Ukraine : Sagaal qof oo lagu dilay weerar uu Ruushku ku qaaday bas ay saarnayeen dad rayid ah
Xigashada Sawirka, Sumy regional military administration
Qoraalka sawirka, Baska la duqeeyay
Sagaal qof ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen bas rakaab ah oo marayey waqooyi bari ee
dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.
Maamulka milatariga gobolka Sumy ayaa sheegay in afar qof oo
kale lagu dhaawacay magaalada Bilopilia subaxnimadii Sabtida.
Weerarkan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii Ruushka iyo
Ukraine ay ku yeesheen Turkiga wadahadal nabadeed oo toos ah tan iyo 2022-kii.
Milatariga Israa'iil oo weerar kale sheegay inay ku qaadayaan Qaza
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Taangiyada Israa'iil
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar
cusub oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta aaga ka tirsan marinka
Qaza.
Waxa ay sheegtay in ay qaaday duqeymo ballaaran,
islamarkaana ay abaabuleyso ciidan iyada oo ujeedadeedu tahay burburinta Xamaas
la burburiyo iyo sii daaynta la haystayaasha harsan.
Maamulka caafimaadka Qaza ayaa sheegay in weerarrada
Israa’iil ay ku dhinteen in ka badan laba boqol iyo konton qof tan iyo
subaxnimadii Khamiista.
Madaxa xuquuqul aadanaha Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa
sheegay in weerarrada oo ay weheliso xannibaadda gargaarka ay la mid yihiin
olole isir sifayn ah.
War deg deg ah, Maxaa ugu muhiimsan oo kasoo baxay wada hadaladii Turkiga ka dhacay ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka
Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan saddex sano oo uu socday dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee
Yurub tan iyo 1945, waxaa Jimcihii yimid tallaabo yar oo loo qaaday dhinaca
dimuqraadiyadda.
Wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka ayaa isha isugu timid wadahadallo
toos ah markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso 2022 – hal bil kadib markii
Moscow ay weerartay deriskeeda. Wadahadalladu waxay ka dhaceen qasri xilligii
Cusmaaniyiinta laga dhisay oo ku yaalla xeebta Bosphorus ee magaalada Istanbul.
Cadaadis iyo dhiirrigelin uga timid Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay in
labada dhinac ee is haya ay halkaas isugu yimaadaan.
Ma jirin gacan-qaad la is dhaafsaday, waxaana kala bar wufuudda Ukraine xidhnaayeen
dhar ciidanka ah oo dhammaystiran – taas oo xusuusin u ahayd in dalkoodu weli
weerar ku jiro.
Qolka waxaa lagu qurxiyey calamada Ukraine, Turkiga iyo Ruushka – laba calan
mid kasta – iyo ubax weyn oo la dhigay – meel aad uga fog magaalooyinka
burburay iyo xabaalaha buuxsamay ee Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa labada wufuud u
sheegay in ay jiraan laba waddo oo hor yaalla – mid nabad keeni karta, iyo mid dhimasho
iyo burbur dheeraad ah.
Wadahadalladu wax ka badan laba saac ma socon, waxaana si degdeg ah u soo
baxay kala duwanaansho xooggan. Mas’uul reer Ukraine ah ayaa sheegay in
Kremlin-ka uu keenay "shuruudo cusub oo aan la aqbali karin." Waxaa
ka mid ahaa in Kyiv laga rabo in ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo badan oo
dhulkeeda ah, si loo helo xabbad-joojin.
Inkasta oo wax horumar ah laga gaarin arrinta xabbad-joojinta – sidii la
filayay – haddana waxaa jirta hal natiijo oo la taaban karo oo laga war hayo.
Dhinac kasta wuxuu dib u celin doonaa 1,000 maxbuus oo dagaal dhinaca
kale ah.
Ruushka oo sheegay inuu "ku qancay" natiijada wadahadallada Ukraine ee ka dhacay Turkiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Halkan waxaa xusuusin degdeg ah oo ku saabsan
hadal uu sii daayay Vladimir Medinsky, oo madax u ahaa wafdiga Ruushka ee shirka
Turkiga
Medinsky ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay
natiijada ka soo baxday wada xaajoodyadii maanta isagoo xusay in labada dal ay
ku heshiiyeen saddex qodob oo kala ahaa.
Maxaabiis dagaal oo la is weydaarsanaayo.
In Ruushku "ay ogaysiis ku heleen"
codsiga Ukraine ee ah in wadahadal toos ah dhex mara Putin iyo Zelensky
Iyo in Ruushka iyo Ukraine ay soo bandhigi
doonaan aragti ah "xabad joojin mustaqbalka suurtagal ka ah"
"Marka aragtidan la soo bandhigo, taasoon
aaminsanahy in ay haboonaan doontoto, waxaa sidoo kale lagu heshiiyey inaan sii
wadno wada-xaajoodka," ayaa lagu yidhi qoraalka.
Macron oo ku eedeeyay Putin in uu wakhti sii iibsanayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo la
kulmay Keir Starmer iyo Volodymyr Zelensky intii lagu jiray shirweynaha
bulshada siyaasadda Yurub ee maanta ka furmay Albania, ayaa ku eedeeyay Putin
"inuu isku dayayo inuu waqti sii iibsado".
"Mar labaad, Madaxweyne Putin wuxuu diiday
inuu ka jawaabo hindisaha xabbad-joojinta shuruud la'aanta ah ee ay soo
jeediyeen Maraykanku oo ay taageerayaan Ukraine iyo reer Yurub," ayuu
yidhi galabta.
Macron waxa uu intaa ku daray in hoggaamiyeyaal
ay ka mid yihiin isaga, Zelensky iyo Starmer ay khadka taleefoonka kula hadleen
madaxweynaha Maraykanka Trump intii ay ku sugnaayeen Albaniya
“Hooyo, Maanta ayaan doorbidayaa in aan dhinto intaan beri sii silci lahaa”
Waxaan maqlaynay
sida ay nolosha ugu adag tahay iyo khatarta ayku jiraan qof kasta oo Qasa ku
nool, laakiin bal qiyaas sida ay xanuun ugusii tahay qof markii horeba aad usii
xanuunsanaa.
Abdel Rahman oo 20
jir ah ayaa lagu helay kelyahu in ay istaageen markii uu sagaal bilood jiray,
waxaana walaalkii keli looga bedelay isagoo 13 jir ah.
Dagaalka ka hor,
wuxuu bil walba ballan isbitaal ku lahaa gudaha Israa'iil si uu dawadii u baahnaa helo. Laakiin waxaas oo dhami waxay
joogsadeen wixii ka dambeeyay 7 Oktoobar 2023.
Hadda aad buu u
xanuunsanayaa, wuxuu dhawaan u sheegay hooyadiis, Najwa: "Hooyo, waan
dhimanayaa, waxaan ka door bidi lahaa inaan dhinto maanta intii aan berrito sii
silicsanaan lahaa."
Waxay tidhi wuu is
ruxayaa, is tuurayaa oo si joogto ah u daalan yahay. Waxay aad ugu baahan tahay
in loo ogolaado inuu ka baxo Gaza si loogu daweeyo dibadda wiilkeeda.
"Waxaan tagi dhakhtar
ilaa dhakhtar mar kasta oo aan guurnay," Najwa ayaa noo sheegtay.
"Waxa kaliya ee ay ahayd inay isaga siiyaan waxay ahayd cortisol, mase aha
daawaynta uu u baahan yahay."
Iyadoo isbitaallada
ay ku dhaceen duqeymaha cirka ee Israa’iil, waxay sheegtay inay hadda aad uga
baqeyso inay xitaa isku daydo inay aragto dhakhtar.
"Waxa kaliya ee
aan rabo waa in carruurtaydu ay noolaadaan oo ay wax noqdaan," ayay noogu
sheegtay taleefan. "Hadda waxaan jeclaan lahaa inay dib ugu laabtaan
uurkayga, ku noolaanshaha halkaan waa
cadaab nool."
Colaadda Qasa oo laga yaabo inay gasho weji cusub ka dib markii Trump uu ka tagay Bariga Dhexe,
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kadib soo gabagabaynta socdaalka Trump ee Bariga Dhexe iyo safar degdeg ah oo horseeday heshiisyo ganacsi
oo balaayiin dollar ah, balse ku guuldareystay in uu keeno xabbad-joojin cusub
oo Qasa ah, waxaa laga yaabaa in aan horey u ognahay waxa Israa’iil
qorsheyneyso inay samayso.
Benjamin Netanyahu ayaa si isdaba joog ah u sheegay in dagaalku sii
xoogeysan doono, wuxuuna yidhi “waxba kama jiraan” in uu dagaalku illaa Xamaas
laga adkaado. Haddii golaha amniga ee Israa’iil uu siiyo oggolaanshaha ugu
dambeysa howlgalka la yiraahdo “Gideon’s Chariots”, oo ah howlgal cusub oo
Israa’iil, colaadda waxay gashay weji cusub ee aad u daran.
Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in howlgalkaasi uu noqon doono weerar
baaxad weyn leh, iyadoo inta badan dadka Qasa lagu qasbi doono inay u guuraan
dhul yar oo koonfurta marinka Qasa ku yaal.
Dadweynaha Qasa oo ah 2.1 milyan oo ruux oo gaajaysan, daallan oo dagaal
la ildaran, waxay ka dhigan tahay duqeymo cirka ah iyo imaanshaha kumannaan
askar Israa’iiliin ah kale – kuwa joogtada ah iyo kaydka ahba – ay dhulka soo
galaan.
Inkasta oo tirada dadka Israa’iil ee taageersan heshiis xabbad-joojin ah,
soo celinta maxaabiista haray iyo dhammaadka dagaalka ay sii kordhayaan,
raysalwasaaraha Israa’iil wuxuu ku adkeysanayaa in hadafkiisu yahay in si
buuxda loo burburiyo Hamas.
Waloow la filayo in gargaar degdeg ah laga bixiyo xarumaha barakicinta ee
IDF, hay’adaha gargaarka waxay sheegayaan in kadib 20 bilood oo dagaal ah iyo
11 toddobaad oo go’doominta Israa’iil ah, baahiyaha cunno iyo daawo ee dadka ay aad
u sarreyn doonaan.
Ka dib, lama oga ilaa goorma ciidamada Israa’iil ay sii joogayaan Qasa
iyo waxa Netanyahu damacsan yahay iyo waxuu la rabo dadka reer Qasa – marka laga reebo in uu ku
dhiirrigelinaayo kumannaan ka mid ah inay u guuraan waddamada Carabta ee
dariska ah.
Wakiil ka socda Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay
in afarta ilaa shanta bilood ee soo socota, "nus milyan qof ay ku jiri
doonaan xaalad masiibo ah" haddii ay sii socoto xannibaadda gargaarka ee
Israa'iil.
Isagoo la hadlayay BBC-da, Rik Peepercorn wuxuu sheegay in
WHO ay si wanaagsan gargaar u diyaarisay markii xabbad joojin gaaban la isku
afgartay bartamihii Janaayo, laakiin sahayda ay hadda "si dhab ah u sii
yaraanayso".
"Waxaan ku dhibtooneynaa inaan bixinno sahayda,"
ayuu yidhi, isagoo xoogga saaraya: "Dhammaan sahaydu waxay ka gudbeen
xadka."
"Taasina waxay u badan tahay inay tahay dhank ugu
xanuunka badan - in kumanaan ka mid ah baabuurtan ay sugayaan inay galaan Gasa."
War deg deg ah, Qiiq laga arkay isbitaal ku yaala Qasa oo la geeyay dad dhaawac ah
Xigashada Sawirka, Instagram
BBC Verify ayaa xaqiijisay ugu yaraan hal muuqaal oo
muujinaya imaanshaha dadka dhaawaca ah, oo ay ku jiraan hal cunug iyo qof dumar
ah, oo la dhigay cisbitaalka Indonesia ee waqooyiga Qasa, halkaas oo laga soo
sheegay weeraro habeenimo ah.
Sawirka muuqaalka ah ayaa muujinaya gabar yar oo dhimatay oo
laga soo qaaday gaari gurmad ah oo loolana cararay albaabka weyn ee isbitaalka.
Qof kale ayaa lagu qaaday biraha dhaawaca lagu qaado, qof dumar ah ayayna labo
nin in ay kasoo dajiyaan gaadhiga.
Cisbitaalku waa dhisme saddex dabaq ah oo leh daaqado
dhaadheer oo fiiqan kuwaas oo si degdeg ah u sahlaya in la aqoonsado.
Saacado ka dib, markii waagu baryay, laba muuqaal oo kale
ayaa laga duubay isbitaalka agtiisa oo muujinaya qiiq qaro weyn oo dhowr boqol
oo mitir u kacaya dhanka bari. Ilaa hadda lama xaqiijinin halka uu qiiqu ka
yimid.
War deg deg ah, Suurtagalnimada dhabta ah ee macluusha ayaa socon doonta haddii aan la xalin khilaafka gargaarka,
Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo warbixinnada gaajada Qasa ay sii adkaanayso in la
iska indho tiro, baahida loo qabo xal u helidda gargaarka bani'aadamnimada ayaa
usii kordhaysa si daran.
Warbixintii u dambaysay ee ee Hay’adda Integrated Food
Security Phase (IPC), oo la soo saaray horraantii toddobaadkan, ayaa ka digtay
in ku dhawaad rubuc ka
mid ah dadka rayidka ah ay wajihi doonaan masiibo heerar cunto yari ah bilaha
soo socda.
Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in ay jirto cunto ku
filan oo la heli karo, balse wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in walaac laga
muujiyay ciidamada Israa’iil oo laga yaabo in macaluul baahsani dhacdo haddii
aan gargaar degdeg ah la bilaabin.
Kooxda ka dambeysa Hay'adda Gargaarka Bani'aadamnimada ee
Gaza ee dhawaan la aasaasay ayaa shalay ku booriyay Israa'iil inay
"aqoonsadaan oo coladdana ka joojiyaan" aagagga waqooyiga Gaza ee ku
habboon qaybinta gargaarka iyo inay sidaas sameeyaan 30 maalmood gudahood.
Hay’adda GHF, ayaa sheegtay inay bilaabayso qaybinta
gargaarka dhamaadka bishan, waxaana si weyn u dhaleeceeyay Qaramada Midoobay
iyo hay’adaha kale ee gargaarka inay diyaar u yihiin inay ka barbar shaqeeyaan
Israel.
"Waxay ku xidhaysaa gargaarka shuruudo ku xidhan
ujeedooyinka siyaasadeed iyo kuwa ciidanka," ayuu ku xigeenka xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada, Tom
Fletcher, u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay talaadadii.
Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalin khilaafka ka
dhashay bixinta gargaarka, waxaa jirta suurtagalnimo dhab ah oo ah in markii
ugu horreysay tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa, ay ugu dambeyntii
macaluul dhici doonto.
War deg deg ah, Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in maxaabiista dagaalka ay isweydaarsadaan ka dib wadahadalo toos ah muddo sanado ah,
Qoraalka sawirka, Shirka Turkiga ka socda
Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay isdhaafsadaan
1,000 maxaabiis dagaal ah midkiiba ka dib wadahadal fool ka fool ah oo ah kii
ugu horeeyay muddo saddex sano ah.
Taariikhda wareejinta waa la cayimay, laakiin si rasmi ah
looma shaacin, wariyaheena Vitaliy Shevchenko ayaa warbixintan ka soo diray
Istanbul.
Ukraine ayaa sidoo kale codsatay wadahadal toos ah oo ay la
yeelato madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin - Moscow ayaa sheegtay in ay "
diiwaangelisay" codsigan
Saraakiisha Turkiga, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda
Hakan Fidan, ayaa fududeeyay wada-hadallada nabadeed - oo labada dhinac ay
sheegeen in ay ka mid tahay in laga wadahadlo xabbad joojin suurtagal ah.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay
"falcelin xooggan" haddii aan heshiis xabbad joojin ah la gaarin
wadahadallada ka dib.
Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa
sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Putin “sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan awoodno”,
iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu yidhi "loo
baahan yahay dilka in la joojiyo" ka dib kulankii uu Istanbul uu kula
qaatay mas'uuliyiinta Ukraine iyo Turkiga.
War deg deg ah, ‘‘Dhammaantayo waxaan sugeynaa geeri” ayuu yidhi nin ka dib markii la dilay walaashii oo uur leh,
Xigashada Sawirka, Reuters
Nin reer Khan Younis oo ku sugan koonfurta Qasa ayaa
noo sheegay in walaashiis oo uur leh lagu dilay gurigeeda, iyadoo aan weli
maqalno dadka ay saameeyeen weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil – oo ay
hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas maamusho ay sheegtay inay ku dileen ku
dhawaad 100 qof.
Ninkan oo aan
magaciisa la sheegin ayaa BBC-da u sheegay in Israa'iil ay "duqeysay
guriga xilli walaashay iyo ninkeeda ay gudaha ku jireen," isagoo intaas ku
daray in walaashii ay lahayd "uur shan bilood ah".
"Waxay u
muuqataa in aan xal loo helin dhibaatadeena," ayuu yidhi.
"Dhammaanteen waxaan sugeynaa oo kaliya inta aan dhimanayno."
Israa'iil ay
xaqiijisay in hawlgalkeeda ciidan uu ka sii socdo Gaza, ninku wuxuu ku
nuuxnuuxsaday "ma jirto meel ammaan ah oo ku taal marinka Gaza".
War deg deg ah, 'Ma lihin awood aan ugu noolaano barokac kale'
Qoraalka sawirka, Adham al-Batrawi
Horraantii
sanadkan, waxaan la hadalnay dad ku soo laabanaayay guryahooda waqooyiga Qasa
intii ay socotoy xabbad-joojinta. Waxaa ka mid ahaa Adham al-Batrawi, oo ah
naqshadeeye [Graphic Designer], 31 sano jir ah.
Wuxuu ku laabtay
magaalada al-Zahra oo hore u ahayd meel hodan ah, wuxuuna ku noolaa gudaha iyo
agagaarka burburka villa-da qoyskiisa, isagoo dab u shidi jiray si uu wax ugu
karsado diirimaadna uga helo.
“Waan ku farxay dib
ugusoo noqday, laakiin markaan arkay guriga – oo kala badh burburay. Waan
murugooday,” ayuu markaas yidhi.
Qoyska waxay
rajeynayeen inay guriga dhisaan, balse markii xabbad-joojintu dhammaatay, waxay
noqotay mid aad u khatar ah in la sii joogo, sidaas darteed way qaxeen mar
kale.
“Tani waxay ahayd
markii toddobaad ee nala barakiciyo. Waxaa laga yaabaa inay ka badan tahayba. Tirintii
ayaanba lumiyay” ayuu iigu sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray xero
barakacayaal ku sugan bartamaha Gaza.
“Mar kasta oo nalasii
barakiciyo, noloshu waxay kasii noqotaa mid ka murugo badan tii hore. Rejo weyn
ayaan qabnaa in dhammaadku dhow yahay, maxaa yeelay awood kale uma hayno inaan
ku badbaadno barakac kale.”
Maanta, wuxuu
sheegayaa in noloshu tahay mid “aad u
adag” – “ma jiro shidaal, ma jirto cunto, ma jiro wax dakhli ah, haddii wax la
helana aad bay qaali u yihiin.”
War deg deg ah, "Wax badan oo wanaagsan baa dhici doona bisha soo socota” Trump oo ka hadlay xaaladda Qasa
Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump oo ka hadlay xalaadda Qasa
Donald Trump ayaa hadda la hadlay saxafiyiinta xilli uu ka
soo kicitamay bariga dhexe.
Madaxweynaha Mareykanka oo la weydiiyay in uu taageersan
yahay qorshaha Israa’iil ay ku ballaarineyso duullaanka ay ku heyso Gaza, wuxuu
yiri, “Waan arki doonnaa waxa dhaca”
Waxa uu intaa ku daray inuu u maleynayo "waxyaabo badan
oo wanaagsan ayaa ka dhici doona bisha soo socota" Gaza, laakiin ma bixin
wax faahfaahin ah.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu u baahan
yahay inuu "caawiyo Falastiiniyiinta" wuxuuna qiray "dad badan
ayaa gaajo u dhimanaya".
Markii tafatirahayaga Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher uu
wax ka waydiiyay qorshaha suurtagalka ah ee Xamaas ay ku doonayso in ay xukunka
iskaga wareejiso, Trump waxa uu yidhi: "Waxa aanu eegaynaa wax walba,
laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu dib u soo ceshanno la haystayaashii."
War deg deg ah, Duqeyntu “Waxay ka timid jiho walba”: Nin ka warramaya weerarkii waqooyiga Gaza.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Falastiiniyiintu waxay indha-indheynayaan khasaarihii ka dhashay duqeyn Israa’iil ku qaaday guri ku yaalla Jabalia, waqooyiga Gaza.
Waxaan hadda la hadalnay nin ka soo cararay Beit Lahia,
waqooyiga Gaza, kaddib weerar Israa’iil ay geysatay oo uu sheegay inuu ku dilay
xubno badan oo qoyskiisa ka mid ah.
Basheer al-Ghandour wuxuu sheegay in dadku ay hurdayeen
markay si lama filaan ah u bilaabatay duqeyn xooggan habeennimo.
“Waxay ka imaanaysay dhammaan jihooyinka – duqeymo cirka ah
iyo kuwo maraakiib dagaal. Guriga walaalkay ayaa dumay. Waxaa gudaha ku jiray
25 qof,” ayuu yidhi.
Basheer wuxuu sheegay in ay dhawaaqa taangiyada maqleen,
laakiin aysan si toos ah u gaarin xaafaddooda.
Isaga iyo dad kale waxay isku dayeen in ay ka soo saaraan
qaraabadooda burburka hoostiisa.
“Qoyska waxaa ku dhaawacmay 11 qof, shana waa la dilay.
Xaaska walaalkay weli waxay ku hoos jirtaa burburka – ma aanan u suurtagelin in
aan soo badbaadino. Duqeyntu aad bay u xoogganayd, markaas waxay noqotay in aan
cararno,” ayuu yidhi.
“Waxba ma aanan soo qaadan – alaab ma hayno, cunto ma hayno,
bur ma haysano. Xitaa lugaha ayaanu ku baxsannay annagoo cago cad.”
Wuxuu sheegay in gabdho uu adeer u yahay, oo da’doodu tahay
5 iyo 18 sano, iyo wiil adeer u ah oo 15 jir ah ay ka mid ahaayeen kuwa la
dilay.
Basheer hadda wuxuu ku sugan yahay Jabalia, waqooyiga Gaza,
balse wuxuu filayaa inuu mar kale u hayaami doono goor dhow.
BBC-da waxay weydiisatay Ciidamada Difaaca Israa’iil inay
faallo ka bixiyaan.
Xisbiga TPLF ee gobolka Tigree oo digniin jeediyay baaqna u diray midowga Afrika
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dib u dhaca ku yimid dadaaladii lagu doonayay in lagu dhaqan geliyo heshiiska nabada
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Itoobiya ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inay soo farageliyaan dadaallada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo dowladda kadib markii guddiga doorashada ay kala noqdeen warqadda aqonsiga sharciga xisbi ahaan.
Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa sheegay in tallaabada looga mamnuucay dhaqdhaqaaq kasta oo siyaasadeed ay tahay mid “khatar weyn” ku ah heshiiskii 2022kii- lagu soo afjaray colaad laba sano ka socotay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Xisbiga Tigreega oo xukumaya dalka Itoobiya sanado badan ayaa la mamnuucay Arbacadii kadib markii uu ku guuldareystay inuu qabto shirka guud ee xisbiga.
Go’aankan ayaa daba socda xiisad siyaasadeed oo bilihii lasoo dhaafay ka taagneyd gobolka Tigray, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli ay dalka oo dhan ka dhici doonto doorashada la filayo in la qabto bisha June ee sanadka soo socda.
Waxa ay dagaal sokeeye oo laba sano ah la galeen dawladda kaas oo ku dhammaaday heshiis la saxeexay November 2022 ka dib kumannaan qof lagu dilay, malaayiin kalena lagu barakiciyay waqooyiga Itoobiya.
Ukraine oo ay ka burburtay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu Mareykanka siiyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ukraine ayaa
sheegtay in ay burburtay mid ka mid ah diyaaradaha casriga ah ee dagaalka ee F16 ee Maraykanka
lagu sameeyo, kadib shil diyaaradeed oo dhacay.
Waxa ay
sheegtay in duuliyihii diyaaradda uu badbaaday, dhacdadana aysan u muuqan mid
ka dhalatay weerar uu Ruushka soo qaaday.
Diyaaraddan
ayaa la sheegay inay soo ridday saddex bartilmaameed intii ay hawada ku jirtay
ka hor inta aysan burburin.
Xaaladda duuliyaha diyaaradda waday ayaa la sheegay inay wanaagsantahay.
Diyaaradda
nooceedu yahay F16, ayaa noqoneysa diyaaraddii abaad oo ay Ukraine ka burburto
tan iyo markii ay sanadkii hore ay diyaaradahan ugu deeqeen saaxibadooda Mareykanka.
Asbestos: Maxay tahay sunta halista ah ee ka dhalatay howlgalka militari ee Israa'iil ka waddo Qasa?
Qoraalka sawirka, .
Dagaalka militari ee Israel ee Gaza waxa ka dhashay shucaac sun ah oo loo yaqaan asbestos.
Macdanta, oo mar si weyn loogu isticmaali jiray qalabka dhismaha, waxay hawada ku sii deysaa shucaac sun ah marka la qaso kuwaas oo ku dhegi kara sambabbada oo - tobannaan sanana - sababi kara cudurka kansarka.
Hadda isticmaalkeeda ayaa laga mamnuucay adduunka intiisa badan, laakiin wali waxay ku dhex jirtaa dhismayaal badan oo duug ah.
Gaza, waxa laga helaa saqafyada asbestos-ka ee loo isticmaalo guud ahaan dhulka ay ku yaalaan sideedda xero qaxooti ee magaalooyinka - kuwaas oo loo sameeyay falastiiniyiintii ka soo qaxay ama laga saaray guryahoodii intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee saandkii 1948-49 - sida ay sheegtay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP).
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2024, UNEP waxay ku qiyaastay ilaa 2.3 milyan oo tan oo burbur ah in ay yalaaan guud ahana Gaza oo dhan kuwaas oo laga ayaabo in ay ku jiraan sunta asbestos.
Israa’iil oo hanjabaad cusub dirtay iyadoo uu weli Trump safar ku joogo gobolka
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, .
Waxaa lagu
soo warranmayaa in Israa’iil ay hawlgal militari oo ballaaran ka bilowday
waqooyiga fog ee marinka Qaza.
Wasaaradda
caafimaadka ee ay kooxda Xamaas maamusho, ayaa sheegtay in ugu yaraan shan iyo
labaatan qof la dilay.
Falastiiniyiinta
ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay cirka, dhulka iyo baddaba ka weerareen magaalada
Beit Lahiaoo isla Qasa ka tirsan.
Israa’iil
ayaa ballan qaaday in ay qaadi doonto weerar millatari oo ballaaran ayna la
wareegeyso dhammaan Qasa, haddii uusan jirin heshiis nabadeed oo cusub oo ay la
galaan kooxda Xamaas, inta uusan soo dhamaan safarka madaxweyne Trump ee
gobolka.
Maamulka
Trump ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda bini’aadantinimo ee ka
jirta Qasa, halkaas oo Khamiistii lagu dilay in ka badan boqol Falastiiniyiin
ah.
Gabar Tiktok caan ka ahayd oo la dilay iyadoo toos ula hadleysa taageerayaasheeda
Qoraalka sawirka, .
Gabar 23 jir ahayd oo u dhalatay dalka Mexico isla markaana caan ka ahayd baraha bulshada ayaa la toogtay iyadoo si toos ah muuqaal uga baahineysay barteeda TikTok, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka.
Valeria Marquez ayaa la dilay ka dib markii nin uu soo galay goob lagu qurxiyo dumarka ee ay ku lahayd magaalada Guadalajara, halkaas oo uu "sida la sheegay rasaas kaga riday," sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Jalisco.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee weerarkaasi loo fuliyey, balse kiiska waxaa hadda loo baarayaa sidii dil dumar oo ku salaysan (femicide) — oo ah marka dumar ama haween loo dilo sabab la xiriirta jinsi ahaan dumarnimadooda, sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.
Dilka iyo tacaddiga ku salaysan jinsiga ayaa aad ugu badan dalka Mexico, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in celcelis ahaan 10 dumar ama 10 gabdhood la dilo maalintii, inta badanna ay geystaan rag qaba ama xubno qoysaskooda ka tirsan.
Daqiiqado yar ka hor geerideeda, Ms Marquez waxay fadhiday miis iyadoo gacanta ku haysa kartoon yar oo loo ekeysiiyay xayawaan, gudaha salon-keeda oo ku yaalla deegaanka Zapopan, iyadoo si toos ah barteeda Tiktok ugala hadlaysay taageerayaasheeda.