Somaliland oo dhaqan gelisay amarradeedii diyaaraddaha Iyo nidaamka e-Visaha

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Duulista Hawada iyo JSL
- Author, Saleebaan Saxansaxo
- Role, Wariye
- Reporting from, Hargeysa
Xukuumadda jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay maanta dhaqan gelisay amarro ay hore uga soo saartay duulimaadyada, hawada iyo nidaamka dal-ku-galka ee E-visaha ee ay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya dhaqan gelisay bilowgii bishii September ee sannadkan.
Wasiirka Duulista iyo horumarinta Madaarada Somaliland Fu'aad Axmed Nuux oo u waramayey BBC-da, ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin qayb ka ah fulinta amarro ay soo saareen oo ay ka mid ahaayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaaraddo aan ogolaansho ka haysan Somaliland, kuwaas oo maanta oo dhaqan gelayey sida ay hore u sheegeen.
Wasiirka duulista oo BBC-du weydiisay waxa ka hirgalay go'aamadii ay soo saareen ee qorshuhu ahaa in maanta la fuliyo, ayaa ku jawaabay "Go'aamadii aan soo saarnay waxay dhigayeen in aanay hawada Somaliland mari Karin diyaarad aan ogolaansho ka haysan, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 10-ka November. Markaa maanta dhamaan diyaaraddaha maraya xuduudda hawada ee Somaliland, waxaanu la samaynay xidhiidh toos ah, oo waxa aanu la wadaagnay awaamiirtaas aan soo saarnay iyo waxyaabaha looga baahan yahay. Runtii diyaaraddo badan way ka soo jawaabeen waxayna diyaar u yihiin in ay hoggaansamayaan sharciga Somaliland"
Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in diyaaraddaha aan u hoggaansamin amarada ay soo saareen ay u sheegi doonaan in ay ka leexdaan hawada Somaliland "Kuwa aan ka soo jawaabin ee aan u hoggaansamin awaamiirta aan soo saarnay way ka leexan doonaan hawada Somaliland laga bilaabo berri, amarkaas la fari doonaa"
Fu'aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulistu, waxa uu sheegay in ay xidhiidh toos ah la sameeyeen diyaaraddo ku jira hawada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay, haddaba qaab noocee ah ayey ula xidhiidheen diyaaraddahan, "Waxa aanu isticmaalnay qalab dhamaystiran oo noo suurto gelinaya in aan la xidhiidhno diyaaraddaha hawadayda ku jira, markaa waxaan ku sheegayaa in qalabkaygu ku filan yahay in aanu la xidhiidho diyaaradaha hawadayda maraya"
Maxay yihiin tallaabooyinka ay sheegtay Somaliland in ay ka qaadayso diyaaraddaha u hoggaansami waaya amaradeeda?
Waxa uu Wasiirka duulista Somaliland uu tilmaamay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi doonaan, haddii diyaaradduhu u hoggaansami waayaan amarada ay soo saartay, maxay noqon karaan waxyaabaha ay samaynayso Somaliland haddii ay diyaaradduh diidaan amaradan ay soo saareen, Wasiirka oo su'aashan ka jawaabaya ayaa yidhi "Diyaaraddaha sharciga Somaliland buuxiyaan ogolaanshaha way helayaan, kuwa diida ama ka dhego adayga waxa jira tallaabooyin kale oo noo yaala oo aanu qaadayno oo sharciga Somaliland iyo ka caalamiga ah ee duulimaadyaduba noo ogol yihiin, marka ay u hoggaansami waayaan ayaanu shaacin doonaa."
Muxuu yahay amarka cusub ee Somaliland ka soo saartay nidaamka dal-ku-galka E-visaha ee Soomaaliya hirgelisay?

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Duulista Hawada iyo JSL
Wasiirka Duulista ee Somaliland Fu'aad Axmed Nuux, waxa uu sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Somalia, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba "Shalay waxa soo baxay amar cusub oo Hay'adda Socdaalka ee Somaliland soo saartay, waxa uu amarkan cusub dhigayaa in aan E-visa lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana la la diidi doono in ay dalka soo galaan, waxaanay ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunku ku leedahay, markaa E-visa kama shaqaynayo Somaliland Shirkaddaha diyaaraddahan, Safaaraddaha iyon dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofayaa waan la wadaagnay"
Si kastaba ha ahaatee, amaradan kala duwan ee Somaliland soo saaray muddooyinkii u dambeeyey ayaa ah kuwo ka dhashay nidaamka fiisaha elegtaroonigga ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya hir gelisay Sebtembar 1, 2025.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nidaamka, oo qasab ka dhigay dhammaan dadka tegaya Soomaaliya, oo ay Somaliland ku jirto in dadka booqanaya ee ajaanibka ah ama sita Baasaboorada dalalka shisheeye in wixii ka dambeeyey Sebtembar 1, 2025, laga doonayo in ay fiisaha ka dalbadaan bogga rasmiga ah ee www.evisa.gov.so
"Nidaamkan casriga ah waxa uu u sahlayaa dadka ajaanibka ah in ay dal-ku-gal ka soo dalbadaan meel kasta oo adduunka ka mid ah, isla markaana ay ku helaan muddo gaaban gudaheed," ayuu yidhi Isaaq Xasan Taakow, Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee ICA, isagoo intaa ku daray in shaqaale gaar ah loo tababaray si ay u xaqiijiyaan hufnaanta hannaanka.
Balse hannaankan ayaa marka laga soo tago Somaliland, waxaa kasoo horjeestay maamul-goboleedka Puntland oo sheegay inuusan u hoggaansami doonin.
Dadka ka degaya garoomada Puntland ayaa la sheegay in laga qaado lacagta dal ku galka inkastoo ay E-visa dalbadaan oo halkaasina lacagta dal ku galka looga qaato.













