Maxay Israa'iil uga walaacsan tahay diyaaradaha uu Sacuudigu ka iibsanayo Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Win McNamee/Getty Images
Xidhiidhka Maraykanka iyo Sacuudiga waxa muddo dheer qayb ka ahaa arrimo ay ka mid yihiin heshiisyada ammaanka iyo sidii si rasmi ah xidhiidh loola yeelan lahaa Israa'iil.
Xilli la filayo in Amiirka Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu dhawaan booqasho ku tago waddanka Maraykanka ayaa la filayaa in booqashadaasi ay qayb ka noqto qorshaha uu Sacuudigu ku iibsanayo diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Warar laba ah ayaa arrintan ka soo baxay. Kan koowaad, Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ansixisay heshiiska malaayiin doolar ah. Midda labaad, waxaa la shaaciyey in heshiiskani uu Sucuudiga u oggolaan doono in uu iibsado 48 diyaaradood.
Warbaahinta Reuters ayaa warkan baahisay, iyada oo soo xiganaysa saraakiil aad ugu dhow F-35, kuwaas oo sheegay in heshiiska iyo iibsigaba ay yihiin kuwo dhab ah oo la xaqiijiyey.
F-35, Kongareeska Maraykanka iyo Sacuudiga
Si kastaba ha ahaatee, waddada lagu gaadhi karo heshiisyadan weli ma cadda xilligan, waxaana heshiisyadani u baahan yihiin oggolaansho ka yimaadda dhammaan saddexda dhinac: dowladda Maraykanka, Madaxweynaha Mareykanka, iyo Congress-ka si loo dhammaystiro.
Saxafiga Su dhashay Sucuudiga oo la yidhaahdo Mubaarak Al-Attiyah ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay fahamsan tahay heshiisyadan, sida uu sharcigu dhigayo, oo aanay kaliya u baahan oggolaanshaha dowladda Mareykanka balse sidoo kale u baahan yihiin ansixinta baarlamaanka.
Isagoo la hadlayay BBC-da qaybta la hadasha Urdu ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu kaliya hore u wadi karo qorshahan haddii Congress-ka Mareykanka uu taageero.
Mubarak Al-Attiyah ayaa intaa ku daray in xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga iyo xubnaha Congress-ka ay cadaadis ku saari doonaan sharciyaynta xidhiidhka Sacuudiga iyo Israa'iil ee la xidhiidha heshiisyadan.
Trump ayaa qaaday tallaabooyin sharci si uu u dhaqan gelinayo qorshahan, maaddaama uu Sacuudiga u arko saaxiib istiraatiiji ah, sidoo kalena uu aamminsan yahay in buuxinta baahiyahooda amni ay muhiim u yihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Mubarak Al-Attiyah ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu marar badan muujiyey walaaciisa ah in Sacuudigu ay qalabkaas ka iibin karaan cadowga Maraykanka sida Shiinaha iyo Ruushka, haddii Maraykanku diido in uu ka shaqaynta baahiyaha amni ee Sacuudiga.
Al-Attiyah ayaa intaa ku daray in Sacuudigu uu si joogto ah uga hadlo iibsiga noocyo kale oo qalabka dagaalka iyo amniga ah oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka.

Xigashada Sawirka, SAUL LOEB/AFP via Getty Images
Walaaca Israa'iil ay ka qabto heshiisyadan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujin doonaa isbeddelo waaweyn oo ku yimaadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, sidoo kalana wuxuu keeni karaa caqabado ku wajahan dhinaca milateriga Israa'iil.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan Sacuudiga waxaa lagu dari karaa shuruudo iyo xarrimo kale oo lagu hubinayo awoodda millateri ee Israa'iil ee gobolkaas.
Trump wuxuu doonayaa in uu dhammystiro qorshahan maaddaama uu fahamsan yahay hoggaanka Sacuudiga. Mubarak Al-Attiyah ayaa sheegay in Trump uu aamminsan yahay in hadafka Sacuudiga uu ka badan yahay ilaalinta xuduudaheeda.
Al-Attiyah ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Trump uu sidoo kale ogyahay in Sacuudiga oo ka duwan waddamda kale ee gobolku aanay lahayn ujeeddooyin kale oo ballaadhan.
Khubaradu waxay sheegayaan in Israa'iil aanay dooneyn in Maraykanku ka iibiyo Sacuudiga diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Sida ay warbaahinta Israa'il ku warrantay, heshiiskan wuxuu noqon karaa halis weyn oo amniga Israa'iil ka dhan ah mustaqbalka haddii xidhiidhkeeda dalalka kale ee Bariga Dhexe aanu ku socon sidii caadiga ahayd.
Laakiin marka laga hadlayo Sacuudiga, Mubarak Al-Attiyah waxa kale oo uu aamminsan yahay in aanay doonayn in ay bedesho siyaasaddeeda iyo masuuliyadeeda ku aaddan arrimaha dalalka Carabta waqtigan.
Arrinta ugu muhiimsan waa Falastiin, Sacuudiguna wuxuu aamminsan yahay in dal madax bannaan oo Falastiiniyiint8u leeyihiin la dhiso iyadoo la tixgelinayo xuduudihii 1967.
Tani waa shuruud aasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallo kasta ee ku aaddan mustaqbalka Bariga Dhexe.
Xidhiidhka u dhexeeya Sacuudiga iyo Maraykanku ma isbeddeli doonaa ?
Trump wuxuu albaabka u furay heshiisyada hubka ee Sacuudiga tan iyo markii uu xilka ku soo labaatay markiisii labaad.
Bishii May ee sanadkan, Maraykanka iyo Sacuudigu waxay saxiixeen heshiisyo waaweyn oo dhinaca difaac ah, kuwaas oo lagu tilmaamay heshiisyo iskaashi millitari oo noqonaya kii ugu weyn taariikhda Maraykanka.
Heshiiskaas waxaa lagu saxiixay safarkii Trump uu ku tagay Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta.
Sida uu sheegay Aqalka Cad ee Maraykanku, Washington waxay saxiixday heshiis dhammaystiran oo qiimihiisu yahay 600 bilyan oo doollar. Heshiiska difaaca oo qiimihiisu yahay 142 bilyan oo doollar ayaa ah qayb ka mid ah heshiisyadan. oo Heshiiskaas ayaa oggolaanaya in Sacuudigu uu ka iibsan doono Maraykanka diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Hata hivyo, jaribio la kweli la mpango wa ndege ya kivita ya F-35 litafanyika katika kumbi za Bunge la Marekani.
Diyaaradaha dagaalka iyo dammaanadda amniga

Xigashada Sawirka, Win McNamee/Getty Images
Shaki kuma jiro in Sacuudigu uu diyaar u yahay in uu Maraykanka ka iibsado diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Laakiin ujeedkiisu waa in uu marka hore dhammaystiro heshiisyo buuxa oo amni si loo ilaaliyo Sacuudiga haddii uu dhaco weerar kasta oo isaga ka dhan ah.
Dhawaan, Maraykanku wuxuu shaaciyey heshiisyo amni oo lala galay Qadar, kuwaas oo weerar kasta oo ka dhan ah Qadar loo tixgelin doono in uu sidoo kale khatar ku yahay "nabadgelyada iyo ammaanka" Maraykanka.
Heshiisyadan waxaa lagu bixiyey qaab 'amar fulineed ah' oo ka yimid madaxweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in la sixi karo ama la baabi'in karo haddii madaxweynaha Maraykanku uu isbeddelo.













