Ninkii Maraykanku madaxiisa dul dhigay 10-ka milyan oo booqanaya Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Suuriya Axmed Sharaa ayaa ku tagay magaalada Washington booqasho rasmi ah, laba maalmood uun kadib markii Mareykanku si rasmi ah uga qaaday magaca "Argagixiye Caalami ah oo Si Gaar ah Loo Calaamadeeyay".
Hoggaamiyihii hore ee Islaamiyiinta ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Isniinta, iyadoo ay ka soo wareegtay 11 bilood markii isbahaysigiisa fallaagada ahi uu xukunka ka tuuray Bashaar al-Asad.
Saacado ka hor intaanu iman caasimadda Mareykanka ayaa la shaaciyey in hay'adaha amniga Suuriya ay xidheen tobanaan qof oo looga shakisan yahay xubinnimada kooxda loo yaqaan Daacish.
Dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo waxa ka hadhay kooxdaas gudaha Suuriya ayaa la filayaa inay noqdaan arrin mudnaan leh marka Sharaa iyo Trump ay wadahadlayaan.
Mas'uuliyiinta Suuriya waxay sheegeen in 71 qof oo looga shakisan yahay kooxdaas la qabtay, hub iyo walxaha qarxa ahna la soo helay.
Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, Sharaa wuxuu ku dedaalayay inuu dib u soo celiyo muuqaalka iyo joogitaanka Suuriya ee fagaarayaasha caalamka, kaddib tobannaan sano oo go'doon ah xilligii nidaamkii Asad iyo 13 sano oo dagaal sokeeye ahaa.
Bishii Sebteembar ayuu u safray Mareykanka si uu uga hadlo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu ku sheegay in Suuriya ay "dib u hananayso meeshii ay ku lahayd qaramada adduunka", isla markaana uu ugu baaqay beesha caalamka in laga qaado cunaqabataynta.
Toddobaadkan horraantiisii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraar Mareykan ah oo lagu taageerayo in la qaado xayiraadaha, taasoo la jaanqaadaysa geeddi-socodka ay Washington muddo bilo ah ku yareynaysay cunaqabataynta saaran Suuriya iyo hoggaamiyayaasheeda cusub.
Jimcihii, Sharaa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha, Anas Xasan Khattab, ayaa laga saaray liiska Mareykanka ee dadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan ama maalgelinayaan kooxo xagjir ah.
Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go'aankaasi yahay "aqoonsi horumarka ay muujiyeen hoggaanka Suuriya."
Sharaa waxaa hore loogu diiwaangeliyey magaca Muxammad al-Jowlani, magac uu isticmaali jiray markii uu ahaa hogaamiyaha kooxda Xayaat Tahrir al-Shaam (HTS), oo xidhiidh la lahayd al-Qaacida ilaa sannadkii 2016 markii uu xiriirka jaray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kahor inta uusan hoggaamin HTS, Sharaa wuxuu u dagaalamay al-Qaacidada Ciraaq, wuxuuna xabsi ugu jiray ciidamada Mareykanka muddo. Sidoo kale waxaa la dulsaaray lacag gaadhaysa $10 milyan oo madaxiisa la dulsaaray.
Mareykanku wuxuu sanadkan horaantiisa qaaday cunaqabatayntii uu saaray HTS.
Trump ayaa hore ula kulmay Sharaa bishii May intii uu booqanaayay magaalada Riyaad, halkaas oo uu ku sifeeyay "nin adag oo taariikh xooggan leh."
Inkasta oo uu leeyahay taariikh dagaalyahanimo, Sharaa wuxuu helay taageero ka timid dowlado hore u diidanaa nidaamkii Asad, isagoo ballan qaaday inuu hogaamin doono dowlad dhexdhexaad ah oo kasban karta kalsoonida kooxaha iyo qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Suuriya.
Sannadkan hore ayuu ballan-qaaday inuu ka saari doono ciidamada amniga xubnaha lagu eedeeyay inay dileen dadka laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta.
Bilihii u dambeeyayna waxaa qarxay rabshado dhimasho leh oo u dhexeeya dagaalyahanno qabiilo Bedu'iin Sunni ah iyo maleeshiyaad Duruusi ah, taasoo dhalisay su'aalo ku saabsan in dowladda uu hogaamiyo HTS ay awoodi karto inay dib u soo celiso xasilloonida dal dagaal ku jiray in ka badan toban sano.













