Trump iyo Dowladaha Khaliijka: Muxuu midba midka kale ka doonayaa?

.

Iyadoo todobaadkaan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqasho ku tagi doono wadamada Khaliijka, ayaa waxa ugu horeeya ee diiradda lagu saari doonaa sidii loo heli lahaa maalgashi cusub oo la taaban karo oo lagu sameeyo dhaqaalaha Mareykanka.

"Madaxweyne Trump wuxuu doonayaa inuu ku dhawaaqo in lacag badan oo ka imaaneysa Khaliijka ah ay ku soo qulquli doonto Mareykanka," ayay tiri dhaqaaleyahan Karen Young, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Bariga Dhexe.

Waxa ay intaa ku dartay, "Trump waxa uu rabaa in uu boor weyn dhegsado inta kulamadiisu socdoaan, isaga oo sharxaya halka ay ku wajahan yihiin maalgashiyadan iyo qiimaynta saamaynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha Maraykanka marka la eego awoodda ay u leeyihiin in ay abuuraan shaqooyin iyo wax soo saarka gudaha oo ay si weyn u taageerayaan."

Trump ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga 13-ka bishan May oo Talaado ah, si uu ula kulmo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Trump ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Khaliijka ee ka dhici doona Riyad May 14-keeda, ka hor inta uusan isla maalintaas u safrin Qatar, isagoo safarkiisa saddexda maalmood ah ku soo gabagabeyn doona Imaaraadka Carabta May 15.

Muhiimadda dhaqaale ee gobolka u leeyahay Trump waxaa caddeyn u ah in booqashadiisa Sucuudiga markii hore loo qorsheeyay inay noqoto safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda inta uu ku jiro xilligiisa labaad ee madaxtinimada Aqalka Cad, ka hor intaanay dhimashada Pope Francis ku qasbin inuu ka qeyb galo aaskii ka dhacay Rome dabayaaqadii Abriil.

Sidoo kale, Sucuudiga wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Trump booqdo intii uu ku jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay ee madaxtinimada, taasoo jebisay dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynayaasha Mareykanka ay safaradooda ku bilaabi jireen Ingiriiska, Kanada iyo Meksiko.

Sanduuqa Maalgelinta ee Sacuudiga Dadweynaha ayaa leh boqolkiiba 8.4 saamiga Uber.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanduuqa Maalgelinta ee Sacuudiga Dadweynaha ayaa leh boqolkiiba 8.4 saamiga Uber.

Helidda maalgashiga cusub ee Mareykanka ee ka imaanaya wadamada Khaliijka, gaar ahaan Keydka dowladdaha, waxay ka caawin doontaa Trump farriin uu doonayo in ay gaarto dadka Mareykanka ah, taasoo ah inuu shaqeynayo halku dhigiisii ahaa "America First".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Booqashada madaxweynaha ayaa soo jiidan doonta maalgashadayaasha waaweyn ee Wall Street iyo Silicon Valley ee Sacuudiga. Madal maalgashi oo Sacuudiga iyo Mareykanka ah ayaa lagu qaban doonaa Riyad bishan May 13-keeda, iyadoo ay ka soo qayb galayaan maamulayaasha BlackRock, Palantir, Citigroup, IBM, Qualcomm, Alphabet, iyo Franklin Templeton.

Kororka maalgashiga ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan caqabado dhaqaale, maadaama canshuuraha cusub ee Madaxweyne Trump uu saaray badeecadaha ay carqaladeeyeen ganacsiga caalamiga ah isla markaana hoos u dhigeen kalsoonida lagu qabo dhaqaalaha Mareykanka laftiisa. Wax soo saarka dhaqaale ee Mareykanka ayaa hoos u dhacay saddexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan, taasoo ahayd hoos u dhacii ugu horreeyay ee muddo saddex sano ah gudahood.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Amiir Maxamed bin Salman wuxuu sheegay in Sucuudigu uu ku maalgelin doono 600 bilyan oo doolar gudaha Mareykanka sannadaha soo socda. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa hore u sheegay inuu doonayo in lacagtaas la gaarsiiyo 1 trillion, taas oo ay ku jirto iibsashada qalab militari oo dheeraad ah.

Cali Al-Shihabi, oo ah qoraa iyo falanqeeye Sucuudi ah oo xiriir dhow la leh dowladda Sucuudiga, ayaa sheegay in dhowr heshiisyo dhaqaale ah lagu wado in lagu saxiixo booqashada Trump.

Al-Shihabi wuxuu intaas ku daray, "Heshiisyadani waxay horseedi doonaan isdhexgal ballaaran oo ka dhex abuurma dhaqaalaha Sucuudiga iyo Mareykanka, mashaariic wadajir ah oo dhex mari doona Sucuudiga iyo Mareykanka, iyo sidoo kale iibsashada hub iyo alaabo Mareykan ah."

Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sucuudiga, oo maamulaya 925 bilyan oo doolar oo hanti ah, wuxuu horey u sameyay maalgashiyo badan oo gudaha Mareykanka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah Uber, Electronic Arts, iyo shirkadda baabuurta korontada ee Lucid.

Imaaraadku wuxuu hore u ballan qaaday inuu 1.4 trillion ku maalgelinayo Maraykanka tobanka sano ee soo socda, qaybo ay ka mid yihiin sirdoonka tamarta, iyo wax soo saarka. Aqalka Cad ayaa arrintan ku dhawaaqay bishii Maarso ee la soo dhaafay ka dib kulan magaalada Washington ku dhex maray la taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Sheekh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan iyo madaxweyne Trump.

Si kastaba ha ahaatee, Young oo ka tirsan Machadka Daraasaadka ee Bariga Dhexe ayaa aaminsan in cabbirka maalgashigani uu yahay mid aan macquul ahayn muddada gaaban. Si kastaba ha ahaatee, waxay aaminsan tahay in loo baahanyahay tillaabooyin istiraatijiyadeed oo mustaqbalka fog ah, iyada oo xustay in ay tahay in "si taxadar leh looga fikiro arrimahaan."

Marka la eego heshiisyo gaar ah oo lagu dhawaaqi karo inta lagu guda jiro booqashada Trump, ayaa warbixinada qaar waxaa ay tilaamayaan in Sacuudi Carabiya ay aqbali doonto inay iibsato hubka Mareykanka iyo qalabka militari ee qiimihiisu ka badan yahay 100 bilyan.

Hubkan ayaa la sheegay inay isugu jiraan gantaalo, diyaarado iyo hub kale oo casri ah.

Mareykanka ayaa muddo dheer hubka ka iibsanayay Sacuudiga, balse sanadkii 2021-ka, maamulkii Biden ayaa hakiyay iibinta hubkii walaac uu ka qabay doorka Riyaad ay ku leedahay dagaalka Yemen.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dilkii 2018-kii loo geystay saxafigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa arrin kale sabab u ahayd, iyadoo warbixin Mareykanku uu soo saaray lagu sheegay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu oggolaaday dilkiisa.

Aqalka Cad ayaa mar kale dib u bilaabay iibinta hubka ee Sacuudi Carabiya sanadkii hore, iyadoo Washington ay muujisay in Sacuudi Carabiya ay joojisay weerarradii ay ku haysay Yemen, haddana dadka ka faallooda arrimahaan ayaa soo jeediyay in Mareykanku uu taageero Sucuudiga u raadinayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda marinka Qasa iyo in uu taageero dib u dhiska mustaqbalka ee Qasa.

Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sucuudiga, oo maamulaya 925 bilyan oo doolar oo hanti ah, wuxuu horey u sameyay maalgashiyo badan oo gudaha Mareykanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sucuudiga, oo maamulaya 925 bilyan oo doolar oo hanti ah, wuxuu horey u sameyay maalgashiyo badan oo gudaha Mareykanka ah.

Al-Shihabi wuxuu sheegay in Sucuudiga uu ka doondoonayo Aqalka Cad ballanqaad ku saabsan in Mareykanku dhisi doono "nidaam wax iibsasho oo hufan," si u helo rasaas iyo qalab militari si degdeg ah oo fudud.

Al-Shihabi wuxuu intaas ku daray in "xukuumadda Trump ay bilaawday tallaabooyin lagu fududeynayo heshiisyadan," isagoo filaya in "hannaankan uu si degdeg ah u hagaagi doono."

Garaadka macmalka ah (AI) ayaa sidoo kale noqon doona mowduuc weyn oo ka mid ah ajandaha Trump. Wadahadalladu waxaa la filayaa inay diiradda saaraan sidii loo soo jiidan lahaa maalgashi dheeraad ah oo Khaliijka ka yimaada si loogu geeyo shirkadaha tignoolajiyadda Mareykanka, iyo sidii gobolka Khaliijka u heli lahaa marin u fudud oo horumarsan.

Labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ayaa maalgelinaya balaayiin doolar oo ku wajahan qaybaha tignoolajiyadda iyo garaadka macmalka ah, iyagoo isku dayaya inay dhaqaalahooda ka madax banneeyaan saliidda.

Gaar ahaan, Imaaraadku wuxuu doonayaa inay is dhisaan oo noqdaan xarunta caalamiga ah ee garaadka macmalka ah.

Aqalka Cad ayaa la filayaa inuu diyaariyo xeerar cusub oo ay ka mid yihiin wadahadallo toos ah oo lala yeesho dalal uu ka mid yahay ee Imaaraadka Carabta.

"Imaaraatka, tani waa u muhiim," Young ayaa tiri. "Waxay si adag uga shaqeynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen awoodooda AI. Markaa, helitaanka tignoolajiyada Mareykanka ayaa muhiim u ah inay noqdaan kuwa ugu fiican gobolka."

In kasta oo dadaalka intiisa badan diiradda lagu saari doono ajandaha Trump uu ku doonayo inuu ku soo jiito Khaliijka, haddana Sacuudi Carabiya waxay si isku mid ah diiradda u saareysaa soo jiidashada maalgashiga Mareykanka ee barnaamijkeeda 2030-ka.

Mashaariicda dhismaha ee waaweyn, sida The Line, Vision 2030 waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaallada joogtada ah ee dawladda Sucuudigu ku doonayso in dhaqaalaha dalka lagaga saaro shidaalka.

Tani waxay sidoo kale muhiim uga dhigan tahay khayraadka madadaalada, dalxiiska, macdanta, iyo qaybaha isboortiga.

Si kastaba ha ahaatee, maalgashiga tooska ah ee shisheeye ee Sucuudiga ayaa hoos u dhacay sannadkii saddexaad oo xiriir ah ee 2024-kii, taas oo ka tarjumaysa caqabadaha aan indhaha laga qarsan karin.

Dhanka Sacuudiga, booqashada Trump waxay uga dhigantahay xoojinta xiriirka ay la leedahay xulafada reer galbeedkakan ugu da'da weyn, xiriirkaas oo xumaa intii uu jiray maamulkii Biden. Madaxweyne Trump, ujeedadiisu waxey tahay in la soo gabagabeeyo heshiisyo maalgashi oo loo arki karo kuwo guul u ah ajandihiisa dhaqaale.

"Madaxweyne Trump wuxuu raadinayaa arrin weyn oo loogu talagalay maalgashiga Maraykanka, wuuna heli doonaa inta lagu jiro booqashadan," ayuu yiri Al-Shahabi.