Ugu yaraan Lix qof oo ku dhintay iska horimaadka ciidamada ammaanka iyo mudaharadaayasha Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA
Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay dhowr magaalo oo ku yaalla Iiraan Khamiistii, taas oo ahayd maalintii shanaad ee mudaaharaadyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah saddexdii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ka dhashay xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa.
Magaalooyin yaryar oo ku yaalla Iiraan ayaa lagu arkay iska horimaadyo u dhexeeya mudaharaadayaal iyo ciidamada ammaanka, taasoo keentay ugu yaraan laba dhimasho oo ka dhacday Lordegan, koonfur-galbeed Iiraan.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay falal rabshado ah, iyadoo gawaarida la gubay, mudaharaadayaashuna ay dhagxaan ku tuurayeen ciidamada ammaanka, kuwaas oo kaga jawaabay rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Galbeedka Iiraan sidoo kale, saddex qof ayaa lagu dilay Azna, halka qof kale lagu dilay Kuhdasht.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa sheegtay in saddex mudaharaade lagu dilay, 17 kalena lagu dhaawacay, intii lagu jiray weerar lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gobolka Lorestan ee galbeedka Iiraan.
Waxay intaas ku dartay wakaaladu "Dadka rabshadaha wada ayaa gudaha u galay xarunta dhexe ee booliiska qiyaastii 18:00 (waqtiga maxalliga ah) Khamiistii. Waxay la dagaallameen ciidamada booliiska, waxayna dab qabadsiiyeen dhowr gaari oo booliis ah."
Qaar ka mid ah mudaharaadayaasha ayaa ku baaqayay in la soo afjaro xukunka hoggaamiyaha sare ee Iiraan, halka kuwo kalena ay dalbanayeen in dib loo soo celiyo boqortooyadii.
Muuqaallo laga soo duubay magaalada Aligodarz ee gobolka Lorestan, oo la daabacay 1-da Janaayo, ayaa muujinaya koox mudaharaadayaal ah oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin: "Tani ma aha dagaalkii ugu dambeeyay, Pahlavi wuu soo laabanayaa," "Jaavid Shah," iyo "Geeri kaligii taliye," iyagoo taagan waddada Rudaki ee magaalada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mudaaharaadyadu waxay ka dillaaceen Jamhuuriyadda Islaamiga ah Axaddii la soo dhaafay, kaddib qiimaha nololeed oo sare u kacay iyo hoos u sii dhaca joogtada ah ee qiimaha lacagta Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Iiraan ay ka xireen 30 qof Tehran, kuwaas oo lagu eedeeyay "qalqal gelinta nidaamka guud."
Wakaaladdu waxay sheegtay in "ka dib hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen hay'adaha ammaanka iyo sirdoonka, 30 qof oo khalkhal gelinayay nidaamka guud" degmada Malard ee galbeedka Tehran" la aqoonsaday lana xiray xalay," Arbacadii, iyadoo intaas ku dartay in dadkan ay "isku dayeen inay dalka xasillooni darran geliyaan."
Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa soo xigatay taliyaha booliiska gobolka Alborz, Hamid Hadavand, oo sheegay in "14 qof" lagu xiray gobolka, sababta oo ah waxay sameynayeen walxo qarxa iyo bambaanooyin.
Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqday dhimashada hal xubin oo ka tirsan cutubka Basij, oo ah ciidan mutadawiciin ah oo hoos yimaada, taasoo ka dhacday Kuhdasht, iyo dhaawaca 13 xubnood oo kale, iyaga oo ku eedeeyay mudaharaadayaasha inay ka faa'iideysanayaan mudaaharaadyada.
Ururka xuquuqda aadanaha ee Hengaw ayaa sheegay in ninka ay Ilaalada Kacaanku magaciisa ku sheegeen Amir Hossam Khodayari Fard uu ka qaybqaadanayay mudaaharaadyada, isla markaana ay dileen ciidamada ammaanka.
Mudaaharaadyadu waxay billowdeen Axaddii, markii ganacsatada Tehran ay xireen dukaamadooda una soo baxeen waddooyinka, iyaga oo sheegay in hoos u dhaca joogtada ah ee qiimaha lacagta Iiraan uu ka dhigay nolol-maalmeedku mid aan suurtagal ahayn. Mudaharaadyadu si degdeg ah ayey u fidayeen, iyada oo ardayda jaamacadaha ay ku biireen.
Ganacsato, milkiilayaasha dukaamada, iyo ardayda jaamacado kala duwan oo Iiraan ah ayaa mudaaharaadayay maalmo badan, iyagoo xiray suuqyo waaweyn.
Wakaaladda Tasnim ayaa sidoo kale sheegtay in la xiray toddoba qof oo lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin "kooxo cadow ku ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo saldhigyo ku leh Maraykanka iyo Yurub."
Wakaaladdu waxay ku eedeysay dadka la xiray in loo xilsaaray "in ay mudaaharaadyada u beddelaan rabshado," iyadoo aan caddeyn halka iyo goorta la xiray.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha diimeed ee Iiraan, iyada oo dhaqaaluhu uu saamayn ku leeyahay cunaqabatayn Reer Galbeedka, sicir-bararkuna uu ku dhow yahay 40 boqolkiiba, sida ay sheegtay Reuters, oo intaas ku dartay in lacagta Iiraan ay lumisay ku dhowaad kala bar qiimaheeda marka loo eego dollarka sannadka 2025.
Hirkan hadda socda ee mudaaharaadyada ah ayaa ah kii ugu ballaarnaa tan iyo mudaaharaadyadii waaweynaa ee gilgilay Iiraan dhammaadkii 2022, kaddib geeridii gabadhii dhalinyarada ahayd ee Iiraaniyadda, Mahsa Amini, iyadoo ku jirtay xabsi.
Dowladda Tehran ayaa wajahday rabshadahan iyadoo soo bandhigtay fursad wadahadal.
Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatemeh Mohajerani, ayaa sheegtay in "wadahadal toos ah oo u dhexeeya guddoomiyeyaasha gobollada, milkiilayaasha ganacsiyada, iyo ganacsatada suuqyada lagu daray ajandaha, si si toos ah loogu dhageysto dalabkooda," iyada oo ku adkaysay in "wadahadalku yahay hordhac go'aanka saxda ah iyo xallinta mushkiladda."
Waxa ay ku qortay bar-xiriirka X: "Ka dib kulankii Madaxweynaha ee wakiillada xirfadlayaasha iyo xubnaha guddiga suuqyada, wadahadal toos ah ayaa lala yeeshay wakiillada xirfadaha iyo ganacsatada suuqyada ee gobollada."
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Khamiistii khudbad telefishan ku yiri: "Marka laga eego aragtida Islaamka, haddii aynaan xallin dhibaatada nolol-maalmeedka dadka, waxaan ku dambayn doonnaa cadaab."
Tan iyo bilowgii dhaqdhaqaaqa, mas'uuliyiintu waxay isku dayayeen inay dejiyaan xaaladda, iyadoo madaxweynaha Iiraan uu tan iyo maalintii ugu horreysay qirtay in mudaharaadayaashu leeyihiin "dalabyo sharci ah."
Si kastaba ha ahaatee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Iiraan, Mohammad Movahedi Azad, ayaa caddeeyay in "isku day kasta oo mudaaharaadyadan dhaqaale loogu beddelayo hab lagu wiiqo amniga, lagu burburiyo hantida guud, ama lagu fuliyo qorshayaal dibadda laga soo diyaariyay, ay si lama huraan ah ula kulmi doonaan jawaab sharciyeed adag oo ku habboon."
Arbacadii ayaa loo asteeyay fasax guud gudaha Iiraan, iyadoo dugsiyada, jaamacadaha, iyo hay'adaha dawladda la xiray, arrin u muuqatay isku day lagu dejinayo mudaaharaadyada, inkasta oo dowladda ay sheegtay in fasaxa uu la xiriiray cimilada qabow.










