiga reer Talyaani ayaa loo aqoonsaday sannad cajiib ah oo uu markii ugu horreysay ku hantay Champions League-ga, isla markaana la qaaday saddex koob kooxda PSG.

Bilooyin kaddib, waxa uu adkeestay inuu xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Pep Guardiola ee Manchester City, oo haatan kaalinta labaad kaga jirta Premier League-ga Ingiriiska isla markaana kaalinta afraad kaga jirta Champions League-ga.

Pedri (Barcelona)

Pedri, oo 23 jir ah, ayaa qaatay xilli-ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfaddiisa 2024-25, isagoo ka caawiyay Barcelona inay ku guuleysato saddex koob oo gudaha ah. Pedri ayaa ku guleestay inuu noqdo mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican dunida.

Waxa lahaa tirada ugu badan ee kubbad-qaadis (steals) xilli-ciyaareedkii hore (254) marka loo eego ciyaartoyda shanta horyaal ee ugu waa-weyn Yurub, sidoo kalena waxa uu soo bandhigay inuu yahay ciyaaryahan goolal abuuri kara, isagoo sameeyay 70 fursadood oo gool ah oo ay ka faa'iideysteen saaxiibbadiisa Barcelona.

Markii uu ka gudbay xannibaadihii dhaawaca, waxaa uu lasoo laabtay xirfad cajiib ah oo dhigtay xubin muhiim ah oo Barcelona ah xilli-ciyaareedkan, waxa uuna ka caawiyay kooxda inay hoggaamiso La Liga, iyagoo ka horreeya Real Madrid.

Kylian Mbappe (Real Madrid)

Sanadkii 2025 Kylian Mbapp waxa uu u ahaa mid is-beddel weyn uu sameeyey, xiddiga reer Faransiis oo dhaliyay 59 gool dhammaan tartamada Real Madrid.

Tani waxay ka dhigan tahay in weeraryahanka 27-jir ah uu la simay rikoodhka goolasha ugu badan ee hal sannad, kaas oo Cristiano Ronaldo dhigay 2013.

Vitinha (Paris St-Germain)

Maaddaama booska khadka dhexe ee difaaca uusan caan u ahayn sida weerarka, ciyaaryahan halkaas ka ciyaara waa inuu noqdaa mid aad u gaar ah si loogu tixgeliyo kan ugu fiican dunida. Vitinha, oo 25 jir ah,2025 waxa uu ahaa sanad wanaagsan

Marka lala barbardhigo khad-dhexe hore ee Barcelona Andrés Iniesta, Vitinha waxa uu leeyahay farsamo ka sarreysa iyo qiyaas sax ah, taas oo u saamaxday inuu ka taliyo kulamada bartamaha garoonka isaga oo la jooga PSG.