Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray Sacuudiga

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Tiradda dadka hoy-la'aanta ah ee adduunka oo sii kordheysa

    Dadka hoy'aanta ah ayay tiradooda laba-laabmatay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dadka hoy'aanta ah ayay tiradooda laba-laabmatay

    Tirokoob cusub ayaa muujinaya in in ka badan 80 milyan oo qof ay hadda hoy la’aan yihiin adduunka oo dhan, waana tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaan geliyo.

    Tirakoobkan oo ay daabaceen hay’adda caalamiga ah ee arrimaha bini’aadantinimada ee Norwegian Refugee Council NRC iyo Xarunta Dabagalka Barakacayaasha ee IDMC, ayaa muujinaya in tirada dadka uu saameeyay ay laba jibaarmeen lixdii sano ee la soo dhaafay.

    Warbixintu waxay sheegtay in ugu yaraan 74 milyan oo qof lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan colaado iyo rabshado darteed. Boqolkiiba 90 dadka lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan waxaa sabab u ah dagaal iyo colaad.

    Marinka Qaza ee Falastiin, ku dhawaad ​​qof walba ayaa guri la'aan looga tagay dhamaadkii sanadkii hore. In ka badan laba milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Qaza ayaa hoy la’aan looga dhigay weerarrada joogtada ah ee Israel.

    Suudaan waxaa gurayahooda ka qaxay in ka badan 11 milyan oo qof, waana tiradii ugu badneyd ee abid laga diiwaan galiyay hal waddan.

    Wadamada kale ee warbixinta lagu xusay ee ay ka barakaceen dad badan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Chad iyo Afgaanistaan.

  2. Benjamin Netanyahu oo ka hadlay qorshahooda ku aadan shacabka Qaza

    Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay in militariga Israa’iil ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan marinka Qaza maalmaha soo socda “si buuxda”, isagoo carabka ku adkeeyay in dagaalku uusan hadda joogsan doonin.

    Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay ka shaqeyneyso sidii ay u heli lahayd dalal aqbali kara dadka deggan Gaza, isagoo ka dhawaajiyay dadaallo suurtagal ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo qaar ka mid ah dadka deggan Marinka meel ka baxsan dhulka Falastiin.

    Waxa uu intaa ku daray, "Ma arko xaalad ay Israa'iil joojin doonto dagaalka hadda, waan sii wadi doonnaa ilaa aan ka gaarno hadafyadayada amniga."

    Subaxnimadii hore ee Talaadada, millatariga Israel ayaa ku dhawaaqay in ay duqeeyeen "xarunta taliska iyo maamulka Xamaas" ee ku dhex taal isbitaal ku yaal Gaza, taasoo xarakadu u adeegsanaysay fulinta "hawlaha argagixisada," waa sida ay hadalka loo dhigtay.

  3. Mareykanka oo Sacuudiga la saxiixday heshiis hub oo gaaraya $142 bilyan

    Trump iyo binu Salman

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump iyo binu Salman

    Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah oo dhan $142bilyan oo doolar.

    Mareykanka ayaa siin doona "qalab dagaal oo casri ah" Sacuudiga, kaasoo isna $20bn ku maalgelin doona sirdoonka macmalka ah ee Mareykanka, taasoo qeyb ka ah heshiiska maanta la saxiixay.

    Heshiisyada u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ee maanta lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah "heshiiska iibka difaaca ee ugu weyn taariikhda", ayuu lagu yiri bayan Aqalka Cad ka soo baxay.

    Trump ayaa ku jira lugtii ugu horeysay ee booqasho diblomaasiyadeed oo afar maalmood ah oo uu ku tagayo Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.

  4. Daraasad: Sokorowga si fudud ayaa loo daweyn karaa waana laga hortagi karaa

    Sokor

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sokor

    Cudurka sokorta ama sokorowga waxaa uu ka mid yahay cudurrada ay Soomaalida inta badan ka cawdaan.

    Cudurkan oo aan lahayn daawo toos qofka ugu baxinaysa ayaa haddana waxaa jira qaab uu qofka u noolaan karo.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad u akhriso warbixinta oo dhameystiran

  5. Nin 38 sano xabsiga ugu jiray dambi uusan galin oo xabsiga laga siideynayo

    Peter Sullivan ayaa ku dhawaad ​​afartan sano ku qaatay xabsiga

    Xigashada Sawirka, Merseyside Police

    Qoraalka sawirka, Peter Sullivan ayaa ku dhawaad ​​afartan sano ku qaatay xabsiga

    Nin u dhashay dalka Britain oo muddo soddon iyo siddeed sano ah xabsiga ugu jiray dil uu u geystay haweeney ayaa maxkamadda racfaanka ay laashay dambigii lagu soo oogay kaddib markii ay soo baxeen cadeymo cusub oo dhanka dhiiga hidda sidaha DNA-da.

    Peter Sullivan waxaa lagu helay danbi ah in uu dilay Diane Sindall oo ahayd labaatan iyo kow jir magaalo ku taal Waqooyi Galbeed England 1986.

    Adeegga Xeer Ilaalinta ayaa maxkamada u sheegay in cadaymaha DNA-da cusub ee goobta laga helay - oo aan ahayn midka Sullivan - ay si togan u wiiqday kiiskii ka dhanka ahaa.

    Booliska ayaa dib u furay baaritaanka ku aadan dilka Ms Sindall.

  6. Dhakhaatiirta dalka Itoobiya oo maanta shaqa joojin ku dhaqaaqay

    Xirfadlayaasha caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa maanta oo Talaado ah bilaabay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah oo ay kaga dalabanayaan mushaar kordhin ka dib markii uu dhamaaday waqtigii ay dowladda u qabteen in ay wax kaga qabato cabashadooda.

    Maalmihii ka horeeyay bilowga shaqo joojinta, shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin, ayaa isu soo baxyo badan ku qabtay gudaha iyo hareeraha isbitaallada dalka.

    Maalmihii la soo dhaafay tiro dhakhaatiir ah ayay boolisku ku xirxireen caasimadda Addis Ababa iyo meelo kale oo dalka ka mid ah iyadoo qaarkoodna la sii daayey.

    Dadka la xiray waxaa ka mid ah madaxii ururka mihnadlayaasha caafimaadka Itoobiya. Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa ku baaqday in la sii daayo dhammaan maxaabiista.

  7. Kenya Maxkamad amartay in xildhibaan hore oo Afgaanistaani ah ​​loo gacan geliyo Mareykanka

    maxkamad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, maxkamad

    Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ogolaatay in loo gacan geliyo Mareykanka Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Afgaanistaan ​​Haji Abdul Zaher Cqaadir. Mr qaadir ayaa wajahaya eedeymo la xiriira in uu maleegayay in uu dalka soo geliyo daroogo iyo in uu hub haysto.

    Madaxa cadaalada sare ee dalka Ben Mark Ekhubi ayaa sheegay in codsiga dhiibistiisa uu ahaa mid xaq ah waxa uuna amray in Qaadir lagu wareejiyo maamulada Mareykanka.

    Qaadir ayaa lagu xiray magaalada Nairobi kadib markii uu ka yimid magaalada Kabul, waxaana ilaa hadda uu ku jiray gacanta booliiska. Mareykanka ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo bishii March 2025.

    Si kastaba ha ahaatee, Qaadir ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan.

  8. Wararkii ugu dambeeyay safarka Trump ee Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa saacad ka caga dhigtay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

    Trump waxaa uu la kulmay Dhaxal Sugaha Boqortoyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, kaas oo bilow u ah safar uu ku marayo wadamada Khaliijka, taas oo ah safarkii ugu horeeyay uguna ballaarnaa ee uu galo tan iyo markii dib loo soo doortay.

    Doankd Trump waxaa uu rajeynayaa inuu maalgashi hor leh u sameeyo dhaqaalaha Mareykanka, inta u uku guda jiro safarkiisa oo qaadan doona afar maalmood, kaas oo uu ku marayo wadamada Khaliijka sida Sacuudiga oo uu haatan joogo, Qadar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Labada dhinac ayaa yeeshay kulamo horudhac ah, waxaana haatan la diyaarinayaa

    xaflad lagu qaxweyn doono, kaas oo ka dhici doona isla Riyadh.

    Waxaa lagu soo warramayaa in heshiiska uu kamid yahay Sacuudiga uu Mareykanka ka iibsado hub qiimahiisu yahay in ka badan 100 bilyan oo doolar iyo sidoo kale qalab milatari.

    Trump ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo heshiiskaas inta u uku jiro safarka.

    Waxyaabaha ugu badan ee uu Trump diiradda ku saarayo safarkiisa ayaa ah maalgashi hor leh oo lo sameeyo dhaqaalaha Mareykanka.

    Maanta iyo qeybo ka mid ah berri, madaxweyne Trump ayaa ku sugnaan doona magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudigga, ka hor inta uusan u gudbin dalal kale oo Khaliijka ka tirsan oo ay xulafo yihiin Mareykanka sida Qatar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

  9. Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan? Awoodda ka dambeysa Taajka boqortooyada Sucuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

    Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in "la soo qabto ama la dilo" weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

    Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

    Haddaba waa kuma Maxamed Bin Salmaan?

  10. Trump ma qorsheynayaa inuu gaaro Israa'iil?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ,ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqda Donald Trump ka dib markii dib loo doortay horaantii sanadkan.

    Haatan Trump waxaa uu ku suganyahay Bariga Dhexe, wuxuuna goor dhow ka caga dhigtay Sacuudiga, booqashadiisi ​​ugu horreeysay ee dibadeed balse, qorsaha safarkiisa kuma jirto inuu gaaro Israa’iil.

    Saraakiisha Israel ayaa lagu soo waramayaa inay si gaar ah maamulka Trump ugala hadleen inuu safarkiisa ku daro wadankooda, dadaalladaas oo u muuqda kuwo aan miro dhalin.

    Iyadoo safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, uu Sabtidii sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Israa’iil uu weli yahay mid xooggan.

    Waxaad sidoo kale halkan ka akhrisan kartaa:

  11. Wadahadal horudhac ah oo u bilowday Mareykanka iyo Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Dhaxal SUgaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa kulan horudhac ah ugu bilowday garoonka King Khaalid oo ku yaala maaalada Riyadh.

    Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mark Robio ayaa sidoo kamid ah wefdiga madaxweyne Trump.

    Halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa waxa ay ka wada hadlaan labada dhinac.

  12. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ka degay Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, US POOL

    Qoraalka sawirka, .

    Doanld Trump, madaxweynaha Mareykanka, ayaa haatan ka degay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

    Diyaaradda Trump, Air Force One, oo siday ayaa daqiiqado ka hor caga dhigatay dalkaas. Roog ayaa loo dhigaya madaxweynuhu, kaas oo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan milatariga Sacuudiga.

    Waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan wax yar ka dib, waxayna u sii gudbi doonaan hoteelka lagu wado inuu kulankooda ka dhaco.

    Waxyaabaha ugu badan ee uu Trump diiradda ku saarayo safarkiisa ayaa ah maalgashi hor leh oo lo sameeyo dhaqaalaha Mareykanka.

    Maanta iyo qeybo ka mid ah berri, madaxweyne Trump ayaa ku sugnaan doona magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudigga, ka hor inta uusan u gudbin dalal kale oo Khaliijka ka tirsan oo ay xulafo yihiin Mareykanka sida Qatar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

  13. War deg deg ah, Degdeg: Diyaaradda Air Force One oo caga dhigatay Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, Air Force One ayaa haatan ka caga dhigatay dalka Sacuudi Carabiya.

    Waa safarkii ugu horeeyay oo uu Trump ku tego dal caalami ah tan iyo markii madaxweyne loo doortay markii labaad.

  14. Trump oo ammaan kala dul dhacay Dhaxal Sugaha Sacuudiga

    Saacadha soo socda waxaa la filayaa inuu Sacuudiga ka dego madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Sanadkii 2019-kii, Donald Trump iyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa ku kulmay shir madaxeedkii G20 oo ka dhacay dalka Japan.

    Labadooda ayaa galay sawiro oo ay sidoo kale kula jireen hogaamiyeyaal kale oo caalamka ah.

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin " qabtay waxyaabo la yaab leh" waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay.

    Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: "Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday"

    Sawiradan ayaa xiligaas la qaaday.

    Waxaad sidoo kale halkan ka akhrisan kartaa:

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump oo salaamaya Bin Salmaan
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Bin Salmaan iyo Trump oo jooga shirka
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Salmaan oo ku quraacanayay Osaka
  15. Weriye caan ah oo lagu dilay Qasa

    .

    Xigashada Sawirka, TOI

    Qoraalka sawirka, .

    Ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Qasa ayaa sheegaya, in weriye sawirqaade Falastiini ah oo si weyn loo garanayay lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarun caafimaad.

    Xassan Aslih ayaa ku sugnaa isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis muddo ku dhow bil, kadib markii uu hore ugu dhaawacmay duqeyn hore.

    Milatariga Israa'iil ayaa ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii Xamaas ee Israa'iil ku qaaday Oktoobar 7-deedii sanadkii 2023-kii.

    Waxa uu daabacay tobanaan sawiro iyo muuqaalo muujinaya weerarka ka dhacay gudaha dhulka Israel.

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerar qorsheysan ku qaadeen xarunta taliska Xamaas ee ku taal dhismaha isbitaalka Naasir.

    Mr Aslih waxa uu sanado ka soo shaqeeyay Gaza isaga oo ah wariye madax banaan oo la shaqeeya wakaaladaha wararka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

  16. Trump oo saacadaha soo socda ka degaya Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Iyadoo lagu wado in todobaadkaan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqasho ku tago wadamada Khaliijka, ayaa booqashadiisa waxaa si gaar ah diiradda lagu saari doonaa sidii maalgashi cusub loogu heli lahaa dhaqaalaha Mareykanka.

    Trump ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta ah gaaro dalka Sacuudiga, taas oo noqoneysa booqashadiisi ugu horreysaay ee uu ku tegayo Bariga Dhexe tan iyo markii dib loo doortay.

    Inta badan booqashadiisa Khaliijka, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha dhaqaalaha marka loo eego dhibaatada amni ee ka taagan gobolka gaar ahaanna dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

    Trump ayaa sidoo kale booqan doona Riyadh, waxaana Arbacada lagu wadaa inuu sii wado safarkiisa oo uu tego dalka Qadar.

    Khamiistana, waxaa lagu wadaa inuu booqdo Isutagga Imaaraadka Carabta.